{"id":17259,"date":"2016-01-11T09:14:01","date_gmt":"2016-01-11T09:14:01","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=17259"},"modified":"2016-01-11T09:14:01","modified_gmt":"2016-01-11T09:14:01","slug":"nuxurka-khudbadii-madaxwayne-siilaanyo-uu-ka-jeediyey-labada-gole-ee-barlamaanka-sland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/01\/11\/nuxurka-khudbadii-madaxwayne-siilaanyo-uu-ka-jeediyey-labada-gole-ee-barlamaanka-sland\/","title":{"rendered":"Nuxurka Khudbadii Madaxwayne Siilaanyo uu ka jeediyey labada gole ee Barlamaanka S\/land"},"content":{"rendered":"<div class=\"AppContainer\">\n<div id=\"c_base\" class=\"c_base\">\n<div id=\"c_content\" class=\"c_main\">\n<div id=\"pageContent\">\n<div id=\"pageInbox\" class=\"v-Page\">\n<div id=\"inboxControl0f\">\n<div class=\"containsYSizerBar\">\n<div class=\"ContentRight FullView\" data-link=\"class{:~tag.contentRightClass(Layout.IsFullView, Layout.ReadingPaneMode)}\">\n<div class=\"ContentRightInner t_mbgc t_qtc t_urtc\">\n<div id=\"inboxControl0fv-ReadMessageContainer\" class=\"v-ReadMessageContainer slideOnResize\" tabindex=\"-1\">\n<div class=\"c-ReadMessage\" data-link=\"class{readMessageClass: ~tag.Show}\">\n<div id=\"ReadMessageScrollableSection\" class=\"rmMessages ClearBoth\" tabindex=\"-1\">\n<div id=\"readMessagePartControl382f\" class=\"c-ReadMessagePart ReadMsgContainer HasLayout ClearBoth HideShadows FullPart NoHistory Read RmIc\" data-link=\"class{:~tag.getHeaderCssClass(IsConversationPart, IsRead, IsDraft, IsTrustedSender, Items.length)}\">\n<div class=\"c-ReadMessagePartBody\" data-link=\"class{getClass:IsBodyExpanded}\">\n<div class=\"readMsgBody\">\n<div id=\"bodyreadMessagePartBodyControl387f\" class=\"ExternalClass MsgBodyContainer\" data-link=\"class{:~tag.cssClasses(PlainText, IsContentFiltered)}\">\n<div dir=\"ltr\">\n<div class=\"ecxgmail_signature\">\n<div dir=\"ltr\">\n<div>\n<div dir=\"ltr\">\n<div dir=\"ltr\">\n<div dir=\"ltr\">\n<div>\n<div>\n<h1><span lang=\"SQ\">Khudbadda Madaxweynaha JSL ee Labada Gole;<\/span><\/h1>\n<h1><span lang=\"SQ\">Isniin, 11. 01. 2016<\/span><\/h1>\n<h1><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/h1>\n<h1><span lang=\"SQ\">Bismilaahi Raxmaani Raxiim<\/span><\/h1>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\">Al-xamdu-lilaah, Ilaahaybaa mahad leh,<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\">\u201cAssalaamu calaykum waraxmatullaahi wa barakaatuhu\u201d.<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b><i><span lang=\"SQ\">Mudanayaal iyo Marwooyin,<\/span><\/i><\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Waxa sharaf iyo maamuus ii ah in aan sannadkii 6aad hor imaado aqalka Baarlamaanka Somaliland ee Guurtida iyo Wakiiladda oo aan ka hor jeediyo khudbad sannadeedka Dastuuriga ah. <\/span><span lang=\"SQ\">Mudanayaal iyo Marwooyin, waxa marag ma doon ah in Xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay xaqiijisay is-beddel laxaad leh iyo horumar balaadhan oo la taaban karo.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Ma jecli in aan maanta xoog saaro, ama aan khudbaddayda kaga war-bixiyo waxyaalihii inoo qabsoomay sannadihii tagay iyo wax-qabadka 2016-ka. Hase yeeshee, waxaan jecelahay in aan kaga hadlo arrimo muhiim ah oo saamayn ku leh nolosha Bulshada Somaliland, kuwaas oo kala ah:<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">1.\u00a0\u00a0 <\/span><\/b><b><span lang=\"SQ\">Siyaasadda Arrimaha Dibedda.<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">2.\u00a0\u00a0 <\/span><\/b><b><span lang=\"SQ\">Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">3.\u00a0\u00a0 <\/span><\/b><b><span lang=\"SQ\">Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka.<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">4.\u00a0\u00a0 <\/span><\/b><b><span lang=\"SQ\">Qiima-dhaca Shillinka Somaliland.<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">5.\u00a0\u00a0 <\/span><\/b><b><span lang=\"SQ\">Adkaynta Nabadgelyada.<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">6.\u00a0\u00a0 <\/span><\/b><b><span lang=\"SQ\">Maamul Wanaagga.<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">7.\u00a0\u00a0 <\/span><\/b><b><span lang=\"SQ\">Garsoorka iyo Cadaaladda.<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"\"><u><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/u><\/p>\n<p class=\"\"><u><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/u><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">1.\u00a0\u00a0 <\/span><\/b><b><u><span lang=\"SQ\">Siyaasadda Arrimaha Dibadda<\/span><\/u><\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><u><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/u><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Mudanayaal iyo Marwooyin,<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Waxaannu dedaal dheer u galnay Taabo-gelinta Magac Wanaajinta iyo Madax-banaanida Jamhuuriyada Somaliland. Muddadii aan qarankan hogaaminayey, waxaa xoogaystay xidhiidhka aynu la leenahay Dawladaha Dariska, Wadamada Carabta, Midowga Yurub iyo Maraykanka. Waxaad ka wada dharagsantihiin in Golayaasha Deegaanka ee Sheffield, Cardiff, iyo Tower Hamlet, sadexduba u gudbiyeen Raysal Wasaaraha iyo Baarlamaanka ingiriiska mooshin ay kaga dalbanayaan in la aqoonsado Jamhuuriyada Somaliland, talaabadani waa guul aynu Qaran ahaan wada gaadhnay.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Waxaa milgo iyo maamuus inaga mudan mudanayaashii mashruucaa meel mariyey iyo jaaliyadaha Reer Somaliland ee mudada dheer arrintan gacanta weyn ka geystay kana midho dhaliyey. Xukuumadayda waxaa ka go\u2019an inay Beesha Caalamka la yeelato xidhiidh wanaagsan, gaar ahaanna Dalalka aynu saaxiibada iyo dariska nahay ee Ethiopia iyo Jabuuti, xoojinno xidhiidhka wada-shaqayneed, iskana kaashanno adkaynta Nabad-gelyada, La-dagaalanka Budhcad-badeeda, Argagixisada, Dhiiri-gelinta Ganacsiga iyo isu socodka Bulshada.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Sannadkan cusub ee bilowga ah waxaa noo qorshaysan idam Eebe in aanu laban laabno dedaalka, isla markaana aanu xaqiijino talaabooyinka hoos ku xusan:-<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">1)\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Waxaannu dardar gelinaynaa dedaalka ictiraaf raadinta loogu jiro, si looga midho dhaliyo guul wax ku ool ahna dhakhso looga gaadho, waxaan magacaabayaa guddi ka shaqaysa arrimaha ictiraaf raadinta.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">2)\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Waxaannu abaabulaynaa qurbo-jooga Somaliland ee ku firidhsan dunida dacalladeeda, kuwaas oo ah xoog dihin oo dalkan u maqan.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">3)\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Waxaannu Qadiyadda Somaliland gaadhsiin doonaa Maxkamadaha iyo Hay&#8217;adaha Gorsoorka Caalamiga ah.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">4)\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Waxaannu tayeynaynaa isla markaana\u00a0 dib u qiimayn joogto ah ku samayn doonnaa xafiisyada\u00a0 iyo wakiillada Somaliland u fadhiya Dalalka dibadda, si ay door weyn uga qaataan hawlaha ictiraaf raadinta.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">5)\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Waxaanu ku dhiiri-gelinaynaa Bulshada Somaliland gudo iyo dibad, in ay si weyn u muujiyaan dareen kooda ku aadan Xuska Sannad Guurada 25aad 18-ka May 2016-ka ee Madaxbanaanida Somaliland.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Waxaan halkan ku canbaaraynayaa falkii foosha xumaa ee lagu gubay Safaarada Dalka Sucuudigu ku lahaa Wadanka iiraan, taas oo ahayd mid ka dhan ah milgaha diblumaasiyada dunida, kana soo horjeeda Shuruucda Caalamiga ah. Xukuumada Somaliland waxay si adag uga soo horjeedaa xasilooni darida dalka iiraan ka wado mandaqadda Bariga Dhexe iyo Marin Biyoodka Badda Cas.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Dawladda Somaliland waxay si buuxda u garab taagan tahay mawqifka ay ka qaateen Dawladaha Jaamacadda Carabtu arrintan.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><u><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/u><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">2.\u00a0\u00a0 <\/span><\/b><b><u><span lang=\"SQ\">Wada-hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya<\/span><\/u><\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b><i><span lang=\"SQ\">Mudanayaal iyo Marwooyin,<\/span><\/i><\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Waxaannu dardargelinaynaa ambaqaadka wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Si looga gun gaadho wada hadalada labada dal u dhexeeya, waxaan ku baaqayaa in gogosha la balaadhiyo, dalal laysla gartayna ay goob joog ka noqdaan. Dhinaca kale, waxaannu soo dhaweynaynaa dedaalada Beesha Caalamku ugu jirto sidii Soomaaliya nabad loogu soo dabaali lahaa, isla markaana dawlad adag loogu dhisi lahaa dabayaaqada sannadka 2016-ka. Hasayeeshee, waxaannu dunida u caddaynaynaa in Somaliland tahay dal madax bannaan oo aan ka mid ahayn maamul goboleedyada ku midoobay Nidaamka Federaalka.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Jamhuuriyadda Somaliland ma meteli karaan shaqsiyaad danaystayaal ah oo Muqdisho laga cugtay. Waa maag iyo meel ka dhac qaawan in magaca qarankayaga loo cimaamado cid aan shacbiweynaha Somaliland dooran, ama aanay ceelalyo u diran. Ummadda Somaliland waxaa matala oo kaliya, kana mas&#8217;uul ah madax ku timi doorasho xor iyo xalaal ah (Xukuumad iyo Baarlamaan).<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Waxaannu la soconaa in Madaxda Dawladda Soomaaliya ay gacanta kula jiraan arrimo ka dhan ah nabadda iyo wada jirka Qarankan. Waxaannu ognahay in ay soo abaabuleen kooxo ay ugu talo-galeen inay khal-khal geliyaan nabadda iyo deganaanshaha Somaliland, isla markaana carqaladeeyaan Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Haddaba, Xaafadi waxay xaafad kale ugu wareegtaa waa xasarad. Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa Dalka Soomaaliya inay xil iska saaraan xal u helida dhibaatooyinka hadheeyey dhulkooda. Waxaan leeyahay u dulqaadan mayno farogelinta aad ku haysaan ciidayada iyo calankayaga. Cidina kuma xad gudbi karto xaqa aayo-ka tashiga dadkayga iyo xurmada madax bannaanida dalkayga. Xuquuqda aasaasiga ah iyo Xuduudaha Jamhuuriyada Somaliland waa lama taabtaan, diyaarna waxaannu u nahay in aannu dhiig u daadino dhulkayaga hooyo.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Caqli xumo, colaad sokeeye iyo cadaalad daro, waa wixii Soomaali kala irdheeyey, ee aramida iyo utunta dhex dhigay<\/span><span lang=\"SQ\">.<b><i><u>Waxaan ahay Oday Soomaaliyeed oo waayo-arag ah<\/u><\/i><\/b>. Sidaa darteed, waxaan u arkaa in maslaxadda iyo danta Ummad Weynta Somaliyeed ee ku dhaqan geeska Africa, ay ku jirto in ay ku wada noolaato nabad iyo niyad sami. Hore ayaa loo yidhi \u201c<\/span><span lang=\"SQ\">Belo daaman la qabto ayey\u00a0 leedahay ee dabo la qabto maleh<\/span><span lang=\"SQ\">\u2019\u2019. Haddaba, waxaan ka digayaa in dib loo huriyo colaadihii laga soo doogay, dadkana dhibaato la dhex-dhigo.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Walaalayaal, mar kale waxaan ku celinayaa kala tagnay ee aan kala turxaan la,aanno. Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa \u2018\u2019intaanad Geedka iman Baa Gartaada La Naqsadaa\u2019\u2019. Annaga gartayadu way noo cadahay sida cadceeda oo caad nagama saarna, diyaarna waxaannu u nahay gole kasta oo caalami ah oo xaajadayada lagu gorfaynayo.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Mar labaad waxaannu xasuusinaynaa Dalkii aannu ka go\u2019nay ee Soomaaliya, Dalalka Midowga Afrika, Midowga Yurub, Maraykanka, Jaamacada Carabta, Urrurka islaamka iyo dhamaan Dalalka ku Midoobay Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa arrimaha hoos ku xusan:-<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">1)\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Somaliland waxay ahayd dal gaar ah, oo xornimadiisii ka qaatay 26 june, 1960-kii Dawladdii Ingiriiska. Waxaannu ku biirnay lana midawnay 1-dii july dalkii Soomaaliya oo talyaanigu gumaysan jiray.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">2)\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Shacbiga Somaliland waxay si cad u diideen June, 1961-kii, aftidii loo qaaday dastuurkii cusbaa ee loo sameeyey dalkii lagu midoobay ee la magac baxay jamhuuriyaddii Soomaaliya, oo haatan meesha ka baxday.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">3)\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">\u00a0Muddo yar ka dib, markii Shacbiga Somaliland garwaaqsadeen inay ku hungoobeen midnimadii, waxay Saraakiishii ka soo jeeday Gobollada Waqooyi sameeyeen December, 1961-kii inqilaab dhicisoobay, kaas oo ujeedadiisu ahayd inay dib u soo celiyaan Xornimadii Somaliland ee luntay.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">4)\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Somaliland rubuc qarnigii u danbeeyey kama qayb qaadan shirarkii kala duwanaa ee dib u heshiisiinta Soomaaliya marnaba.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">Sidoo kale, kama mid aha Nidaamka Federaalka yegleesha ah ee ay ku midoobeen maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya, kuwaas oo saxeexay, isla markaana ogolaaday heshiisyada iyo Axdiga (Road map)-ka ay ku dhisan tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">5)\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Somaliland waxay xornimadeedii la soo noqotay 18-kii May 1991-kii, ka dib markii ay Salaadiinta, Garaadada iyo Wax garadka Beelaha Waqooyi shir isugu yimaadeen Magaalada Burco go\u2019aan midaysanna ay ku gaadheen in madax bannaanidoodii ay dib ula soo noqdaan.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">6)\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Shacbiga Somaliland waxay May, 2001-kii kalsooni cod buuxa 97% ku taageereen aftidii loo qaaday dastuurka cusub ee Jamhuriyadda Somaliland\u00a0 iyo Qadiyada Gooni-isu-taaga dalka.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><i><span lang=\"SQ\">Arimahani waxay daliil cad u yihiin in jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland aanay ahayn wax ku dhisan riyo iyo dhalanteed, balse ay tahay mid ka turjumaysa xaqiiqada dhabta ah iyo go\u2019aanka shacbigani qaatay. Sidaa darteed, waxaa mudan in la ixtiraamo xaqa aayo ka tashiga iyo rabitaanka Shacbiga Somaliland<\/span><\/i><span lang=\"SQ\">.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">3.\u00a0\u00a0 <\/span><\/b><b><u><span lang=\"SQ\">Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka<\/span><\/u><\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><u><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/u><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b><i><span lang=\"SQ\">Mudanayaal iyo Marwooyin,<\/span><\/i><\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Sida aad la socotaan waxay xukuumadaydu xaqiijisay taariikhda dalkan markii ugu horaysay, in la sameeyo diiwaangelin u gaar ah Aqoonsiga iyo Sugidda Dhalashada Muwaadinka Somaliland. Diiwaangelinta oo ahayd mashruuc Qaran oo culus ma jirin cid inaga caawisay gebi-ahaanba, dhammaan dhaqaalihii ku baxay waxaa bixisay Dawladda. Waxaa sharaf ii ah in aan maanta idiinku bushaareeyo in aynu ku guuleysanay farsamo ahaan iyo tayo ahaanba sidii loo diiwaan gelin lahaa Muwaadiniinta Somaliland 70%.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Diiwaan-gelinta Muwaadinku waa mid ka duwan Diiwaan-gelinta Codbixiyaasha oo wakhti kooban loogu talo galay inay socoto, halka diiwaan-gelinta muwaadinku ay si joogto ah u socon doonto. Waxaa hubaal ah in uu taabogalay mashruucani tayo ahaan, maadaama uu meesha ka saaray in qof muwaadin ahi laba jeer uu is diiwaan gelin karo.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Dhinaca kale, waxaa bishan 16-keeda Gobolka Togdheer ka bilaabmaysa diiwaan gelintii cod bixiyaasha oo ay maamulayaan Gudida Doorashooyinka Qaranku. Waxaan ugu baaqayaa shacbi weynaha Somaliland in ay dhamaan ka qayb qaataan Diiwaangelinta Codbixiyaasha, iyada oo tii horena la bar bar wadi doono si loo qabyo tiro.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Waxaan ahay maanta\u00a0 Madaxweyne aan murashax ahayn, inta ka hadhay muddo xileedkayga, waxaa iga go\u2019an:<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 <\/span><span lang=\"SQ\">in aan dalkan u horseedo horumar, haybadiisana aan kor u qaado.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 <\/span><span lang=\"SQ\">in aan ka tago dhaxal aan duugoobin iyo dhito aan go\u2019in.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 <\/span><span lang=\"SQ\">in aan suurto geliyo Doorasho Xor iyo Xalaal ah, taas oo\u00a0 ku qabsoonta xiligii loogu talo galay eebe idamkii.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 <\/span><span lang=\"SQ\">Waxaan Guddida Doorashooyinka Qaranka kula dardaarmayaa in ay xilka culus ee ay hayaan u gutaan si dedaal iyo daacadnimo leh, isla markaana dhex u noqdaan musharixiinta.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">Sidoo kalena, waxaan ku boorinayaa Madaxda Xisbiyada Qaranka, gaar ahaan ragga hunguriga ka qaba hoggaaminta dalka in ay muujiyaan bisayl siyaasadeed iyo tartan aan turxaan lahayn.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">4.\u00a0\u00a0 <\/span><\/b><b><u><span lang=\"SQ\">Qiima Dhaca Iyo Isticmaalka\u00a0 Shillinka Somaliland<\/span><\/u><\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b><i><span lang=\"SQ\">Mudanayaal iyo Marwooyin,<\/span><\/i><\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Dalkasta oo dunida ku yaal wuxuu leeyahay calan iyo cumlad u gaar ah. Lacagta Qarankani uu leeyahay waa Shillinka Somaliland. Waxaa hubaal ah in lacagteenii uu ku yimi qiimo dhac, ka dib markii ay suuqa iyo seyladda ganacsiga ku cidhiidhyeen lacago qalaadi. Taasi waxay keentay in lacagteenii ay soo ururto isticmaalkeedu. Haddaba, si aynu uga badbaadno dhibaatooyin siyaasadeed, dhaqaale iyo lacagteena oo sii qiima beesha. Waxaa xukuumadayda ka go\u2019an in ay xaqiijiso arrimahan:<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">1)\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Waxaannu suurto gelinaynaa in lacagta Shillinka Somaliland noqoto cumlada rasmiga ah ee wax lagu kala iibsado.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">Waxaa waajib ah in bulshadu wax ku kala iibsato ama wax isku weydaarsato lacagteena, dhamaan Goobaha Ganacsiga sida Huteelada, Dugsiyada Waxbarashada, Suuqyada kala duduwan, Seyladaha Xoolaha iyo wixii la mida.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">2)\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Waxaa bartilmaameed inoo ah in qiimaha sarifka dollarka ee Shillinka Somaliland la gaadhsiiyo 6,000 oo Shillin.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">3)\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Waxaannu xoojinaynaa isla markaana dardar\u00a0 gelinaynaa Awoodaha Baanka Dhexe ee Qaranka, si uu u xakameeyo sicir bararka iyo sarifka lacagaha.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">4)\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Waxaannu ku gudo jirnaa diyaarinta iyo daah furka daraasad\u00a0 qotodheer oo lagu xaqiijinayo in adeega Zaad-ka iyo E-Dahabka ku shaqeeya lacagta dollar ka ah ay qayb ka yihiin qiimo dhaca Shillinka Somaliland.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">5)\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Sidoo kale, waxaa daraasadaa lagaga gun gaadhi doonaa in lacagta sarifka Shillinka Somaliland ee gacanta u gashay Ganacsatada Waaweyn ee Bangiyada, Xawaaladaha iyo Jaadwalayaasha ay saamayn ku leeyihiin ama qayb ka yihiin qiima dhaca Shillinka Somaliland. Arimahan aan kor ku soo sheegnay haddii\u00a0 cilmi baadhistaasi si dhab ah u xaqiijiso, waxaa lagama maarmaan ah\u00a0 in aanu go\u2019aamo adag ka qaadano si loo helo xal waara.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">6)\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Waxaannu Shirkadaha iyo Shacbi Weynaha Somaliland ku dhiiri-galinaynaa in ay lacagta dalkooda ku isticmaalaan adeegyada casriga ah ee Zaadka iyo E-dahabka.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">7)\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Waxaannu dhiiri gelinaynaa in dalka ay yimaadaan Maal-gashadayaal, Shirkado Ganacsi iyo Bangiyo Caalami ah, si dhaqaaleheenu u kobco.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">8)\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Si aynu u helno lacag adag oo dalka ku soo noqota, isla markaana loo yareeyo wax yaalaha la inoo soo dhoofiyo, waxaan ku dhiiri-gelinayaa shacbigayga in ay xooga saaraan Wax Soo Saarka, Dalaga\u00a0 Beeraha, Shaqa Abuurka, Xoolaha Nool, Beeyada, Kalluunka iyo wixii la mid ah, kuwaas oo ah khayraad alle inagu manaystay bad iyo berrina dhulkeena buuxiyey.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">9)\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Waxaan Shacbiga Somaliland u damaanad qaadayaa in aanay is dhex geli doonin hantida Qaranka keyd ka u ah ee Bangiga Dhexe ka mas&#8217;uulka yahay, iyo hantida ay xukuumadaydu isticmaasho.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">Arrintani waxay ka hortag iyo xal waara u tahay in aanay suuqyada hafin lacago dheeraad ku ah Shillinka Somaliland, taas oo aan dawladda dakhli ahaan u soo gelin ama aanay xoogsan.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">5.\u00a0\u00a0 <\/span><\/b><b><u><span lang=\"SQ\">Adkaynta Nabedgelyada<\/span><\/u><\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Mudanayaal iyo Marwooyin,<u><\/u><\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><u><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/u><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Nabadgelyadu waa Saldhiga iyo Aasaaska Nolosha Aadamaha, la\u2019aanteedna qaran ma gaadhi karo horumarka iyo himilooyinka uu higsanayo. Ilaahay mahadii maanta waxaynu nahay qaran nabad ku caano maalay, deganaanshana ku caan baxay. Hasayeeshee, taa macnaheedu ma\u2019aha in aynu ka nabaadino xidhannahay xeeladaha iyo xasilooni darida ay ka wadaan kooxaha argagixsada ahi dalalka geeska Afrika.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Haddaba, xukuumad ahaan anagoo ka duulayna xaaladaha amniga mandaqada, isla markaana mudnaanta siinayna xoojinta xasiloonida qaranka, adkeynta iyo ilaalinta xuduudaha dalka (cir, bad iyo beri), waxaannu 24-kii December, 2015-kii qaadanay meelmarinta talaabooyinkan adag ee ku wajahan arrimahan soo socda:-<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">1)\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Qaabka safarada iyo isu socodka loogu kala gooshayo Jamhuuriyada Somaliland iyo Soomaaliya.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">2)\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Dadka ajaanibka ah ee dalka sharci darada ku jooga ama ku degan.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">3)\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Dadka shisheeyaha ah ee dalka sida sharci darada ah kaga shaqaysta.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">4)\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Qulqulka tahriibayaasha dalka sharci darrada ku soo galaya ama dalkeena sii dhexmaraya.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">5)\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Waxaa kale oo si rasmi ah aannu u mamnuucnay in ay macaamiishooda u adeegaan goobaha ganacsigu, sida Huteellada la seexdo, Macradada Baabuurta iyo Shirkadaha Telefoonada, ilaa ay si buuxda u hubiyaan aqoonsigiisa.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">Waxaan Shacbiga Somaliland ku adkaynayaa in ay ka feejignaadaan, indho dheerna u yeeshaan cid kasta oo cadow ku ah nabad gelyadooda, isla markaana u hogaansamaan meelmarinta go\u2019aamadan cusub. Intaas oo keli ah kuma eka qorshaha adkeynta amniga qaranku, ee waxaannu kor u qaadaynaa tayada, tirada iyo tababarada Ciidamada Qaranka (Milateriga iyo Booliska). Waxaannu qaadnay talaabooyin ciidamada niyada loogu dhisayo, sida\u00a0 gunooyin loo kordhiyey iyo dib u sixid lagu sameeyey cabatinkii darajooyinka ka soo baxay.\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Waxaynu nahay dad muslimiin ah oo ay waajib ku tahay inay ilaashadaan diintooda wanaagsan. Xukuumadaydu waxay Culimada kala shaqaynaysaa sidii kor loogu qaadi lahaa fahamka saxda ah ee diinta islaamka. Hase yeeshee, waxaanu ka soo hor-jeednaa aragtiyaha khaldan ee amnigeena khatarta ku ah, sida xag-jirnimada, takfiirka iyo mad-habka shiicada lagu fidinayo.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Waxaan Culimo Aw Diinka Somaliland ugu baaqayaa, gaar ahaan inta gacanta ku haysa madaarista, masaajida iyo goobaha kale ee cibaadada, inay dhallinyarada ka waaniyaan afkaaraha khaldan ee aan waafaqsanayn caqiidadeena suuban. Mar labaad waxaan Bulshada ugu baaqayaa in ay si hagar la\u2019aan ah ula shaqeeyaan Ciidammada ku hawlan Adkaynta Amniga.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">6.\u00a0\u00a0 <\/span><\/b><b><u><span lang=\"SQ\">Maamul Wanaagga Iyo La Dagaalanka Musuq Maasuqa<\/span><\/u><\/b><\/p>\n<p class=\"\"><u><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/u><\/p>\n<p class=\"\"><b><i><span lang=\"SQ\">Mudanayaal iyo Marwooyin,<\/span><\/i><\/b><\/p>\n<p class=\"\"><u><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/u><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Musuq-maasuqa iyo Maamul Xumidu waa musiibooyinka ugu waaweyn ee ragaadiya Horumarka, Himilooyinka, Hannaanka Dawladnimo ee qaran higsanayo.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Sidaa darteed, xukuumadaydu waxay dagaal adag oo joogto ah kula jirtaa sidii dalka looga dabargoyn lahaa musaqa iyo maamul-xumida. Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta mucaaridka, waxaan ka maqlaa, iyagoo maamulkayga ku eedaynaya arrimahaas.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Waxaan aaminsanahay in hadaladaasi yihiin dacaayado iyo deelqaaf cadaaladda ka durugsan, isla markaana aan xaqiiqo ku dhisnayn.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Hanti la dhaco, iyo ummad la kala hayb sooco waa calaamadaha ay caanka ku yihiin hogaamiyayaasha aan hamiga fog lahayni.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Tan iyo intii aan hanaqaaday waxaan haaneedka iyo hareerta hayey hawl Qaran.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Cimrigay habeen calooshayda ma gelin, in aan ku danaysto xilka aan ummadda u hayo, ama danta guud ka horumariyo mid ii gaar ah<\/span><span lang=\"SQ\">. <\/span><b><span lang=\"SQ\">Anigu tuug ma ihi oo waad i taqaanaan. Haddaba, waxaan leeyahay nimaan tuug ahayni, tuug ma kaashado.<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Waxaan soo dhaweynayaa dhaliilaha runta ah ee maamulkayga ka dhanka ah. Waxaan soo dhaweynayaa talooyinka iyo tilmaamaha togan ee wax lagu toosinayo.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\">Mudadii 65 bilood ee aan Qaranka hogaaminayey, waxaan ku guulaystay arrimahan soo socda:-<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">1.\u00a0\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Wuxuu maamulkaygu xaqiijiyey in dakhliyadii gaarka loo qaadi jiray ama loo maamuli jiray uu ku soo daro khasnada Qaranka, waxaa ka mida lacagta adag ee ka soo hoyata Xoolaha Nool, Haamaha Shiidaalka, iyo Dekeda.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">2.\u00a0\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Dawladdu waxay xaq sharci u leedahay in ay iibiso Dhulka iyo Hantida Ummadda haddii loo baahdo, sida uu dhigayo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Qodobka 12aad.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">Sidaa darteed, waxaannu iibinay Guryo gaboobay oo ka baxay gacanta dawladda, kuwaas oo ganacsato la wareegtay:-<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\">B<\/span><\/b><span lang=\"SQ\">.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Guryahaa waxaa loo iibiyey sifo sharciga waafaqsan, dhammaan lacagta ka soo xarootay waxay ku dhacday khasnadda dawladda, waxaana lagu daray Miisaaniyaddaha Qaranka (dakhli iyo kharash).<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\">T<\/span><\/b><span lang=\"SQ\">.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Odoroska Dakhliga ee iibka Guryaha sida ku cad Miisaaniyaddu waa 36 Billion Somaliland Shillin (6 Million oo Dollar), taas oo u dhiganta 2.96% Miisaaniyadda Qaranka.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Dhismayaasha cusub ee aannu fulin doono waxa ku baxaya kharash dhan 95 Billion oo Shillin.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Waxa kale oo dayactirka iyo dib-u-dhiska hantida qaranka ku baxaya 13 Billion oo Shillin, isugaynta guud ee madax-xigaha kharashka dhismayaashu waa 108 Billion oo Shilling (18 Million oo Dollar) taas oo u dhiganta 8.8% kharashka guud ee Miisaaniyadda 2016.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Haddaba, marka la is barbar dhigo dakhliga ka soo xaroonaya hantida Guryaha la iibinayo iyo kharashka dhismayaasha cusub iyo dayactirka kuwii hore, <i><u>waxay dhismayaasha cusubi ka badan yihiin 72 Billion oo Shilling<\/u><\/i>.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">3.\u00a0\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Waxaan sameeyey hay&#8217;ad ka shaqaysa Maamul Wanaagga iyo La-dagaalanka Masuq-Maasuqa oo haatan dhamaystiran.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">4.\u00a0\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Si looga hortago hantida ummadda oo la iska isticmaalo, iyada oo aan xeer jidayn, waxay xukuumadaydu taariikhda Somaliland markii ugu horeysay meelmarisay in sannad walba xilligii loogu talogalay ay u gudbiso Golaha Wakiillada Miisaaniyadda Qaranka.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">5.\u00a0\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Sidoo kale, waxaannu diyaarinaa sannad kasta Xisaab-xidhka, una gudbinaa golaha wakiilada.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">6.\u00a0\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Waxaannu samaynay xeerar muhiim ah, kuwaas oo loogu talogalay in ay xakameeyaan xatooyada xoolaha ummadda, isla markaana sugaan Nidaamka Hufnaanta iyo Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda, Public Finance Management (PFM).<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">7.\u00a0\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Xalaal iftiin baa la qashaa, waxaan ahay Madaxweynihii Somaliland ee ugu horreeyey ee ogolaada in mushahar sugan loo jaangooyo.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">8.\u00a0\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Murti Somaliyeed ayaa tidhaahda (Xero bahal ku jiro, xoolo kuma dhaqmaan). Hufnaanta iyo hawlkarnimada xukuumadaydu waxay kor u qaaday dakhligii dalka oo aan ugu imi sannadkii 2010 Miisaaniyad dhan 310 Billion oo Somaliland Shillin ah oo u dhiganta $47 Million oo Dollar, halka ay ka tahay Miisaaniyadda 2016-ka ee dhawaan Golaha Wakiilladu ansixiyeen 1 <span class=\"\">Trillion iyo 128 <\/span>Billion oo Somaliland Shillin ah oo u dhiganta $203 Million oo Dollar.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><u><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/u><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><u><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/u><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><u><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/u><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><u><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/u><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><u><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/u><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><u><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/u><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><u><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/u><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><u><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/u><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><u><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/u><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><u><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/u><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><u><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/u><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><u><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/u><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">7.\u00a0\u00a0 <\/span><\/b><b><u><span lang=\"SQ\">Garsoorka iyo Cadaaladda<\/span><\/u><\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><u><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/u><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b><i><span lang=\"SQ\">Mudanayaal iyo Marwooyin,<\/span><\/i><\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Cadaaladdu waa tiirarka udub dhexaadka u ah jiritaanka ummad kasta.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Nidaamka Garsoorka Dalka waxa muddo dheer ka jiray cabatinno iyo cadaalad darro aan yarayn, kuwaas oo guud ahaan wiiqay sumcaddii\u00a0\u00a0 Maxkamadaha. Nasiib wanaag, tan iyo intii aan u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane, Aadan Xaaji Cali oo ah aqoon-yahan dhallinyaro ah, waxa abuurantay yuhuun iyo yididiilo hor leh. Haddaba, si loo taabo geliyo cadaalad tisqaada iyo isbeddel wayn oo ay ummaddu mahadiso, waxa qorshaysan in aynu sanadkan fulino arrimahan:<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">1.\u00a0\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Aasaasidda Mac&#8217;hadka Tababarka Garsoorayaasha, Ku-xigeenada Xeer-ilaaliyaha Guud iyo Hawl-wadeenada kale, si kor loogu qaado aqoontooda.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">2.\u00a0\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Alifaada Xeerka Xuquuqda Bahda Garsoorka.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">3.\u00a0\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Aasaasidda Library iyo Xarun Cilmi Baadhiseed oo u gaar ah Bahda Garsoorka iyo Qareennada Kaalmaynta Sharciga.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">4.\u00a0\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Aasaasidda Guddida Dib-u-eegista xukunada ay soo saaraan Garsoorayaashu.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">5.\u00a0\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Duubista dhagaysiga dacwadaha ka socda Maxkamadaha Gobollada, gaar ahaan Gobolka Maroodi-jeex.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">6.\u00a0\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Aasaasidda Xarunta Kaydka Bahda Garsoorka.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">7.\u00a0\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Balaadhinta Maxkadaha guur-guura iyo nidaamka maamulka iyo maareynta dacwadaha, si ay dad weynaha ku nool tuulooyinka loogu dhaweeyo Adeegga Maxkamadaha.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">8.\u00a0\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Balaadhinta Guddida Daba-galka iyo Kormeerka Garsoorayaasha iyo Ku-xigeenada Xeer-ilaaliayaha Guud oo la gaadhsiiyo heer gobol iyo heer degmo.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">9.\u00a0\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Dhismayaasha Xarumaha Maxkamadaha:<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">10.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Kordhinta Mushaharka Bahda Garsoorka.\u00a0\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">11.\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Samaynta iyo Xoojinta Xidhiidhka Maxkamadda Sare la leedahay Maxkamadaha Sare ee Dalalka aynu jaarka nahay.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><b><span lang=\"SQ\">12.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 <\/span><\/b><span lang=\"SQ\">Qiimaynta Garsoorayaasha Dalka iyo dardargelinta Guddida Cadaaladda.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\">ILAAHAY\u00a0 BAA GALAD LEH,<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\">GUULNA QARANKEENAA LEH,<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\">DHAMMAAD,<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\">\u00a0Arabsiyonews.com<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Hargaysa Office<\/p>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khudbadda Madaxweynaha JSL ee Labada Gole; Isniin, 11. 01. 2016 \u00a0 Bismilaahi Raxmaani Raxiim \u00a0 Al-xamdu-lilaah, Ilaahaybaa mahad leh, \u00a0 \u201cAssalaamu calaykum waraxmatullaahi wa barakaatuhu\u201d. \u00a0 Mudanayaal iyo Marwooyin, \u00a0 Waxa sharaf iyo maamuus ii ah in aan sannadkii 6aad hor imaado aqalka Baarlamaanka Somaliland ee Guurtida iyo Wakiiladda oo aan ka hor jeediyo khudbad [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":17260,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-17259","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-4un","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17259","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=17259"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17259\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=17259"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=17259"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=17259"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}