{"id":1706,"date":"2014-12-15T16:49:04","date_gmt":"2014-12-15T16:49:04","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=1706"},"modified":"2014-12-15T16:49:04","modified_gmt":"2014-12-15T16:49:04","slug":"xukuumaddu-khilaaf-kasta-waa-u-caado-inay-xal-uga-doonto-xadhig-iyo-xabad","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2014\/12\/15\/xukuumaddu-khilaaf-kasta-waa-u-caado-inay-xal-uga-doonto-xadhig-iyo-xabad\/","title":{"rendered":"\u201cXukuumaddu khilaaf kasta waa u caado inay xal uga doonto \u201cXADHIG IYO XABAD\u201dMuj Cali Guray"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa-(AN)-Guddoomiye ku-xigeenka Saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Mujaahid Cali Guray, ayaa Si kulul uga hadlay Hanaankii ay xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo u wajahday xiisada Suldaan Wabar, waxaanu ku sifeeyay xukuumadda in aanay dersin marka ay wax dhacaan, balse ay ku degdegti xadhig iyo xabad, sidaanna waxa uu ku faah-faahiyay qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook-ga.<!--more--><br \/>\nQoraalkaas oo dhamaystiraninna waxa uu u dhignaa sidan: \u201cXukuumaddu khilaaf kasta waa u caado inay xal uga doonto \u201cXADHIG IYO XABAD\u201d xataa inta aanay dersin ee aanay u fahmin dabci ahaan iyo dhalan ahaan taas oo had iyo goor ku keenta inay intiisa ka waynayso ama kaba yarayso oo labada goorba natiijadu noqoto xal la\u2019aan iyo in marka geel loo heeso ay iyadu gorayo u heesto ama cudurkii fardaha galay ay iyadu dameeraha ka gubto. Cidda inta badan go\u2019aanka lihi cid wax og maaha cidda ay inta badan wax waydiisaana waa cid aan iyada waxba dhaamin hadii aanay kaba sii liidan. Natiijadu inta badan waxay noqotaa xaajo nin aan ogayni indhahuu ka rida oo inta badan xal daayoo waabay uga sii dartaa.<br \/>\nArinka Suldaan Wabar xukuumaddu wax faahfaahin ah kamay bixin inta uu suldaanka laftiisu sheegayna wax la fahmi karo maasha.<br \/>\nMa tabashooyinkii hore ee Awdal bay salka ku haysaa oo Suldaanka cid baa ku wehelisa oo igmatay? Ma tabasho isaga u gaar ah iyo wax uu diidan yahay baa jira? Mise sida loo arki karo talaabada xukuumadda baroortu orgiga ka wayn oo col iyo cadaawe ina galay ama inagu soo fool leh baa jira? Mise shakiga mucaaridka ayaaba run ah oo suldaanka iyo xukuumaddu way is og yihiin oo waxa la abuurayaa waa qulqulad looga gol leeyahay calashaan yay doorasho dhicin. Si kastaba xaalku ha ahaado eh war jiraa cakaaruu iman.<br \/>\nKolay dhan walba u dhigoo arinkani arin quman maaha Itoobiya oo durba la sheegayo in ay u yeedhay Wasiirkii Arimaha Dibadda iyo weliba Taliyihii Ciidanku lafteeda dhaqdhaqaaq jiidan xasaasiga ahi wuu khuseeyaa waayo waa dhul buuralay ah oo dhuunta kaga jira magaalooyin waawayn, sida Jigjiga, Harar, iyo Dire Dawa. Sidaa daraadeed xadka Tog-Wajaale ilaa Gees Diir wixii ka dhacaa maaha wax Somaliland uun khuseeya ee ugu yaraan waxa jira sedex dal oo si toos ah uu saamayn ugu yeelan karo. Gaar ahaan Itoobiya hadii ay dhaqdhaqaaq nabadgelyadeeda lid ku ah ka dareento jiidahaasi gacmaha kama laaban karto waanay qaadi kartaa talaabo hadii ay Somaliland raali ka tahay iyo hadii kaleba.<br \/>\nSidaa daraadeed aniga waxay ila tahay in khilaafkan sida ugu dhakhsaha badan loo soo af jaro xal siyaasi ah oo nabadeed lagu dhamays tiro xukuumaduna si waali duulka indho la\u2019aanta ah joojiso oo marka hore hogaamiyo dhaqameedka uga dambayso iyo weliba Golaha Guurtida hadii ay weli guurtinimo ku sii hadhsan tahay\u201d. ayuu Mujaahid Cali Guray ku soo gabagabeeyay qoraalkiisan.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyo.net<\/p>\n<p>Hargaysa Desk<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa-(AN)-Guddoomiye ku-xigeenka Saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Mujaahid Cali Guray, ayaa Si kulul uga hadlay Hanaankii ay xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo u wajahday xiisada Suldaan Wabar, waxaanu ku sifeeyay xukuumadda in aanay dersin marka ay wax dhacaan, balse ay ku degdegti xadhig iyo xabad, sidaanna waxa uu ku faah-faahiyay qoraal uu soo dhigay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1707,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-1706","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-rw","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1706","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1706"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1706\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1706"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1706"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1706"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}