{"id":17178,"date":"2016-01-08T16:24:03","date_gmt":"2016-01-08T16:24:03","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=17178"},"modified":"2016-01-08T16:24:03","modified_gmt":"2016-01-08T16:24:03","slug":"somalilandkulan-lagu-saxeexay-dhaqan-galka-xeerka-anshaxa-tirakoobka-codbixiyeyaasha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/01\/08\/somalilandkulan-lagu-saxeexay-dhaqan-galka-xeerka-anshaxa-tirakoobka-codbixiyeyaasha\/","title":{"rendered":"Somaliland:Kulan Lagu Saxeexay Dhaqan-Galka Xeerka Anshaxa Tirakoobka Codbixiyeyaasha"},"content":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8211;Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland iyo hoggaamiyeyaasha saddexda xisbi ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, ayaa shalay kala saxeexday xeerka hab-dhaqanka Diwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka oo dhawaan ka bilaamaysa gobolka Togdheer.<\/p>\n<p>Kulankan ay saddexda xisbi qaran iyo Guddida doorashooyinku heshiiska ku kala saxeexdeen oo ay soo qaban-qaabisay Akaadamiyada nabadda iyo horumarka Somaliland (Academy for Peace and Development) (APD), waxaanay hoggaamiyeyaasha xisbiyadu balan-qaadeen inay ku dhaqmi doonaan xeerakan ay kala saxeexdee.<\/p>\n<p>Agaasimaha fulinta ee\u00a0 Akaadamiyada nabadda iyo horumarka Maxamed Faarax Xirsi oo ka hadlay kulankan heshiiska lagu kala saxeexday,<\/p>\n<p>\u201cHawsha Diwaangelintu waxay taabanaysaa Qaranimadeena, waxay taabanaysaa doorashooyinka soo socda, waxaanay saldhig u tahay inay dalka ka dhacaan 2017-ka doorashooyin xor ah oo xalaal ah oo si Nabadd ah u dhacda. Waxaanan ku boorinayaa Asxaabta, Guddida doorashooyinka iyo Dawladuba ay si fiican oo hufnaan leh ay uga wada qayb galaan,\u00a0 Somaliland-na ay ku\u00a0 guulaysato inay qabsato Diwaangelinta doorashooyinka.\u201d Ayuu yidhi Maxamed Faarax Xirsi.<\/p>\n<p>Sidoo kale Guddoomiyaha Guddida doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Diwaangelintani ay horseed u\u00a0 noqon doonto doorashooyin dalka ka dhacay<\/p>\n<p>\u201cAnagu Guddi ahaan, waxaanu balan qaadaynaa inaanu waajibkayaga oo dhan ka gudano Diwaangelinta soo socota si ay u noqoto mid caam ka yeesha lixda gobol ee ay Somaliland ka kooban tahay,\u00a0 taas oo Diwaangelintu inagu hogaamin doonta doorasho xor ah oo xalaal.\u201dayuu yidhi Cabdiqaadir Iimaan.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inay xisbi ahaan soo dhaweynayaan heshiiskan<\/p>\n<p>\u201cWaanu soo dhawaynaynaa, Diwaangelintan iyo doorashada aynu hadda u qaadnay, haddii aan Xeerkii la samayn oo aan laga heshiin Kuraasida oo aanu u aragno inay yihiin\u00a0 qodobo muhiim ah.\u201d Ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.<\/p>\n<p>Gudoomiye ku Xigeenka koowaad ee xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed ayaa ayaa sheegay inay balan qaadayaan in xisbigoodu ku dhaqmo Xeerkan Diwaangelinta doorashooyinka<\/p>\n<p>\u201cMuhiimadu waxa weeyaan inaynu ku dhaqano Xeerkan marka aynu saxeexno, ka xisbi ahaan waxaanu balan qaadaynaa inaanu ku dhaqmi doono xeerkan.\u201d Ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.<\/p>\n<p>Ugu dambaysan, Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo heshiiskan ka hadlay, waxa uu shacbiga Somaliland ugu baaqay inay ka qayb-qaataan Diwaangelinta codbixiyayaasha<\/p>\n<p>\u201cWaxaanu ugu baaqaynaa\u00a0 dadka Muwaadiniinta ah inay xilkooda gutaan oo ay tallada Dalkooda dhisaan oo ay Diwaangelinta ka bilaabaan, Diwaangelintu waxay u baahan tahay inaad si xil kasnimo ah uga qayb qaadato, hal cod ayaad leedahay, dulqaad ayaad leedahay, inaanad xumayn ayaad xaq u leedahay. Inaanad gardaro ku samayn Muwaadinka kale ee safka kugula jira ayaad xaq u leedahay.\u201dayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.<\/p>\n<p>Guud ahaanba dalka Somaliland ayaa dhawaan laga bilaabayaa diwaangalinta codbxiyayaasha,kuwaasi oo kaadhadhka doorashada 2017-ka qaadan doona<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyo Main Office<\/p>\n<p>Abdifataah Mohammed Giryaad<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8211;Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland iyo hoggaamiyeyaasha saddexda xisbi ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, ayaa shalay kala saxeexday xeerka hab-dhaqanka Diwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka oo dhawaan ka bilaamaysa gobolka Togdheer. Kulankan ay saddexda xisbi qaran iyo Guddida doorashooyinku heshiiska ku kala saxeexdeen oo ay soo qaban-qaabisay Akaadamiyada nabadda iyo horumarka Somaliland (Academy for Peace and Development) [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":17179,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-17178","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-4t4","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17178","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=17178"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17178\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=17178"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=17178"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=17178"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}