{"id":1750,"date":"2014-12-16T13:37:00","date_gmt":"2014-12-16T13:37:00","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=1750"},"modified":"2014-12-16T13:37:00","modified_gmt":"2014-12-16T13:37:00","slug":"suldaan-wabar-waxaan-leeyahay-haddaad-dawladnimada-addeeci-waydo-sidii-daahir-rayaale-ii-xidhay-aniga-oo-madax-dhaqameed-ah-ayaa-laguu-xidhi-hadduu-dagaal-dhacana-boqor-buur-mad-2","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2014\/12\/16\/suldaan-wabar-waxaan-leeyahay-haddaad-dawladnimada-addeeci-waydo-sidii-daahir-rayaale-ii-xidhay-aniga-oo-madax-dhaqameed-ah-ayaa-laguu-xidhi-hadduu-dagaal-dhacana-boqor-buur-mad-2\/","title":{"rendered":"Suldaan WABAR Waxaan Leeyahay Haddaad Dawladnimada Addeeci Waydo, Sidii Daahir Rayaale ii Xidhay Aniga Oo  Madax-dhaqameed Ah Ayaa Laguu Xidhi, Hadduu Dagaal Dhacana..\u201dBoqor Buur \u2013 Madow"},"content":{"rendered":"<h2>Boqor Cismaan Aw Muxumed Maxamed (Buur-Madow) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa ka hadlay xaaladaha ka soo cusboonaaday gobolka AWDAL, waxaanu baaq u diray Suldaan Abuubakar Wabar oo ka fallaagoobay Somaliland isla-markaana Maleeshiyaad urursanaya.<\/h2>\n<h2>Boqor Buur-Madow oo dalka dibaddiisa ugu maqan safar ayaa wareysi uu xalay siiyey Wargeyska Somalilandtoday ku sheegay inaan xukuumadda talada haysa aan lagu beddeli Karin Suldaan ama Salaadiin fallaagowda, hasa-yeeshee lagu beddeli karayo oo kaliya doorasho, sidaa daraadeedna aan loo baahnayn in dalka rabshado laga abuuro.<\/h2>\n<h2>Buur-Madow, waxa uu sheegay in xukuumaddu xaq u leedahay inay xidho cid kasta oo sharciga dalka u yaalla ka hor timaadda, hadduu Suldaan yahay iyo haddii kaleba, isaga oo tusaale u soo qaatay wakhtigii ay isaga xidhay xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin.<\/h2>\n<h2>Boqor Cismaan oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi \u201cSuldaan Wabar waxaanu ahayn rag aad iyo aad u saaxiib ah, raggii caleemo saarkiisa aad iyo aadka u bogaadiyey ama ula shaqeeyay ayaa ka mid ahaa, saaxiibo aad iskugu dhowna waanu ahayn, manaan filayn inuu maanta halkaasi ka bilaabo, sababta oo ah innagu dhaqan ayaynu leenahay, weliba ragga Madaxda dhaqanka ahi inay dhaqanka ilaaliyaan ayaa loo baahan yahay\u201d<\/h2>\n<h2>Buur-Madow waxa kale oo uu sheegay \u201cSomaliland marna Cabdiraxmaan Tuurbaa (alle ha u naxariistee) baa joogay, Marna Daahir Rayaale ayaa joogay, Suldaankuna waa Daahir Rayaale Suldaankiisii, Daahir Rayaalena 12 sanadood ayuu dalka Madax ka ahaa, qalooc iyo qumaatiba wuu u soo xukumay, markaa waxaan leeyahay geedyahow haddaan xabag kugu arkana kaa goostay haddii kalena kaa tagay ma noqoneyso oo Somaliland waa lagu heshiiyey, dadka reer Awdalna waa kuwo ugu mudan, uguna sharafta badnaa, dhismaha Somalilandna baalka dahabka ah kaga jiray\u201d ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray\u00a0 \u201cAniga oo Siilaanyo Suldaankiisa ah oo Daahir Rayaale iyo Siilaanyo tartan ka dhexeeyo ayaan Daahir Rayaale ag-fadhiyey oo taageerayey\u00a0 12-kii sanadood ee uu dalka soo xukumayey. . Markaa waxaan ka filayey Suldaanka inuu Siilaanyo ag-fadhiisto, maadaama oo beeshiisu ahayd tii ugu sad-bursiga badnayd Somaliland oo uu abaalkii celiyo\u201d<\/h2>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandtoday.com\/slt\/wp-content\/uploads\/2014\/12\/buur-madaw.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-13543\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandtoday.com\/slt\/wp-content\/uploads\/2014\/12\/buur-madaw.jpg?resize=245%2C296\" alt=\"buur-madaw\" width=\"245\" height=\"296\" \/><\/a><\/p>\n<h2>Boqor Cismaan Aw Muxumed Maxamed (Buur-Madow) waxa kale oo uu soo qaaday \u201cAniga iyo Suldaan Wabar waxaanu ka mid nahay labada beelood ee Somaliland sharaftay, inaanu wejiga xumaan ka dhowro ayay ahayd, markaa in Suldaan Wabar iyo beeshiisu iyaga oo 12 sanadood dalka soo xukumayey inay yidhaahdaan jabhad ayaanu la baxeynaa waa ayaan daro, waanan ka tacsiyadeynayaa, cidda ku raacsanna waxaan leeyahay Somaliland waxay soo martay ha la eego, mar walbana waxaan leeyahay cid kasta oo wax tabanaysa hala raali-geliyo, qolada Khaatumo la baxday halla raaliyo geliyo, qolada (Awdal) halla raali-geliyo\u201dayuu yidhi, waxaanu intaasi sii raaciyey \u201cSuldaan Wabar iyo rag badan oo qaylinaya oo leh maxaa ciidanka loo keenay (Awdal) iyo maxaa wax loo xidhay, waxaan leeyahay Daahir Rayaale inta aanu isku dhacday ayuu I xidhay aniga oo Suldaan ah, Maxamed Xaashi Cilmi iyo Gaboose oo siyaasiyiinta reerka ah ayuu xidhay, Borama maalin buu 180 dhallinyaro ah kaga soo xidhay Mandheera, anigu raggii sii daa lahaa ayaan ka mid ahaa, markaa dawladnimadu waxay u baahan tahay go\u2019aan adag, waxaan leeyahay dawladda waynu wada dhisanay, hoggaankeedana cidna lagama xigo\u201d<\/h2>\n<h2>Boqor Buur-Madow, waxa kale oo uu sheegay\u00a0 \u201cSuldaanka waxaan leeyahay sidii Daahir Rayaale noo xidhayey ayaa laguu xidhi, dawladnimada haddaad addeeci waydo waa lagu xidhi. Siyaasiga beeshana (Samaroon) sidii Maxamed Xaashi iyo Gaboose loo xidhay ayaa loo xidhi, haddii lagu kala dhaqaaqayo iyo haddii lagu dhimanayo, wixii dalka rabshad ka bilaaba waalla xidhi\u201d<\/h2>\n<h2>Boqor Cismaan waxa uu sheegay in xukuumadda lagu beddeli karo oo kaliya doorasho, laakiin aanay ku tageyn dagaal ee ay muddo kordhin ku helayso \u201cDawladdan ciddii wax ka waydaa waxay wax ku heli karaysaa inay doorasho ku beddesho, laakiin cidda aaminsan in si kale loo beddelo waxaan leeyahay waad u kordhinaysaa, waayo dawladdu kuma tageyso Suldaan ama toban Suldaan oo meel u baxa, haddii dagaal dhaco waxa imanaysa kordhin aan Guurti la marinayn, markaa waxaan leeyahay waar dalka nabad-galyadiisa aynu ilaashanno, nin kasta oo dalka soo xukumi jirayna ha u diyaar-garoobo wixii aad ku xukumi jirtay ayuun baa lagaga xukumayaa\u201dayuu yidhi<\/h2>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Boqor Cismaan Aw Muxumed Maxamed (Buur-Madow) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa ka hadlay xaaladaha ka soo cusboonaaday gobolka AWDAL, waxaanu baaq u diray Suldaan Abuubakar Wabar oo ka fallaagoobay Somaliland isla-markaana Maleeshiyaad urursanaya. Boqor Buur-Madow oo dalka dibaddiisa ugu maqan safar ayaa wareysi uu xalay siiyey Wargeyska Somalilandtoday ku sheegay inaan xukuumadda talada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":1751,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-1750","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-se","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1750","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1750"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1750\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1750"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1750"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1750"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}