{"id":17478,"date":"2016-01-17T16:09:48","date_gmt":"2016-01-17T16:09:48","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=17478"},"modified":"2016-01-17T16:09:48","modified_gmt":"2016-01-17T16:09:48","slug":"war-deg-deg-ah-shirkii-kismaayo-oo-mar-kale-fashil-kusoo-dhamaaday-laguna-kala-tagay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/01\/17\/war-deg-deg-ah-shirkii-kismaayo-oo-mar-kale-fashil-kusoo-dhamaaday-laguna-kala-tagay\/","title":{"rendered":"War Deg Deg Ah &#8221; Shirkii Kismaayo oo Mar kale fashil kusoo dhamaaday laguna kala tagay"},"content":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in uu halkaasi kusoo dhamaaday shirkii Madasha wadatashiga qaran ee magaaladaasi ku lahaayeen Madaxda Dowlada Federaalka iyo Madaxda Maamul goboleedyada.<\/p>\n<p>Shirka oo saacado badan socday marar badana lagu kala kacay ayaan wali la shaacin natiijada kasoo baxday kulamadii ugu dambeeyay ee madaxdu wada qaateen, waxaana warar mar kale soo baxaya sheegayaan in shirka lagu kala kacay wax natiio ahna uusan kasoo bixin.<\/p>\n<p>Wali lama soo saarin War-Murtiyeed lagu muujinayo wadahadii Magaalada Kismaayo iyo natiijada kasoo baxday, waxaana laga yabaa in aanan shirka laga soo saarin War-murtiyeed la isku raacsan yahay maadama uu fashilmay .<\/p>\n<p>Shirka ayaa intii uu socday waxaa miiska saarnaa si weyna looga dooday labo qodob oo kala ahaa in Baarlamaanka lagu soo xulo Nidamaka 4.5 halka Aqalka Odayaashana lagu soo xulayo qaab degmo, waxaa sidoo kale miiska saarnaa hadii qodobkaasi lagu heshiin in Dowlada hada jirta loogu daro labo sano si ay u diyaariso in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.<\/p>\n<p>Madaxda Maamulada Puntiland iyo Jubbaland ayaa lagu soo waramayaa in ay shirka la yimaadeen shuruudo adag oo ay qaadan waayeen Madaxda kale ee maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo Madaxda Dowlada Federaalka.<\/p>\n<p>Cabdi Weli Gaas iyo Axmed Madoobe ayaa sheegay in ay ogolaanayaan in Baarlamanaka Federaalka lagu soo xulo nidaamka 4.5 balse loo baahan yahay in la saxiixo in aan mar dambe dib loogu laabaneyn nidaamkaasi, sidoo kale Aqalka sare lagu soo xulo qaab degmo .<\/p>\n<p>Madaxda Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dhankooda ku adkeesanaya in Baarlamaanka lagu soo xulo 4.5 ,halka aqalka sare isna doonayaan in lagu qeyb sado qaab maamul goboleed.<\/p>\n<p>Shirka ayaa u muuqda mid kusoo dhamaaday fashil maadaama aysan jirin wax go&#8217;aan ah ee wada garaeyn madaxda Maamulada iyo kuwa Dowlada Federaalka, waxaana laga yaabaa in mar kale loo balamo kulan kale oo qodobadan lagu gorfeenayo.<\/p>\n<p>Ra&#8217;isul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cbadi Rashiid Cali Sharmaarke oo hadalkooban siiyay saxaafada ayaa sheeegay, in shirkii la soo gebagebeeyey, arrimo farsamona ay jiraan u baahan in dib loogu noqdo waxaana uu sheegay in shirka loo ballamey muddo kale, wixii faahfaahin ahna uu jeedin doono marka uu tago Muqdisho.<\/p>\n<p>Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , Gudoomiyaha Baarlamanaka ,Raisul Wasaaraha iyo madax kale oo Shirka Kismaayo ka qeyb galeysay ayaa goordhaw kasoo dhoofay Kismaayo iyaga oo kusoo wajahan magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p><strong><br \/>\nWaxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah<\/strong><\/p>\n<p>posted<\/p>\n<p>Abdifatah Giryaad<\/p>\n<p>Arabsiyo Main Officer<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in uu halkaasi kusoo dhamaaday shirkii Madasha wadatashiga qaran ee magaaladaasi ku lahaayeen Madaxda Dowlada Federaalka iyo Madaxda Maamul goboleedyada. Shirka oo saacado badan socday marar badana lagu kala kacay ayaan wali la shaacin natiijada kasoo baxday kulamadii ugu dambeeyay ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":17479,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-17478","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-4xU","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17478","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=17478"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17478\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=17478"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=17478"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=17478"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}