{"id":17033,"date":"2016-01-03T16:35:10","date_gmt":"2016-01-03T16:35:10","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=17033"},"modified":"2016-01-03T16:35:10","modified_gmt":"2016-01-03T16:35:10","slug":"deg-deg-madaxweyne-siilanyo-oo-shaqada-ka-ceydhiyey-hadhaaga-masuulyiintii-taabacsanaa-wasiir-xirsi-bedelkoodiina-magaacabay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/01\/03\/deg-deg-madaxweyne-siilanyo-oo-shaqada-ka-ceydhiyey-hadhaaga-masuulyiintii-taabacsanaa-wasiir-xirsi-bedelkoodiina-magaacabay\/","title":{"rendered":"DEG DEG:- MADAXWEYNE SIILANYO OO SHAQADA KA CEYDHIYEY HADHAAGA MASUULYIINTII TAABACSANAA WASIIR XIRSI , BEDELKOODIINA MAGAACABAY ."},"content":{"rendered":"<div class=\"newscontent\">\n<p>Hargeysa<strong><em>(Arabsiyo News):-<\/em><\/strong><span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span>war saxaafadeed goor dhaweyd ka soo baxay xarunta madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweyne siilanyo xilka ka qaaday masuulyiin ka tirsanaa xukuumadiisa isla markaana uu badelkooda magacaabay<\/p>\n<\/div>\n<p>Masuulyiintan uu madaxweyne siilanyo maanta xilka ka ceydhiyey ayaa ah haadhaga masuulyiintii taabacsanaa wasiirkii hore ee madaxtooyada taas oo shoofeerada cusub ee madaxtooyadu u arkeen in aanay siyaasadooda cusub ku shaqeyn kareen ama aanay daacad u noqon Karin .<\/p>\n<p><strong><em>War-Saxafaadeedkuna Waxaa Uu U Dhiganaa Sidan<\/em><\/strong><\/p>\n<p>Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL\/M\/XERM\/249-3757\/012016 uu xilkii kaga qaaday Agaasimihii guud ee madaxtooyada sidoo kalena waxa uu magacaabay Agaasime Cusub.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong>Madaxweynuhu:-<\/strong><\/p>\n<p>Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;<\/p>\n<p>Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada ee JSL;<\/p>\n<p>Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;<\/p>\n<p>Markuu Ku Qancay: In ay hanan karto, aqoon iyo kartina u leedahay jagadan;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong><em>Wuxuu go\u2019aansaday<\/em><\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>In Marwo, Khadra X. Ismaaciil Yoonis (Khadra X. Gaydh), laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.<\/p>\n<p><strong><em>Ujeeddo: Xil-ka Qaadis<\/em><\/strong><\/p>\n<p>Ku: Mudane, Xasan Cabdi Madar Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Madaxtooyada<\/p>\n<p><strong><em>Mudane<\/em><\/strong><\/p>\n<p>Waxaan kaaga mahadinayaa mudadii aad soo haysay xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.<\/p>\n<p>Sidaas darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.<\/p>\n<p>Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Marwo, Khadra X. Ismaaciil Yoonis (Khadra X. Gaydh) oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.<\/p>\n<p><strong><em>ALLAA MAHAD LEH<\/em><\/strong><\/p>\n<p><strong><em>Af-hayeenka Madaxweynaha JSL<\/em><\/strong><\/p>\n<p><strong><em>Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)<\/em><\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(Arabsiyo News):-\u00a0war saxaafadeed goor dhaweyd ka soo baxay xarunta madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweyne siilanyo xilka ka qaaday masuulyiin ka tirsanaa xukuumadiisa isla markaana uu badelkooda magacaabay Masuulyiintan uu madaxweyne siilanyo maanta xilka ka ceydhiyey ayaa ah haadhaga masuulyiintii taabacsanaa wasiirkii hore ee madaxtooyada taas oo shoofeerada cusub ee madaxtooyadu u arkeen [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":17034,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-17033","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-4qJ","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17033","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=17033"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17033\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=17033"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=17033"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=17033"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}