{"id":16852,"date":"2015-12-28T16:14:04","date_gmt":"2015-12-28T16:14:04","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=16852"},"modified":"2015-12-28T16:14:04","modified_gmt":"2015-12-28T16:14:04","slug":"masuuliyiin-xukumadda-muqdisho-ah-oo-ku-lug-yeeshay-fidinta-mad-habta-shiicada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/12\/28\/masuuliyiin-xukumadda-muqdisho-ah-oo-ku-lug-yeeshay-fidinta-mad-habta-shiicada\/","title":{"rendered":"Masuuliyiin Xukumadda Muqdisho Ah Oo Ku Lug Yeeshay Fidinta Mad-habta Shiicada"},"content":{"rendered":"<div class=\"newscontent\">\n<p>Hargeysa(Arabsiyo News)-Hay\u2019adda sirdoonka dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo xidheen dad isugu jira Soomaali iyo Iiraaniyiin ku lug lahaa faafinta mad\u2019habta shiicada.<\/p>\n<p>Hawlgalkan oo dhacay dabayaaqada todobaadkii hore ayay ciidanka ammaanku ku weerarreen hotel ay ka dhacaysay xaflad la sheegay in lagu xusayay dhalashada Nabigeena NNKH oo ay soo qabanqaabisay hay\u2019adda Al-imaam Al-khumeyni ee dalka Iiraan, sidoo kale waxa xafladdaasi guur wadareed loogu samaynayay dhalinayro Soomaaliyeed.<\/p>\n<\/div>\n<p>\u201cBarnaamijkan waxaa fulinaysay hay\u2019adda Al-khumeyni; iyadoo ku gabanaysa isku guurinta wiilal iyo gabdho, kuwaasoo ay muddo gacanta ku hayeen, iyadoo barnaamijka shiiceyntana ay ula-jeeddadiisu tahay fidneynta ummadda Somalia ee sunniga ah,\u201d ayaa lagu yidhi warbixinta hay\u2019adda NISA, waxaana la sheegay in ujeedka munaasibadda lagu maldahay caawinta ciyaaraha iyo dhalinyarada is guursanaysa.<\/p>\n<p>War qoraala oo ka soo baxay xafiiska taliyaha sirdoonka gobolka Banaadir Cabdixakiim Axmed Farey ayaa lagu sheegay in ciidamada sirdoonku ay in mudo ahba ku raad joogeen barnaamijka lagu fidinayo mad\u2019habta shiicada isla markaana ay jiraan dad Soomaaliyeed oo mad\u2019habtaasi qaatay taasoo khatar ku ah baa la yidhi jiritaanka caqiidada suuban iyo sugnaashaha amniga.<\/p>\n<p>Sidoo kale waxa ay hay\u2019adda sirdoonku sheegtay in ay jiraan dhalinyaro iyo hay\u2019ado loo qaado dalka Iiraan kuwaas oo ay yidhaahdeen waxa lagu soo shubaa fikirka shiicada si ay dalka uga faafiyaan.<\/p>\n<p>Warka ka soo baxay NISA waxa kale oo lagu sheegay in ay jiraan dad masuuliyiina oo ka tirsan dawladda oo xidhiidh la leh barnaamijyadaasi iyagoo dhanka kale ka hadlay kulamo arintaasi ku saabsan oo ay yidhaahdeen safiirka Iiraan waxa uu ku qabtay xaafado ka tirsan Muqdisho.<\/p>\n<p>Hawlgalkaasi dadkii lagu qabtay waxa kamid ahaa labo nin oo u dhashay dalka Iiraan oo ay yidhaahdeen ciidamada ammaanku waxa ay ku lug lahaayeen fidinta mad\u2019habta shiicada.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(Arabsiyo News)-Hay\u2019adda sirdoonka dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo xidheen dad isugu jira Soomaali iyo Iiraaniyiin ku lug lahaa faafinta mad\u2019habta shiicada. Hawlgalkan oo dhacay dabayaaqada todobaadkii hore ayay ciidanka ammaanku ku weerarreen hotel ay ka dhacaysay xaflad la sheegay in lagu xusayay dhalashada Nabigeena NNKH oo ay soo qabanqaabisay hay\u2019adda Al-imaam Al-khumeyni ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":16856,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-16852","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-4nO","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16852","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=16852"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16852\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=16852"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=16852"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=16852"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}