{"id":1650,"date":"2014-12-15T12:35:49","date_gmt":"2014-12-15T12:35:49","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=1650"},"modified":"2014-12-15T12:35:49","modified_gmt":"2014-12-15T12:35:49","slug":"wasiir-samaale-oo-dhirbaaxo-siyaasadeed-ku-dhuftay-xildhibaan-xoog-oo-suaal-ka-keenay-cadadka-mushaharka-madaxweynaha-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2014\/12\/15\/wasiir-samaale-oo-dhirbaaxo-siyaasadeed-ku-dhuftay-xildhibaan-xoog-oo-suaal-ka-keenay-cadadka-mushaharka-madaxweynaha-somaliland\/","title":{"rendered":"Wasiir SAMAALE Oo Dhirbaaxo Siyaasadeed Ku Dhuftay Xildhibaan XOOG Oo Su\u2019aal Ka Keenay Cadadka Mushaharka Madaxweynaha Somaliland"},"content":{"rendered":"<h2><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2014\/12\/samaale-150x150.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-1651\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2014\/12\/samaale-150x150.jpg?resize=150%2C150\" alt=\"samaale-150x150\" width=\"150\" height=\"150\" \/><\/a>Hargeysa\u00a0(AN) \u00a0Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland, Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa shalay mar kale hor-tagay Mudanayaasha Goaha wakiilada, waxaanu uga jawaabay su\u2019aalo badan oo ay waydiiyeen xildhibaannadu.<\/h2>\n<h2>Fadhigii shalay ee Golaha wakiilada oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golahaasi, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa waxa uu Wasiirku ku faahfaahiyey su\u2019aalo laga waydiiyey qorshaha Wasaaraddiisa ee la xidhiidha Guryaha dawladda ee la iibinayo, Mushaharka Madaxweynaha, habka loo qaato shaqaalaha cusub ee dawladda iyo weliba E-Baasaaboorka cusub.<\/h2>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h2>Wasiir Samaale oo ugu horeyn ka hadlaya qorshaha dawladda ee guryaha dawladda ee la iibin doono ama hore loo iibiyey ayaa yidhi \u201cWaxa jiray guryo badan oo dawladeed oo la iibiyey 2007-dii, 2008-dii, 2009-kii, haddii aanu annagu guryahaa dadkeenu ku jiraan ee ay dad kale ka iibsadeen, wixii aan laga maarmayn si caddaan ah inta looga iibiyo wixii lagaga iibiyaana ay qasnadda ku dhacaan, sidaas ayaanu u aragnaa inay tahay tu cadaaladda u dhow\u2026\u201d<\/h2>\n<h2>Wasiirku wuxuu sheegay inay doonayaan in guryaha dawladda ee hore loo iibiyey si sax ah loo sharciyeeyo \u201cWaxaanu u aragnaa in guryaha dawladda ee dad ay dad kale ka sii iibsanayaan inay sharci daro tahay, markaa si dadka guryaha dawladda lacagta ka bixiyey ugu xalaalowdo waa in sifo\u00a0 sharciga dawladda waafaqsan uu dhulkii ku yeeshaa, dabadeedna waxa lagaga iibinayaana wax tuugo lagu qaato aanu noqonin ee uu noqdo wax qasnadda dawladda ku dhaca oo Golaha Wakiilada soo mara. Bajadka dawladdana wax weyn kama aha (Dhaqaalaha guryaha guryaha la iibiyo), waana wax kooban\u201d<\/h2>\n<h2>Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxa kale oo uu ka hadlay korodhka shaqaalaha dawladda \u201c2010-kii guud ahaan shaqaalaha dawladdu wuxuu ahaa sanadkii 8,504, sanadka 2015-kana shaqaalaha dawladdu waa 160,89 (Lix iyo toban kun iyo sagaal iyo siddeetan)\u2026..\u201d ayuu yidhi, waxaanu intaasi sii raaciyey \u201cShaqaalaha cusub ee dawladdu waxay soo maraan hay\u2019adda shaqaalaha ee dawladda, imtixaan ayaa hay\u2019adda shaqaaluhu ka qaadaa, gobollada bariga waxa shaqaalahooda imtixaanka lagaga qaadaa Magaalada Burco, gobollada galbeedkana waxa lagaga qaadaa Hargeysa, sifada sharciga ah ee dawladdeena u taal ayaa loo maraa\u201d<\/h2>\n<h2>Intaasi ka dib waxa Wasiirka Maaliyadda uu xildhibaan Xoog waydiiyey su\u2019aal la xidhiidha qaabka loo qaato shaqaalaha dawladda, waxaanu wasiirku su\u2019aashaasi kaga jawaabay \u201cSaaxiibkay Cabdiraxmaannow (Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog) imisa ayaad hoosta ii soo gelisay oo aad igu tidhi shaqaale, qof, laba iyo saddex ba. Wasaaradda Maaliyadda iyo guud ahaan qarankaba farxad ayay u tahay in shaqaaluhu intay hore u ahaayeen in leeg oo shaqaale ahi ay dalka ka hawl-galeen, waana wax Wasaaradda Maaliyadda iyo qarankuba ku faanayo oo guul u ah, waxaana loo baahan yahay in dhallinyaradeena bilaa shaqada ah shaqo loo abuuro\u201d<\/h2>\n<h2>Xildhibaan Xoog oo mar kale ku soo noqday hadalka ayaa wasiirka Waydiiyey su\u2019aal u dhignayd sidan \u201cWasiir, Miisaaniyadda Madaxtooyadu intii in leeg ayay ka korodhay intii ay ahayd wakhtigii Daahir Rayaale, Maxaadse ku sababeynaysaa inay Miisaaniyaddu ilaa shan laab korodhay ?.<\/h2>\n<h2>Wasiir Samaale oo isla su\u2019aashaasi ka jawaabaya ayaa sheegay \u201cMa jecli inaan ka waramo Madaxtooyadii hore iyo Mushaharkeedii, Madaxwaynaheennii hore iyo Madaxwayne ku xigeenkii hore, waayo way soo dhamaatay taasi, laakiin waxaan idiin sheegayaa Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenku Mushahaharka ay qaataan waxa ansixiyey Golaha wakiilada. Mushaharka Madaxtooyada (Wakhtigii Rayaale) wuxuu ahaa 2,6,419,200.000 (Laba Bilyan, Lix boqol oo Milyan, 4 boqol iyo 19 kun iyo 2 boqol oo shilin) ayuu ahaa 2010-kii, laakiin Mushaharka Madaxtooyada ee 2015-ku waa 819000.000 Milyan oo shillin (8 boqol iyo 19 Milyan)\u2026.\u201dayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey, isaga oo deba socda su\u2019aal kale oo la xidhiidha cashuuraha \u201cWaxa su\u2019aashaada ku jirtay (Xoogow) dadkaad ku kordhiseen cashuur aanay qaadi karaynin, waxaan ku leeyahay wasaaradda Maaliyaddu ma kordhiso wax cashuur ah, haddii wax isbeddel cashuureed ahi jirana waa wax Golaha wakiilada soo maray (Mara)\u2026sidaa daraadeed Xildhibaan Cabdiraxmaan (Xoog) waxaan leeyahay saaxiib qiimaha ha iska qaadin, waayo Wasaaradda Maaliyaddu ma qaaddo cashuur aan Golaha wakiilada soo marin\u201d<\/h2>\n<h2>Wasiirka Maaliyaddu waxa kale oo uu ka hadlay lacagta lagu iibiyo E-baasaaboorka cusub ee Somaliland, kaasi oo su\u2019aal laga waydiiyey \u201cE-passport-ku wuxuu ka mid yahay waxyaabaha aanu qaranka ku soo kordhinay, waxaynuna ka wareegnay Baasaaboorkii kale ee caadiga ahaa. Lacagta lagu qaadayo E-passport-ka ma dejin wasaaradda Maaliyaddu ee waxa ansixiyey Golaha wakiilada, taana Cabdiraxmaan dib ugu noqo ayaan leeyahay, hadday lacagtaasi badan tahay iyo hadday yar tahayba Golaha wakiilada ayaa ansixiyey oo sharciyeeyay\u201d ayuu yidhi, Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Cabdicasiis Maxamed Samaale.<\/h2>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa\u00a0(AN) \u00a0Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland, Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa shalay mar kale hor-tagay Mudanayaasha Goaha wakiilada, waxaanu uga jawaabay su\u2019aalo badan oo ay waydiiyeen xildhibaannadu. Fadhigii shalay ee Golaha wakiilada oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golahaasi, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa waxa uu Wasiirku ku faahfaahiyey su\u2019aalo laga waydiiyey qorshaha Wasaaraddiisa ee la xidhiidha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":1651,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-1650","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-qC","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1650","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1650"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1650\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1650"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1650"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1650"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}