{"id":17308,"date":"2016-01-12T13:35:44","date_gmt":"2016-01-12T13:35:44","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=17308"},"modified":"2016-01-12T13:35:44","modified_gmt":"2016-01-12T13:35:44","slug":"somaliland-oo-xukun-ku-riday-rag-lagu-eedeyay-fidinta-mad-habta-shiicada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/01\/12\/somaliland-oo-xukun-ku-riday-rag-lagu-eedeyay-fidinta-mad-habta-shiicada\/","title":{"rendered":"Somaliland oo Xukun ku Riday Rag Lagu Eedeyay Fidinta Mad-habta Shiicada."},"content":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;Xukuumadda Somaliland ayaa xukun iyo ganaax ku riday laba nin dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Pakistan oo mid ka mid ah January 6, 2016 Somaliland xabsiga u taxaabtay.<\/p>\n<p>Maxamed Rasa iyo Hashim Makera oo Somaliland ku soo galay ganacsade ayaa lagu helay inuu muddooyinkii u dambeeyay dalka ku fidinayay Mad-habta shiicadda.<\/p>\n<p>Maxkamada Degmada Hargaysa oo maanta xukunkan riday ayaa sheegtay in markay dhammaystaan xukunkan oo hal sanno ah dalka laga mastaafurin doono.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha degmada Hargeisa Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa goobta ka sheegay go\u2019aamada maxkamadu u cuskatay<\/p>\n<p>\u201cDambiilayaal Maxamed Rasa Xuseen oo da\u2019diisu tahay 63 jir iyo Hashim Makera oo ah maqane oo ku gafay qodobka 314 xeerka ciqaabta guud ,khalkhal galin arimo diimeed iyo xeerka socdaalka ee 72 xeerkaasi oo soo baxay 1995-kii,waxa lagu xukumay min hal sanno oo xadhig ah iyo min saddex milyan oo Somaliland shilling ah oo ganaax raacsan ah \u201cayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamada degmada Hargeisa Cabdirashiid Maxamed Xirsi.<\/p>\n<p>Waxa isaguna ka hadlay ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee qaranka kana hawl gala gobolka Maroodijeex,ayaa sheegay inay ka biyo diidsan yihiin go\u2019aanka maxkamadu soo saartay<\/p>\n<p>\u201cWaxaanu eedaysanaha Maxkamada horjooga iyo kuwa maqanba aanu ku soo eedaynaya inay khal khal galinayaan diinta Islaamnka gaar ahaanna Suniga oo dadka deegaanku aaminsanyihiin,waxaanu maxkamada horteeda ka cadaynayay inuu ku gafay qodobada aanu ku soo eedaynay,markhaatiyo ayaanu gaynay iyo cadaymo,waxaanu filaynay in maxkamadu noogu xukunto ciqaab culus maadama oo uu duulaan ku ahaa deegaankan iyo dadka ku nool iyo diinta Islaamka ,isagoo waday khalkhal galin diimeed iyo inay dadku isku dhacaan dhinaca nabad galyadana uu khatar ku ahaa\u201dayuu yidhi xeer ilaaliye ku xigeenka gobolka Maroodi jeex.<\/p>\n<p>Waxa uu sheegay inay rafcaan ka qaateen go\u2019aankaasi ka soo baxay maxkamada degmada Hargaysa isla markaan darajada labaad la tagi doonaan .<\/p>\n<p>\u201cwaxa lagu xukumay xun yar oo khafiif ah sidoo kalena aanu ka baqaynayo in xadhiga laga iibiyo hawshiisiina halkii ka sii wato ,waxaanu ka qaadanay rafcaan \u201cayuu raaciyay.<\/p>\n<p>Geesta kalena culimada Somaliland ayaa sheegay inay soo dhawaynayaa xukunka ay Somaliland ku riday labadaa nin madama ay fidinayeen wax khal khal ku riday diinta Islaamka.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Maroodijeex,waxa uu sheegay in marka uu xukunka dhamaysto dalka laga mastaafurin doono labadan nin ee fidinayay Mad-habta shiicada.<\/p>\n<p>posted By:<br \/>\nAbdfataah Mohammed Giryaad<br \/>\nArabsiyo Main officer<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;Xukuumadda Somaliland ayaa xukun iyo ganaax ku riday laba nin dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Pakistan oo mid ka mid ah January 6, 2016 Somaliland xabsiga u taxaabtay. Maxamed Rasa iyo Hashim Makera oo Somaliland ku soo galay ganacsade ayaa lagu helay inuu muddooyinkii u dambeeyay dalka ku fidinayay Mad-habta shiicadda. Maxkamada Degmada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":17309,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-17308","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-4va","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17308","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=17308"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17308\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=17308"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=17308"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=17308"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}