{"id":16919,"date":"2015-12-30T16:08:50","date_gmt":"2015-12-30T16:08:50","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=16919"},"modified":"2015-12-30T16:08:50","modified_gmt":"2015-12-30T16:08:50","slug":"xafiiska-itoobiya-ee-hargeysa-oo-ku-dhawaqay-joojinta-bixinta-fiisayaashii-maxayse-ku-sababeeyeen-joojinta-bixinta-viisayaasha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/12\/30\/xafiiska-itoobiya-ee-hargeysa-oo-ku-dhawaqay-joojinta-bixinta-fiisayaashii-maxayse-ku-sababeeyeen-joojinta-bixinta-viisayaasha\/","title":{"rendered":"Xafiiska Itoobiya Ee Hargeysa Oo ku dhawaqay Joojinta Bixinta Fiisayaashii, maxayse ku sababeeyeen Joojinta Bixinta Viisayaasha"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa(Arabsiyo News)Xafiiska Safaaradda Itoobiya ku leedahay Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday inay gebi ahaanba joojiyeen fiisayaashii ay bixin jireen, sida lagu baahiyey qoraal ka soo baxay.<\/p>\n<p>Safaaradda Itoobiya ku leedahay Hargeysa, ayaa joojinta Fiisayaashii ay bixin jirtay ku caddeysay qoraal war-gelin ah oo lagu dhajiyey Gidaarka Safaaradda ee Hargeysa, kaas oo u qornaa sidan, \u201cLaga bilaabo 28 December, waxa la ogeysiinayaa dhammaan dadweynaha in la joojiyey bixintii fiisayaasha xafiiska Itoobiya, isla-markaana xilliga dib loo bilaabayo qoraal dambe loogu soo sheegi doono.\u201d<\/p>\n<p>Qoraalka safaaradda Itoobiya ee Hargeysa ka soo baxay, balse aanu jirin cid ku saxeexnayd ayaa dadkii Shalay akhristay qaarkood ku tilmaameen mid muujinaysa jiritaan khilaaf.<\/p>\n<p>Tallaabadan lagu Joojiyey bixinta fiisayaasha ayaanay wax war ah ka soo saarin madaxda ugu sareysa xafiiska Itoobiya ee Hargeysa iyo masuuliyiinta wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo hay\u2019adaha kale wada shaqeynta ay wadaagaan.<\/p>\n<p>Saxaafada oo isku deyey inay macluumaad dheeraad ah ka weydiiyo Qunsulka Itoobiya ee Hargeysa Mr. Berhe Tesfaye iyo madaxa xafiiska fiisayaasha Mr. Khaliil ayaanay u suurtoobin, ka dib markii ay ka jawaabi waayeen telefoonadoodii gacanta iyo farriimo loo diray.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Wasiir-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga Mr. Axmed Adan Ismaaciil (Axmed-keyse) oo wargeyska Himilo isku deyey inuu wax ka weydiiyo sababaha keenay joojinta bixintii fiisayaasha safaaradda Itoobiya, ayaanay noo suurtoobin ka dib markuu qaban waayey telefoonkiisa gacanta, kana soo jawaabi waayey farriimo aanu u dirnay.<\/p>\n<p>Dhinaca kale, xogo laga helay illo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyey in madaxda safaaradda Itoobiya la socodsiiyeen masuuliyiinta wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland sababaha keenay joojinta bixintii fiisayaasha oo ah khilaaf u dhexeeya masuuliyiinta xafiiska fiisayaasha, isla-markaana ilaa hawshaa xal laga gaadhayo aan la bixin doonin wax fiise ah.<\/p>\n<p>Xogahan ayaa intaa raaciyey in tiro aan la shaacin oo waraaqahii fiisayaasha la waayey meel ay ku dambeeyeen, isla-markaana guddi baadhitaanka arrinkaa loo xilsaaray oo ka yimi magaalada Addis Ababa gudagaleen hawlahii loo xilsaaray.<\/p>\n<p>Sababaha keenay joojinta fiisayaashii safaaradda Itoobiya ayaa meesha ka saaraya tuhun markii hore dadweyne fara badan ka qabeen inay ku timi khilaaf u dhexeeya xukuumadda Somaliland, laakiin werwer dad badan oo baahi caafimaad iyo danno kale ugu socdaali lahaa Itoobiya ku keentay arrinkan ayaan la ogeyn xilliga uu dib u bilaabmi doonaan.<\/p>\n<p>calanka-Ethiopia<br \/>\nArabsiyo Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(Arabsiyo News)Xafiiska Safaaradda Itoobiya ku leedahay Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday inay gebi ahaanba joojiyeen fiisayaashii ay bixin jireen, sida lagu baahiyey qoraal ka soo baxay. Safaaradda Itoobiya ku leedahay Hargeysa, ayaa joojinta Fiisayaashii ay bixin jirtay ku caddeysay qoraal war-gelin ah oo lagu dhajiyey Gidaarka Safaaradda ee Hargeysa, kaas oo u qornaa sidan, \u201cLaga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":16920,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-16919","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-4oT","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16919","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=16919"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16919\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=16919"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=16919"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=16919"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}