{"id":17758,"date":"2016-01-25T14:55:48","date_gmt":"2016-01-25T14:55:48","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=17758"},"modified":"2016-01-25T14:55:48","modified_gmt":"2016-01-25T14:55:48","slug":"safaaradda-itoobiya-ku-leedahay-somaliland-oo-ka-hadashay-ajaanibka-la-mastaafurinayo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/01\/25\/safaaradda-itoobiya-ku-leedahay-somaliland-oo-ka-hadashay-ajaanibka-la-mastaafurinayo\/","title":{"rendered":"SAFAARADDA ITOOBIYA KU LEEDAHAY SOMALILAND OO KA HADASHAY AJAANIBKA LA MASTAAFURINAYO"},"content":{"rendered":"<div class=\"newscontent\">\n<p><strong>Arabsiyonews:-<\/strong> U qeybsanaha safaarada Itoobiya ee Somaliland\u00a0 ee arrimaha dhaqaalaha iyo siyaasadda\u00a0 Mr. Ageze Amelo, ayaa sheegay in aaney Itoobiya ogeyn oo keliya balse ay taageersan tahay howsha ay Somaliland gacanta ku hayso ee la tacaalida\u00a0 tahriibeyaasha sharci darrada ah ee badankoodu yihiin Itoobiyaanka.<\/p>\n<p>Waxa u sheegay in ay tahay arrin u baahan wacyigelin ballaadhan oo dadka lagaga joojinayo dhibaatada ay arrintani leedahay oo ay in badan oo ka mid ahi ay ku waayayaan naftooda horeyso iyo dambaysaba.<\/p>\n<p>Qunsulka oo xafiiskiisa ugu warramayay Somalilandsun, waxa uu ka daboolka ka qaaday sida ay dawladda Addis ababa uga walaacsan tahay\u00a0 khasaaraha nafeed ee sii kordhaya ee tahriibayaasha sharci darrada ah.<\/p>\n<\/div>\n<p>Dublamaasigani waxa uu ka hadlay in ay kala shaqeynayaan masuuliyiinta Somaliland iyo hay\u2019adaha muhaajiriinta qaabilsan daaweynta muwaadiniintii Itoobiya ee ku dhaawacmay shilkii baabuurka booliska ee lagu daad-gureynayay tahriibayasha sharci darrada ah oo ay ku nafwaayeen laba qof, iyada oo saddex kalena ay xaaladoodu liidato.<\/p>\n<p>Mr.\u00a0 Amelo waxa uu sheegay in dib u celinta diirada lagu saaro oo keliya kuwa sharci darrada ah maadaama ay jiraan muwaadiniin badan oo dalka deriska ah oo ku sugan Somaliland iyaga oo ugu nool, ugana shaqeysta si sharci ah.<\/p>\n<p>\u201cMuwaadiniin badan oo Itoobiyaan ah ayaa ka shaqeysta oo ku nool Somaliland, haddiiba ay dhacdo in qaarkood ay saameyso sharci darradu waa in la damaanad qaadaa hantidooda,\u201d ayuu yidhi qunsulku.<\/p>\n<p>Waxa kale oo uu qunsulku daboolka ka qaaday in uu jiro dedaal wada jir ah oo socda oo lagula tacaalayo cidhibtirka shabakad xoog badan oo dadka tahriibisa oo isaga dab qaada inta u\u00a0 dhaxaysa Somaliland, Itoobiya iyo Putland oo dadka ugu sii\u00a0 tahriibisa khaliijka doonyo kharaab ah.<\/p>\n<p>\u201cWaxa ku waajib ah dawlad kasta in ay ka ilaaliso muwaadiniinteeda iyo dalkeeda dhaqdhaqaaqyada argagixiso, waxaanan si buuxda iskaga kaashaneynaa Somaliland in aan xaqiijino, islamarkaana tirtiro\u00a0 in ay\u00a0 argagixisadu ay isaga gudbayaan dal illaa dal kale,\u201d Mr. Ageze Amelo.<\/p>\n<p>Dublomaasiga Itoobiya,\u00a0 sidoo kale \u00a0waxa uu ka hadlay in ay si buuuxda u og yihiin\u00a0 in ay Addis-ababa \u00a0u tahay marin halbowle ah muwaadiniinta reer Somaliland \u00a0iyo dunida kale, sidaa awgeedna waxa uu ku warbixiyay in ay bixintii fiisooyinka dib u soo celinayaan marka la xalilo arrimo farsamo, waxaanu yidhi \u00a0\u201cWaxa aanu waqtigan eegnaa oo keliya arrimaha deg-dega ah ee caafimaadka, wareysiyada deg-dega ah ee safaaradaha shisheeye ee Addisababa iyo socdaalada rasmiga ah ee shaqaalaha dawladda iyada oo ay si dhakhso ah oo buuxda u soo noqon doonto bixintii fiiseyaashu.\u201d<\/p>\n<p>Ageso Amelo oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi \u201cWaxaanu\u00a0 ku mashquulsanahay bixinta fiisaha caamka ah iyada oo in ka badan 500 oo codsade si sharci ah loogu ogglaadey dal ku gal Itoobiya ah arrimo kala duwan oo ay ku jiraan ganacsi,booqashooyin shaqo oo rasmi ah, transit, dalxiis iyo caafimaad,\u201d ayuu yidhi qunsul Amelo.<\/p>\n<p><strong>XIGASHO: WARGEYSKA DAWAN<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arabsiyonews:- U qeybsanaha safaarada Itoobiya ee Somaliland\u00a0 ee arrimaha dhaqaalaha iyo siyaasadda\u00a0 Mr. Ageze Amelo, ayaa sheegay in aaney Itoobiya ogeyn oo keliya balse ay taageersan tahay howsha ay Somaliland gacanta ku hayso ee la tacaalida\u00a0 tahriibeyaasha sharci darrada ah ee badankoodu yihiin Itoobiyaanka. Waxa u sheegay in ay tahay arrin u baahan wacyigelin ballaadhan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":17759,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-17758","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-4Cq","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17758","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=17758"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17758\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=17758"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=17758"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=17758"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}