{"id":17000,"date":"2016-01-02T17:26:42","date_gmt":"2016-01-02T17:26:42","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=17000"},"modified":"2016-01-02T17:26:42","modified_gmt":"2016-01-02T17:26:42","slug":"xildhibaan-naasir-cali-shire-siduu-u-karkaa-inuu-isna-mucaarad-yahay-walaalkii-wasiir-sacadna-muxaafid-yahay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/01\/02\/xildhibaan-naasir-cali-shire-siduu-u-karkaa-inuu-isna-mucaarad-yahay-walaalkii-wasiir-sacadna-muxaafid-yahay\/","title":{"rendered":"XILDHIBAAN NAASIR CALI SHIRE SIDUU U ARKAA INUU ISNA MUCAARAD YAHAY, WALAALKII WASIIR SACADNA MUXAAFID YAHAY?"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN) Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada kana tirsan xisbiga Waddani ee mucaaradka, ayaa ka hadlay Misaaniyada,waxaanu sheegay inay Golaha Wakiiladu xaq u\u00a0leeyihiin inay wax ka badal ku sameeyaan Misaaniyadda, waxaanu Wasaaradda Maaliyadda ugu baaqay inay sameeyso maamul daadajin, si Goboladu Misaaniyadda ay xaqa u leeyihiin u helaan.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Xildhibaan Naasir Cali Shire oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay sida uu arko inuu isagu mucaarad yahay, Wasiirka Arrimaha Dibada Sacad Cali Shire oo walaalkii ahna uu yahay Muxaafid, waxaanu ugu horayn isagoo ka hadlaya miisaaniyada uu\u00a0 yidhi \u201cGolaha Wakiiladu xaq ayey u leeyihiin in Miisaaniyadda wax ka bedal ku sameeyaan, dibna u eegaan, wixii khaldana ay dib u saxaan, Guddida ilaalinta\u00a0 hantida Qaranke ee Golaha Wakiilada iyo Wasaaradda Maaliyaddu waxay isku ogaayeen in Wasaaraddu maamul daadejin sameeyso, oo Goboladu misaaniyaddii ay xaq u lahaayeen inay helaan, waxaana leeyahay Wasaaradda\u00a0 fadlan maamul daadajin sameeya\u201d.<\/p>\n<p>Xildhibaan Naasir Cali Shire oo uu Geeska Afrika weydiiyay\u00a0 sida ay dadku u arkaan inuu isagu Mucaarad noqdo, walaalkii oo ah Wasiirka Arrimaha Dibada Sacad Cali Shire uu isna Xukuumadda ka mid noqdo ayaa yidhi \u201cDadku waa kala afkaar, in aniga iyo walaalkay aan kala afkaar noqonay oo uu isaguna Xukuumadda uu ka mid noqdo aniguna aan Mucaaradka gaar ahaan Xisbiga Waddani aan ka mid noqdo wax dhib ahi kuma jirto, balse anigu\u00a0 si gaar ah uma amaanayo walaalkay Sacad Cali Shire balse\u00a0 talaabada fiican ee uu qaaday waa la wada arkaayey, waxaana uu iskugu yeedhay Safiiradii Somaliland u fadhiyey Caalamka, isaga oo sidoo kalena u yeedhay Marwo Edna Aadan, Amasadoor Cawil iyo Prof: Gees, waxaana Shirkaas\u00a0 lagu lafo gurayey Siyaasada Arrimaha Dibada lagu qabtay Hargeysa go\u2019aano muhiim ah ayaana ka soo baxay, aniguna waan ka qayb galay Shirkaas talooyin badana waa la siiyey\u201d<\/p>\n<p>Dhinaca kale Naasir Cali Shire ayaa bogaadin iyo hambalyo u diray Bulshada reer Somaliland waxaanu ku bogaadiyey Sannadka cusub ee 2016, waxaanu sidoo kale Bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay diiwaangelinta cod bixiyayaasha wada qaateen si Doorashadu u dhacdo.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Source: Geeska<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargaysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN) Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada kana tirsan xisbiga Waddani ee mucaaradka, ayaa ka hadlay Misaaniyada,waxaanu sheegay inay Golaha Wakiiladu xaq u\u00a0leeyihiin inay wax ka badal ku sameeyaan Misaaniyadda, waxaanu Wasaaradda Maaliyadda ugu baaqay inay sameeyso maamul daadajin, si Goboladu Misaaniyadda ay xaqa u leeyihiin u helaan. &nbsp; Xildhibaan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":17001,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-17000","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-4qc","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17000","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=17000"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17000\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=17000"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=17000"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=17000"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}