{"id":17236,"date":"2016-01-10T15:00:30","date_gmt":"2016-01-10T15:00:30","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=17236"},"modified":"2016-01-10T15:00:30","modified_gmt":"2016-01-10T15:00:30","slug":"guddoomiyaha-kulmiye-oo-si-adag-ula-hadlay-cali-khaliif-iyo-siyaasiyiin-muqdisho-ku-sugan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/01\/10\/guddoomiyaha-kulmiye-oo-si-adag-ula-hadlay-cali-khaliif-iyo-siyaasiyiin-muqdisho-ku-sugan\/","title":{"rendered":"Guddoomiyaha Kulmiye oo si Adag ula Hadlay Cali Khaliif iyo Siyaasiyiin Muqdisho ku Sugan."},"content":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna murashaxa madaxwayne ee xisbigaasi sannadka 2017-ka ayaa baaq u diray siyaasiyiinta dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland eek u sugan dalka Somalia,laakin ka soo horjeeda madax banaanida iyo jiritaanka Somaliland.<\/p>\n<div id=\"attachment_23761\" class=\"wp-caption aligncenter\"><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/tooshnews.net\/wp-content\/uploads\/2016\/01\/4fbfaf88-9fe5-4ee4-a926-468f36e4d0ab.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-medium wp-image-23761\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/tooshnews.net\/wp-content\/uploads\/2016\/01\/4fbfaf88-9fe5-4ee4-a926-468f36e4d0ab-300x200.jpg?resize=300%2C200\" alt=\"Muuse Biixi Guddoomiyaha Kulmiye\" width=\"300\" height=\"200\" \/><\/a><\/p>\n<p class=\"wp-caption-text\">Muuse Biixi Guddoomiyaha Kulmiye<\/p>\n<\/div>\n<p>Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan magaalada Caynaba ee xarunta Gobolka Saraar ayaa sheegay inay Somaliland wada hadal ugu baaqayso cid kasta oo Somaliland.<\/p>\n<p>Waxa uu ka hadlay Qaranimada Somaliland oo uu xusay in jiritaankeeda iyo xuduudaheeduba la da\u2019 yihiin dalalka Afrikaanka oo dhan oo xuduudahooda mar uu wada sameeyey gumaystihii reer Yurub, sidaasi darteedna waxa uu talo walaalnimo u diray siyaasiyiin uu ka mid yahay Prof. Cali Khaliif Galaydh oo uu u soo jeediyey in wixii ay ka tabanayaan gudaha Somalilnad ku soo bandhigaan habka wadahadalka ee dhaqanka u ah reer Somaliland, isla markaana la dhegaysan doono.<\/p>\n<p>\u201cWaxa jira xubno ka mid ah Somaliland oo ah raggii joogay shirkii Burco 1991-kii oo siyaasi iyo madaxdhaqameedba leh oo ixtiraamkooda iyo milgahooda lehi inay ilaa maanta ka biyo-diidsan yihiin ama wax ka tabanayaan Somaliland siyaasiyan. Waxaynu ognahay Buuhoodle inuu shir ka socdo uu hoggaaminayo nin wayn oo siyaasi sharaftiisa leh oo Somaliland ah oo aannu meel wax ku wada baranay, markaa haddii ay tahay wax dhaliil ah oo gudaheenna oo maamul ah tahay waxaannu ugu baaqaynaa raggaa innaga maqan ee milgahooda leh shir kaasi ayuun baa khilaafka gudaheenna lagu xallin karaa, innagoo wada joogna oo is tusna halkay wax halkay wax ka khaldan yihiin, waayo waxaynu ku caano-maalnay oo shirkaa maanta iyo kuwii horeba ka mid yihiin inaynu khilaafaadkeenna sidaa ku xallisanno,\u201d ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi ka hadlay dhibaatada xamar ka taagan iyo ciidamada ajaanibka ah ee ilaalinaya,waxaanu fariin u diray siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee ku sugan xamar inay la tashi ula yimaadaan Somaliland.<\/p>\n<p>\u201cHaseyeeshee, macquul maaha raggaa siyaasiyiinta ah ee maanta qaarkood Buuhoodle joogaan Somaliland ha lagu rido Xamar oo ay ka dhisan yihiin labaatan Madaxwayne oo mid waliba gooni-u-goostay, Xamar oo ay ciidammo shisheeye ilaalinayaan, Xamar oo mustaqbalkeeda cidda gacanta ku haysa aan la garanayn ayaan gaynayaan Somaliland oo ma aaminsani dawladdayda, dalkayga iyo sharciga, waxaan leeyahay walaal nama qabato ee wax aka wanaagsan in aynu isu nidaadno oo waxaad tabanayso isla eegno hadday dastuur tahay iyo hadday siyaasad tahay oo aynu waxeenna ku dhammaysanno innaga oo Somaliland waynu dhammaysan karnaaye.\u201dayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.<\/p>\n<p>Waxa kaloo uu sheegay in inta badan dhibaatooyinka ka jira meelo ka mid ah gobollada dalka ay abuuraan siyaasiyiin ka soo horjeeda Somaliland<\/p>\n<p>\u201cDhibaatooyinka laga cabanayo ee la leeyahay waxay ka jiraan Sool, Buuhoodle iyo halkaa waxa wada siyaasiyiin diiddan Somaliland, taana macquul uma arko, waxaannan ugu baaqayaa in aynu ku dhammaysanno Somaliland-nimo, waxa Somaliland ka dhexeeya calanka, dalka, khayraadka ama waxa Ilaahay inna siiyey iyo talada dadkeeda, markaa ka mid noqo oo ka tali, laakiin meel iyadiiba gubanaysa ha iiga warramin.\u201dayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.<\/p>\n<p>Somaliland ayaa madax banaanideeda dib ula soo noqotay sannadkii 1991-kii kadib markii ay hore ula midowday Somaliyadii Talyaanigu gumaysan jiran<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyo Main Office<\/p>\n<p>Abdifataah Mohammed Giryaad<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna murashaxa madaxwayne ee xisbigaasi sannadka 2017-ka ayaa baaq u diray siyaasiyiinta dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland eek u sugan dalka Somalia,laakin ka soo horjeeda madax banaanida iyo jiritaanka Somaliland. Muuse Biixi Guddoomiyaha Kulmiye Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan magaalada Caynaba ee xarunta Gobolka Saraar ayaa sheegay inay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":17237,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-17236","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-4u0","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17236","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=17236"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17236\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=17236"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=17236"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=17236"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}