{"id":16480,"date":"2015-12-20T17:23:55","date_gmt":"2015-12-20T17:23:55","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=16480"},"modified":"2015-12-20T17:23:55","modified_gmt":"2015-12-20T17:23:55","slug":"togdheer-oo-laga-dareemaayo-siyaasadii-caasimadu-caanka-ku-ahayd-ee-iska-daborarida-xili-xaaladi-ugu-darnayd-ee-dhaqaale-ay-ka-jirto-burco","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/12\/20\/togdheer-oo-laga-dareemaayo-siyaasadii-caasimadu-caanka-ku-ahayd-ee-iska-daborarida-xili-xaaladi-ugu-darnayd-ee-dhaqaale-ay-ka-jirto-burco\/","title":{"rendered":"Togdheer Oo Laga Dareemaayo Siyaasadii Caasimadu Caanka Ku Ahayd Ee Iska Daborarida, Xili Xaaladi Ugu Darnayd Ee Dhaqaale Ay Ka Jirto BURCO"},"content":{"rendered":"<h2>Gobolka Togdheer oo kamid ah Gobolada soo jireenka ah, wuxuu taariikh facweyn ku leeyahay maraaxiladii kala duwana ee Somaliland soo martay. Waa Gobolkii lagaga dhawaaqay Gooni isu-taaga Jamhuuriyada Somaliland 1991, waa Gobolkii loogu soo horgalay xorreyntii dalka waxaana Gobol caan ku ah xamaasada dhammaan bilawgii Xoriyad doonka.<\/h2>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandtoday.com\/slt\/wp-content\/uploads\/2015\/12\/IMG_63D5B4-25D304-76EB72-A1C7AF-5FD4FF-FEBAD2.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-large wp-image-80323\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandtoday.com\/slt\/wp-content\/uploads\/2015\/12\/IMG_63D5B4-25D304-76EB72-A1C7AF-5FD4FF-FEBAD2-1024x540.jpg?resize=660%2C348\" alt=\"IMG_63D5B4-25D304-76EB72-A1C7AF-5FD4FF-FEBAD2\" width=\"660\" height=\"348\" \/><\/a><\/p>\n<h2>Xiligii Xukuumaddi UDUB wuxu badana Gobolka Togdheer aha mid ay Xukuumadihii Marxuum Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal iyo Daahir Rayaale Kaahin si gooniya uga saadaalin jireen hadba fooraha siyaasadda dalku siday u socoto, taas oo lagu xasuusto in labada Madaxweyne mar kasta ka fekeri jireen Wasiiro Miisan leh oo Gobolka Togdheer ka qaabila. Xubnaha Wasiirada ah ee \u00a0la xusi karo ee labada Xukuumadood soo maray xagga Gobolka Togdheer waxa kamid ahaa. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) Madaxweynaha hadda, Saleebaan Maxamuud Aadan Guddoomiyaha guurtida ee hadda, \u00a0alle haw naxariisto Maxamed Ismaciil Bullaale (Xoghayihii UDUB) oo aha Wasiirkii Gaashandhiga Xukuumadi Cigaal, Cabdi Aw Daahir Cali, Dr. Xasan Ismaciil iyo xubno kale oo tirobadan.<\/h2>\n<h2>Xukuumadda Madaxweyne Axmed Silaanyo ee ka dhalatay Xisbiga KULMIYE, wuxuu Gobolka Togdheer aha mid siweyn looga tageeri jiray wakhtigii Xisbigu Mucaaridka aha iyo markii uu Xukunka qabtayba, in kasta oo aanay Rer Burco ka helin hamigoodi filasho ee horumarinta Gobolka Togdheer, taas oo la xusi karo hal hayskii rer Burco xiligii ololaha KULMIYE kaas oo aha. \u201cKULMIYE U Codeeya Ha Kobciyo Togdheere\u201d. \u00a0Hadana walow \u00a0dhinaca dhaqaalaha iyo rajo abuurka dhalinyarada uu Gobolka kamid yahay meelaha ugu daran dalka, hadana Xukuumadda Madaxweyne Silaanyo waxay ka fulisay dhawr qodob oo ay ugu weyntahay badaladii Lacagta Giinbaarta, dhismha Guriga Martida iyo xaydaanka Garoonka Diyaaraha.<\/h2>\n<h2>Sidoo kale 5-sanno ee ugu danbeeyay ayaa u aha Togdheer iyo Burco kuwii ugu darnaa ee soo mara, kadib markii ay soo cidleeyeen dadkii dhaqalaha buuran iyo ganacsiga ku dhex haystay, waxayna taasi dhaxal siisay in ay Burco maanta ka liidato siday ahayd horaantii sagaashamaadki. \u00a0Iyadoo halkaas xaalku maraayo waxa labadii bilood ee ugu danbeeyay laga dareemayay Togdheer iyo Burco-ba dhaq dhaqaaq salka ku haya siyaasadda guur guurka badan ee iska dabararista loo yaqaan, taas oo ah . \u201cShir Ka Dabo Qabo Shir Kale, Baaqna Ka Dabo Qabo Baaq Kale\u201d. Xifiltankaas oo markale looga soo waariday dhinca Caasimada Hargaysa oo iyadu Burco u soo dirta wax dhib mooye aan dheef u lahayn.<\/h2>\n<h2>Haddaba su\u2019aashu waxay tahay Rer Togdheer iyo Burco ilaa goorma ayay ku jiri doonaan Daymada Hargaysa ee Diiftu ku la dhantahay iyo Tashi la\u2019aanta dadka degaanku kaga hadheen khayrkood.<\/h2>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Gobolka Togdheer oo kamid ah Gobolada soo jireenka ah, wuxuu taariikh facweyn ku leeyahay maraaxiladii kala duwana ee Somaliland soo martay. Waa Gobolkii lagaga dhawaaqay Gooni isu-taaga Jamhuuriyada Somaliland 1991, waa Gobolkii loogu soo horgalay xorreyntii dalka waxaana Gobol caan ku ah xamaasada dhammaan bilawgii Xoriyad doonka. Xiligii Xukuumaddi UDUB wuxu badana Gobolka Togdheer aha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":16481,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-16480","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-4hO","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16480","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=16480"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16480\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=16480"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=16480"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=16480"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}