{"id":16901,"date":"2015-12-29T16:14:19","date_gmt":"2015-12-29T16:14:19","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=16901"},"modified":"2015-12-29T16:14:19","modified_gmt":"2015-12-29T16:14:19","slug":"xaasidka-solja-wq-ilyaas-abdi-ali","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/12\/29\/xaasidka-solja-wq-ilyaas-abdi-ali\/","title":{"rendered":"XAASIDKA SOLJA    W\/Q. Ilyaas Abdi Ali"},"content":{"rendered":"<div class=\"AppContainer\">\n<div id=\"c_base\" class=\"c_base\">\n<div id=\"c_content\" class=\"c_main\">\n<div id=\"pageContent\">\n<div id=\"pageInbox\" class=\"v-Page\">\n<div id=\"inboxControl0f\">\n<div class=\"containsYSizerBar\">\n<div class=\"ContentRight FullView\" data-link=\"class{:~tag.contentRightClass(Layout.IsFullView, Layout.ReadingPaneMode)}\">\n<div class=\"ContentRightInner t_mbgc t_qtc t_urtc\">\n<div id=\"inboxControl0fv-ReadMessageContainer\" class=\"v-ReadMessageContainer slideOnResize\" tabindex=\"-1\">\n<div class=\"c-ReadMessage\" data-link=\"class{readMessageClass: ~tag.Show}\">\n<div id=\"ReadMessageScrollableSection\" class=\"rmMessages ClearBoth\" tabindex=\"-1\">\n<div id=\"readMessagePartControl397f\" class=\"c-ReadMessagePart ReadMsgContainer HasLayout ClearBoth HideShadows FullPart NoHistory Read RmIc\" data-link=\"class{:~tag.getHeaderCssClass(IsConversationPart, IsRead, IsDraft, IsTrustedSender, Items.length)}\">\n<div class=\"c-ReadMessagePartBody\" data-link=\"class{getClass:IsBodyExpanded}\">\n<div class=\"readMsgBody\">\n<div id=\"bodyreadMessagePartBodyControl402f\" class=\"ExternalClass MsgBodyContainer ContentFiltered\" data-link=\"class{:~tag.cssClasses(PlainText, IsContentFiltered)}\">\n<div dir=\"ltr\">\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b>Xaasidka SOLJA!<\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja waa Urur \u00a0ka madax banaan maamulka xukuumada Somaliland islamarkaana u\u00a0 shaqeeya dhamaan suxufiyiinta ka hawlgasha dalka iyada oo aan loo eeggin qabiil, nin jeclaysi balse loo tixgaliyo Xirfada looguna adeego cidkasta oo ku abtirsata\u00a0 magaca uu xambaarsanyahay Ururku Solja.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Ururka Solja ee ay ku mideysan yihiin suxufiyiinta Somaliland waxaa uu soo maray marxalado kala duwan oo iskugu jira macaan iyo qadhaadh labadaba islamarkaana ay kasoo dabaasheen marba haldoorka hogaanka u haya ururkaasi oo soo gaadhsiiyey maanta halka uu taaganyahay ururkaasi.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Umaan qaadan qalinka inaan kaga hadlo Taariikhda ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja balse waxaan\u00a0 u qaatay inaan ku cabiro horumarka, dhiiri galinta iyo shaqada wanaagsan ee masuuliyiinta ugu sareysa ururkaasi ay ku haggayaan ama majaraha ugu hayaan tan iyo markii\u00a0 ay xilka kala wareegeen hogaankii ka horeeyay oo ururka soo gaadhsiiyey meel wanaagsan.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Taariikhda dunida marka la eegayo ama la qiimeynayo qof waxaa uu qabtay waa lagu amaanaa raadka iyo horumarka uu uga tagay cida uu markaasi xukumo ee uu majaraha u hayo, Hogaankii hore ee Solja waxaa lagu amaanay hawlkar iyo daacadnimo ay shaqadooda u hayeen muddadii ay xilka usoo hayeen Ururkan, iyadoo horumarkaasi lagu Xusi karo Guddoomiyihii hore ee Solja Xasan Maxamed Yuusuf Iyo Allaha u naxariistee Xoghayihii Ururkaasi Maxamed Rashiid Muxumed Faarax oo kaalin mug leh ka qaatay nooleynta sumcada saxaafada Somaliland.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Waxaa iyana jira dad ka tirsanaa hogaankaasi hore ee Solja oo aan laga reebin Horumarka lagu amaanayay Soljadii Hore ama xilka lagala wareegay oo magaca horumarka kaga suntanaa dhinacooda islamarkaana qayb wayn ka qaatay guulaha ururka Solja wakhtigii ay xilka u hayeen ururka suxufiyiinta Somaliland.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Hadaba iyada oo ay jiraan Shakhsiyaadkaasi ku suntanaa horumarka iyo wanaaga Solja waxaa qurux badan in marka hogaan ama xil aad haysay lagaala wareego inaad mar walba ku da\u2019daasho inaad noqoto la-taliye fiican ama qof mus dambeed u ah shakhsiyaadka aad hogaanka ku wareejisay ama kaala wareegay wax-kastaa ha idin kala gaadheen wakhti aad ku jirtaan Ololaha lagu doonayo in loogu tartamo Kursiga ugu sareeya meel u baahan maamul iyo xukun.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Inkasta oo ay soomaalida ku yartahay masuuliyiinta ama dadka taageera maamulka ka dambeeya, waxaa dhacday tan iyo markii ururka Solja ku dhawaaqey inuu qabsoomo shirkii lagu dooranayey maamulka hada jira ee uu Hogaamiyo Maxamuud Jaamac (Xuuto) oo ku guuleystay inay majaraha u qabtaan muddo saddex sano ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja waxaa dhib iyo gidaar soo taagan oo uu ururkaasi ka dhaqaaqi waayey\u00a0 ku noqday Shakhsi ama laba qof oo ka mid ahaa kooxdii laga guuleystay shirweynihii Ururka Solja.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Shakhsiyaadkan dhabar jabka iyo cadaawada gaamurtey ka dhex wada ururka Solja oo aan wakhtigan looga fadhiyin ama laga fileyn in muddo saddex sano ah isaga oo ururkaasi maamul ka ahaa inuu dib u xumeeyo ururkii uu gacantiisa ku dhisayey ayaa maalmihii u dambeeyay ollole iyo dagaal qaawan kusoo qaaday ururkaasi kadib markii uu qaar ka mida\u00a0 mudaneyaasha golaha wakiilada iyo guddoomiyaha Golahaasi oo ay isku beelyihiin u sheegay in laga saaro Miisaaniyada 2016ka Kab ama Caawimo wasaarada maaliyadu ugu dartay sanadkan si loogu dhiso xarun ama guri u gaar ah Ururka saxaafada Somaliland ee SOLJA oo iyagu wasaarada maaliyada ka codsadey in Sanadkan kab ama (Caawimo) loogu Daro Miisaaniyada qaranka.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">\u00a0 Waxaa inta badan dadka arrintani maqlay aad uga fajaceen xaasidnimada iyo cadaawada uu shakhsigani u hayo suxufiyiinta Somaliland maadaama uu ku jiro falal xaasidnimo oo ka baxsan dhaqan suuban ee Diinta islaamka, ka Somalida iyo kan bahda suxufiyiinta Somaliland ee uu inta badan majaraha u hayay.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Ninkan ama shakhsigan ollolaha lagu joojinayo ama lagu hor-istaagayo Caawimada Xukuumadu miisaaniyada ugu dartay golaha wakiilada ka wada aqalkaasi oo aad ugu dhaw Guddoomiyaha Golaha wakiilada islamarkaana ay beel kasoo wada jeedaan ayaa aad loogu dhegtaagayaa \u00a0in ay maqlaan ama xagiisa u xagliyaan mudanayaasha ay isku beesha kasoo jeedaan ee ku jira golaha wakiilada, iyada oo ay sabtidii Todobaadkan dhacday in Guddida dhaqaalaha golaha wakiildu ay \u00a0soo jeediyaan Caawimadaasi Suxufiyiinta loogu dhisayo Xarunta \u00a0in laga saaro miisaaniyada 2016ka.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Shakhsigan ku suntan xaasidnimada SOLJA iyo ku xumeynta hogaanka majaraha u haya Ururkaasi ayaa xumaanta iyo xaasidnimada uu ka dhexwado ururkaasi gaadhsiisay inuu ollole weyn ka galo Sidii loo joojin lahaa lacago badan oo wax loogu qaban lahaa Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Xaasidnimada Shakhsigani ku hayo ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxey i Xasuusisay sheeko dhexmartay ( FIRCOON iyo IBLIIS) sheekadaasi oo aheyd.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">\u201cMaalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa FIRCOON\u00a0\u00a0 soo booqday Ibliis, Ibliis ayaa Garaacey Albaabkii Fircoon oo Malcuum\u00a0 Ilaahnimo Sheegtay ahaa, Dabadeed Fircoon ayaa weydiiyey Qofka albaabka garaacaya, Ibliis ayaa Fircoon ku Yidhi \u201cAdiga oo Ilaahnimo Sheeganaya ayaanad i Garaneyn ee waad iska sheeganaysaa Ilaahnimada ee Albaabka iga Fur\u201d, markii uu Fircoon albaabka ka furey Ibliis ayaa waxaa uu ku yidhi \u201csoo gal Nacdal ayaa kugu taalee Koleyba Kheyr ma lihide, Fircoon ayaa Ibliis weydiiyey\u00a0 \u201cMiyaad Garaneysaa Labadeena Qof inaga shar badan Dunida, Anigu (Fircoon)waxaan sheegtay Ilaahnimo adna\u00a0 (Ibliis) Ilaahey ayaad u sujuudi Weyday oo aad amarkiisii diidey, ee miyaad garaneysaa Axad(Qof) Inaga shar badan\u201d<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Ibliis ayaa ku jawaabay Waan garanayaa\u00a0 labadeena (Fircoon iyo Ibliis)Qof inaga shar Badan\u00a0 Waana XAASID, Xaasidbaa inaga daran oo anigu waxaan muteystay xaasidnimada markii\u00a0 Nebi Adam (CS) uu Ilaahey \u00a0abuuray ee uu Malaa\u2019ikta amray in loo sujuudo ayaan xaasiday<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Ibliis waxaa uu Fircoon uga sheekeeyey Qiso Dhex\u00a0 martay isaga iyo Nin ay jaar ahaayeen waxaanu yidhi \u201c Beri baa nin aanu jaarnahay oo aanu saaxiibnahay I maqli jiray waxkasta oo aan ku idhaa shar walba waa uu sameeyaa oo aan u sheego , dabadeed maalinbaan ku idhi saaxiib maanta sheego waxkasta oo aad dooneyso waan awoodaa inaan kuu qabto waayo waxaad ka run sheegtay saaxiibtinimadii wax walbana sidii aan doonayey ayaad u sameysay\u201dmarkii uu\u00a0 Ibliis ninkii\u00a0 intaasi ku yidhi, ayuu Ninkii Ibliis Weydiistay oo uu ku yidhi \u201cIbliisow waxaa jira nin Dariskeena ah waxaa uu leeyahay Hal sac, markaa waxaad ka dishaa halkaas Sac\u201d<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Ibliis ayaa ninkii ugu jawaabey \u201canigu awood uma lihi inaan dilo Sacaas Ilaahey kaliya ayaa wax dili kara, laakiin taasi badalkeeda waxaan awoodaa inaan kuugu badalo Toban sac ee Ninkaasi iska daa.\u201d Ninkii ayaa yidhi anigu \u201cma doonayo toban sac hadii Boqol sac\u00a0 laga dilo ninkaasi Sac kaliya Maahee\u201d<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Ibliis waxaa uu yidhi waxaan gartay Fircoonow \u201c aniga iyo adigaba inuu naga sii shar badan yahay XAASID,Waxaan ku kari waayay iska dhaaf ninkaas Saciisa aniga iyo adiguba waxba kama tari karno, mana dili karnee iska qaado Tobankan\u00a0 sac,Wuxuu ka xun yahay halkaas sac ee ninku heysto , kaas baa naga sii shar badan aniga iyo adiga Fircoonow.\u201dayuu yidh Ibliis.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Qisadan waxaa laga Dhaxley XAASID WALIGII MADAX \u00a0MA NOQDO WAAYO WAXAA UU XAASIDAYAA OO AANU WAXBA U OGOLEYN DADKA KALE, ISAGANA ILAAHEY WAXBA KAMA DHIGO.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Hadaba waxaan qisadan usoo qaatey shakhsigan caadeystay xaasidnimada iyo fidnada Ururka Solja hadii uu isleeyahay ku xumee Hogaanka imika majaraha Haya adigu aad wax noqotid, Adigana Xaga Alle ayaan waxba lagaaga Ogoleyn ee ka iska Dhaaf xaasidnimada Iyo Curyaaminta aad ku Hayso Ururka SOLJA.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">\n<p class=\"ecxMsoNormal\">W.Q. Ilyaas Abdi Ali<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><a href=\"mailto:Ilyasdable1994@gmail.com\">Ilyasdable1994@gmail.com<\/a><\/p>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"v-InboxFooterContainer\">\n<div class=\"c-PageFooter Unselectable\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div id=\"m_whm\"><\/div>\n<div id=\"m_mm\"><\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xaasidka SOLJA! Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja waa Urur \u00a0ka madax banaan maamulka xukuumada Somaliland islamarkaana u\u00a0 shaqeeya dhamaan suxufiyiinta ka hawlgasha dalka iyada oo aan loo eeggin qabiil, nin jeclaysi balse loo tixgaliyo Xirfada looguna adeego cidkasta oo ku abtirsata\u00a0 magaca uu xambaarsanyahay Ururku Solja. Ururka Solja ee ay ku mideysan yihiin suxufiyiinta Somaliland [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":349,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[5,10],"tags":[],"class_list":["post-16901","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-aragtidda-dadweynaha","category-featured"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-4oB","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16901","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=16901"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16901\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=16901"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=16901"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=16901"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}