{"id":17661,"date":"2016-01-23T13:24:49","date_gmt":"2016-01-23T13:24:49","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=17661"},"modified":"2016-01-23T13:24:49","modified_gmt":"2016-01-23T13:24:49","slug":"hayad-xuquuqal-insaan-oo-xukuumadda-ugu-baaqday-joojinta-baacsiga-saxaafada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/01\/23\/hayad-xuquuqal-insaan-oo-xukuumadda-ugu-baaqday-joojinta-baacsiga-saxaafada\/","title":{"rendered":"Hay\u2019ad Xuquuqal Insaan Oo Xukuumadda Ugu Baaqday Joojinta Baacsiga Saxaafada &#8211;"},"content":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;Hay\u2019adda difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee Geeska Afrika ayaa dawladda Somaliland ugu baaqday inay joojiso dacwadda loo haysto labada saxafi ee wargeyska xayiran ee Hubsad madaxda ka ah Cabdirashiid Nuur iyo Siciid Khadar iyo in sidoo kale xayiraadda laga qaado wargeyska caanka ah ee Haatuf.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/geeska.net\/wp-content\/uploads\/2016\/01\/11111111111113.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-thumbnail wp-image-30178\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/geeska.net\/wp-content\/uploads\/2016\/01\/11111111111113-150x150.jpg?resize=150%2C150\" alt=\"1111111111111\" width=\"150\" height=\"150\" \/><\/a><\/p>\n<p>Warsaxaafadeed ay hay\u2019addani ka soo saartay shalay magaalada Kampala ee dalka Uganda, ayaa waxay ku sheegtay inay aaminsantahay in labadan saxafi lagu haysto war uu wargeyska Hubsad baahiyay bishii Oktoobar kaas oo uu nuxurkiisu ahaa inay dawladu si sharci darro ah u iibisay dhul badan oo ay leedahay. Xaruntani waxay sheegtay in dacwadda labadan saxafi la gudo-galayo Sabtidan maanta.<\/p>\n<p>Xaruntani waxa kale oo ay dawladda ku cambaaraysay xayiraadda saaran wargeyska Haatuf, \u201cDhowr warbaahin ayaa jira oo dawladda Somaliland xidhay sababta oo ah inay dawladda ka soo horjeedaan. Bishii Abriil 2014, boolis ayaa galay Haatuf oo amar bixiyay in wargeyska loo xidho si degdeg ah. Bisha May, maxkamadda gobolka waxay xukuntay in la xidho guddoomiyaha iyo tafitiraha ayagoo lagu haysto faafin war been ah iyo war dawladda ka so horjeeda. Labada wariye ugu danbeyn waa la sii daayay laakiin wargeyska weli waa xidhan yahay.\u201d ayay tidhi xaruntani.<br \/>\nUgu dambayn waxa ay xaruntani ugu baaqday dawladda Somaliland inaan meesha laga saaro dambiyada loo haysto Cabdirashiid Nuur iyo Siciid Khadar iyo in sidoo kale dib loo furo wargeyska Haatuf. Waxaanay kaloo xaruntani dawladda ugu baaqday inay joojiso baacsiga saxaafadda.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;Hay\u2019adda difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee Geeska Afrika ayaa dawladda Somaliland ugu baaqday inay joojiso dacwadda loo haysto labada saxafi ee wargeyska xayiran ee Hubsad madaxda ka ah Cabdirashiid Nuur iyo Siciid Khadar iyo in sidoo kale xayiraadda laga qaado wargeyska caanka ah ee Haatuf. Warsaxaafadeed ay hay\u2019addani ka soo saartay shalay magaalada Kampala ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":17662,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-17661","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-4AR","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17661","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=17661"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17661\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=17661"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=17661"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=17661"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}