{"id":16735,"date":"2015-12-25T17:20:55","date_gmt":"2015-12-25T17:20:55","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=16735"},"modified":"2015-12-25T17:20:55","modified_gmt":"2015-12-25T17:20:55","slug":"maxkamadda-breda-netherland-oo-ku-xukuntay-dahir-calsow-inuu-raaligelin-muddo-sannad-ah-ka-bixiyo-eedo-been-abuur-ah-oo-uu-ka-baahiyey-shirkadda-dahabshiil","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/12\/25\/maxkamadda-breda-netherland-oo-ku-xukuntay-dahir-calsow-inuu-raaligelin-muddo-sannad-ah-ka-bixiyo-eedo-been-abuur-ah-oo-uu-ka-baahiyey-shirkadda-dahabshiil\/","title":{"rendered":"Maxkamadda Breda Netherland oo ku xukuntay Dahir Calsow inuu Raaligelin muddo sannad ah ka bixiyo eedo been-abuur ah oo uu ka baahiyey shirkadda Dahabshiil"},"content":{"rendered":"<p>Arabsiyo News &#8212;Breda 24 December, 2015- Maxkamadda breda ee ku taal dalka Netherlands, ayaa amar ku siisay \u00a0Dahir Calasow inuu raaligelin ka bixiyo kuna baahiyo dhamaan mareegahiisa muddo sannad ah eedeymo beeno ah oo uu hore uga baahiyey Shirkadda Dahabshiil isaga oo ku xidhiidhiyey faldembiyeedyo beenabuur ah.<\/p>\n<p>Go\u2019aan Maxkamadda Breda soo saartay ayaa lagu sheegay in dhamaan eedaha la xidhiidha argagxisada iyo gabbood-fallada ka dhanka ah warbaahinta ee uu ninkaasi la xidhiidhiyey shirkadda Dahabshiil yihiin qaar la been-abuuray, isla markaana yihiin kuwo aan sal iyo raad loo raaco toonna lahayn.<\/p>\n<p>Maxkamadda ayaa ku amartay Dahir Calasow, oo qoraalo sumcad-dilis ku baahiyey mareegaha uu maamulo\u00a0 ee sunatimes.com, waagacusub.net and waagacusub.info iyo kuwa kaleba inuu muddo laba iyo toban bilood ah (12) \u00a0ku baahiyo qoraal uu ku caddaynayo in uu ka beenabuurtay shirkadda Dahabshiil, eedaha uu ka baahiyeyna yihiin kuwo aan caddaymaba lahayn, iyada oo la amray in laba usbuuc gudahood, qoraalka raaligelintuna ku soo baxo mareegahiisa.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Eedaha Daahir Calsow la xidhiidhiyey shirkadda Dahabshiil ee maxkamadda Breda diiday ayaa waxa ka mid ahaa dilkii fanaanada Saado Cali Warsame oo\u00a0 laba nin oo\u00a0 ku eedeysnaa lagu helay dembigaa bishii May 2015.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Afhayeen u hadlay shirkadda Dahabshiil oo ka hadlay go\u2019aanka Maxkamadda ayaa yidhi:<\/p>\n<p>\u201cWaan ku faraxsannahay in maxkamad awood u lihi xaqiiqsatay been-abuurka lanaga baahiyey, fursadna noo siiso in sumcadda wanaagsan ee shirkaddu muuqato. Waxaan rajaynayaa in go\u2019aankani soo gebagebeeyo eedo been-abuur ah oo damboo la baahiyo.<\/p>\n<p>Shirkadda Dahabshiil ayaa hoosta ka xariiqday mowqifkeeda ka dhanka ah dhammaan noocyada argagaxisada, \u201cWaxaan gebi ahaanba ka soo horjeednaa falalka argagxisada, dhamaan noocyadeeda kala duwan, taa bedelkeedana, waxaan maalgelin badan ku bixinay adeegsiga nidaamyada lagaga hortago, waxaanan buuxinay shuruudaha hay\u2019adaha lacagta, iyo dhamaan qawaaniinta caalamka oo ay ka mid yihiin kuwa lagu maamulo Ingiriiska ama UK, (sida UK regulator, the Financial Conduct Authority, iyo hay\u2019adda dusha ka maamusha ee Her Majesty\u2019s Revenue and Customs).\u201d<\/p>\n<p>Ka hor go\u2019aankan ugu dambeeyey, waxa Shirkadda Dahabshiil maxkamad saartay Daahir Calasow November 2010 iyo December 2014, iyada oo maxkamadahaasi ku amreen inuu ku daabaco bogaggiisa ka-noqosha uu ku qiranayo inuu waxyeello sumcadeed ula badheedhay Shirkadda Dahabshiil, oo Soomaali iyo Ingiriisiba ah, isla markaana dadkii uu farriimaha emailska ama Internetka kala xidhiidhi jireyna gaarsiiyo qoraalkiisa qiraalka ah.<\/p>\n<p>Go\u2019aankan Maxkamadda Breda ayaa ku soo beegmaya xilli ururrada Saxaafadda sida NUSOJ, SIMHA iyo SOLJA ku eedeeyeen Dahir Calsow iyo Cumar Faaruuq inay ku shaqeystaan baahinta eedo been-abuur ah, oo shaqsiyaadka Soomaalida iyo Shirkadaha gaarka loo leeyahay ku dibindaabyeeyaan, laaluushna kaga dalbadaan. Ururka SOLJA, gaar ahaan, waxa uu ku eedeeyey nimankaas in \u2018ficillada ay ku kacayaan si ulakac ah u waxyeelaynayaan saxaafadda anshaxa mihnadeed leh\u2019.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Qoraal qareenada difaacayey Shirkadda Dahabshiil\u00a0 Bird &amp; Bird soo saareen ayaa u qornaa:<\/p>\n<p>\u201cGo\u2019aankani waxuu xaqiijiyey sumcadda Shirkadda Dahabshiil. Amarka\/go\u2019aanka Maxkamadda ee ah in Calasow ku baahiyo dhamaan mareegahiisa qoraal uu ku raaligelinayo Shirkadda Dahabshiil, kuna jiro muddo sannad ah, waa farriin caddeynaysa in ninkaasi ku guuldarraystay inuu wax daliil ah ku ladho beenabuurkiisa uu ka baahiyey shirkadda ee aan meel loo raaco lahayn.\u201d<\/p>\n<p>Shirkadda Dahabshiil oo xarunteedu tahay London, UK, waxa weeye hormuudka ugu balladhan shirkadaha qaaradda laga leeyahay ee lacagaha kala dira Afrika, waana shaqo-bixiyaha ug weyn dhulalka Soomaalida. Waxa Shirkaddu ku hawlgashaa qawaaniin caalami ah oo lagu maamulo isu-dirista lacagaha oo ay ka mid tahay Payment Services Regulation oo lagu maamulo Financial Conduct Authority (FCA) ee dawladda UK.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arabsiyo News &#8212;Breda 24 December, 2015- Maxkamadda breda ee ku taal dalka Netherlands, ayaa amar ku siisay \u00a0Dahir Calasow inuu raaligelin ka bixiyo kuna baahiyo dhamaan mareegahiisa muddo sannad ah eedeymo beeno ah oo uu hore uga baahiyey Shirkadda Dahabshiil isaga oo ku xidhiidhiyey faldembiyeedyo beenabuur ah. Go\u2019aan Maxkamadda Breda soo saartay ayaa lagu sheegay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":16737,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-16735","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-4lV","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16735","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=16735"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16735\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=16735"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=16735"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=16735"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}