{"id":1740,"date":"2014-12-16T13:07:53","date_gmt":"2014-12-16T13:07:53","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=1740"},"modified":"2014-12-16T13:07:53","modified_gmt":"2014-12-16T13:07:53","slug":"sydney-dadkii-lagu-afduubtey-makhaayadda-lindt-cafe-oo-la-soo-badbaadiyey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2014\/12\/16\/sydney-dadkii-lagu-afduubtey-makhaayadda-lindt-cafe-oo-la-soo-badbaadiyey\/","title":{"rendered":"Sydney: Dadkii lagu afduubtey Makhaayadda Lindt Cafe oo la soo badbaadiyey"},"content":{"rendered":"<p>Waxaa saaka oo isniin ah nin hubeysan uu qabsaday xarun Makhaayad oo ku taal bartamaha magaalada Sydney oo ah magaalada ugu weyn ee dalka Australia.<\/p>\n<p>UPDATED: 19:28 Wararka u danbeeyey ayaa tibaaxaya in afduubkii dhamaadey dadkii la haystey badankoodna ay ka soo baxsadeen maqaaxidii lagu haystey. Ninka afduubka geystey ayaa lagu magacaabaa Man Harun Monis, waxa uu ahaa\u00a0 nin denbiyo badan loo haystey oo 50 jir ah oo asal ahaan ka soo jeeda dalka IRAN, waxaa horey loogu xukumey denbiyo ah handadaad uu ku sameeyey qoysaskii askartu uga dhimatey dalalka Ciraaq iyo Afqaanistan.<\/p>\n<p>Warbaahinta Australia ayaa ninkaan ku tilmaantey Shiikh beenaad, waxa uu dariiqyada la istaagi jirey boor ay ku qoran tahay in xabsiga lagu jirdiley inta uu isku soo xiro silsilado caag ah, waxaa warbaahintu sheegtey in dacwadaha ku socdey ay ka mid ahayd in uu ka danbeeyey geerida xaaskiisi hore.<\/p>\n<p>Wararka u danbeeyey ayaa sheegaya in rasaas iyo garneylo laga maqlaayey maqaaxida, ciidamada Kumaaduuska Australia ay gudaha u galeen maqaaxida, ugu yaraan labo qof ayaa la sheegayaa in ay dhimatey oo uu ku jiro ninkii afduubtey dadka ee Man Haron<\/p>\n<p>\u2014Ninka Afduubkan geystay ayaa ku khasbay dadkii Makhaayadaasi ku jiray inay istaagaan daaqadaha xaruntaasi iyagoo gacmaha kor u taagaya, waxaa la arkayey muuqaalka Calanka Madow oo uu Towxiidka ku yaal oo la suray mid kamid ah daaqadaha makhaayadaasi.<\/p>\n<p>Makhaayada\u00a0 laga qaxweeyo oo lagu magacaabo Lindt Cafe ayaa ku taal bartamaha magaalada Sydney waxay kasoo horjeedaa xarunta mid kamid ah telefishonada ugu waaweyn dalka Australia oo lagu magacaabo Channel 7, sidoo kale waxaa goobtaasi ku yaal xarumaha Bangiyada, xarunta Baarlamaanka iyo waliba goobaha kale ee loo dalxiis tago.<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<br \/>\nSydney\u00a0 office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxaa saaka oo isniin ah nin hubeysan uu qabsaday xarun Makhaayad oo ku taal bartamaha magaalada Sydney oo ah magaalada ugu weyn ee dalka Australia. UPDATED: 19:28 Wararka u danbeeyey ayaa tibaaxaya in afduubkii dhamaadey dadkii la haystey badankoodna ay ka soo baxsadeen maqaaxidii lagu haystey. Ninka afduubka geystey ayaa lagu magacaabaa Man Harun Monis, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1741,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-1740","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-s4","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1740","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1740"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1740\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1740"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1740"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1740"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}