{"id":16460,"date":"2015-12-19T19:48:45","date_gmt":"2015-12-19T19:48:45","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=16460"},"modified":"2015-12-19T19:48:45","modified_gmt":"2015-12-19T19:48:45","slug":"madaxweynaha-jsl-mudane-axmed-maxamed-siilaanyo-oo-maanta-19-12-2015-kulan-lagu-dar-dar-gelinayo-diwaan-gelinta-codbixiyeyaasha-la-yeeshay-komishanka-doorashooyinka-qaranka-afarta-taliye-ciidan-wa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/12\/19\/madaxweynaha-jsl-mudane-axmed-maxamed-siilaanyo-oo-maanta-19-12-2015-kulan-lagu-dar-dar-gelinayo-diwaan-gelinta-codbixiyeyaasha-la-yeeshay-komishanka-doorashooyinka-qaranka-afarta-taliye-ciidan-wa\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha S\/land  oo kulan lagu dar-dar gelinayo Diwaan-gelinta Codbixiyeyaasha la yeeshay Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Wasaaraddaha Gaashaandiga iyo  Arrimaha Gudaha."},"content":{"rendered":"<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Hargaysa(AN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta (<\/span><b><u><span lang=\"SQ\">19.12.2015<\/span><\/u><\/b><span lang=\"SQ\">) kulan la qaatay Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Afarta Taliye Ciidan, Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Kulankaa oo ay ujeedadiisu ahayd sidii loo dar-dar gelin lahaa diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee doorashooyinka dalka ku soo fool leh bisha March 2017-ka .<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">In dalkeena ay ka qabsoomaan doorashooyin xor iyo xalaal ah waa masuuliyad saaran Xukuumadda iyo Hay\u2019adaha kale ee Qaranka ee ay arrintani khusayso. Sidoo kale, qabsoomidda doorashooyinku waa waajib iyo xil-wadareed ummadda oo dhan saaran. Haddaba si taa looga wada hadlo ayaa Madaxweynuhu wuxuu kulan la qaatay Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Afarta Taliye Ciidan, Wasaaradda Gaashaandiga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Komishanka Doorashooyinka Qaranku iyaga ayaa codsiga kulankan lahaa si ay Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ee qarankaba uga wada xaajoodaan arrinta diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Komishanka Doorashooyinka Qaranka (oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Komishanka Mudane Cabdulqaadir Iimaan Warsame) waxay Madaxweynaha si toosa ugu soo ban-dhigeen inay Komishan ahaan si rasmiya uga go&#8217;antahay in la dar-dar geliyo Diiwaan-gelinta Doorashooyinka, maadaama doorashadu tahay waajib cid walba saaran. Komishanku waxay Madaxweynaha u sheegeen in diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ay dhawaan ka bilaabmi doonto Gobolka Togdheer, sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in dhammaanba Hay\u2019adaha ay doorashadu khusayso ay arrintan si dhab ah uga wada hawl galaan, hadday tahay xagga nabadgelyada iyo hadday tahay xagga, abaabulka, maamulka iyo isu-dubbaridka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Madaxweynuhuna wuxuu Komishanka Doorashooyinka Qaranka ku raacay oo ku taageeray talada ay soo jeediyeen, wuxxuna ku boorriyey inay sida ugu habboon ee ugu hufan ay u bilaabaan diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, maadama ay doorashooyin dalka ka qabsoomi doonaan horraanta 2017-ka, hadii Illaahay yidhaahdo. Dhinaca kale, Madaxweynuhu wuxuu Afarta Taliye Ciidan ku wargeliyey inay si buuxda ula shaqeeyaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Hay\u2019adaha kale ee ku hawlan arrimaha Diiwaan-gelinta Codbixiyayaasha, gaar haana in iyaga Ciidamo Nabadgelyo ahaan uu xil gaar ahi ka saaran yahay sugitaanka amniga iyo degenaanshaha.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Afarta Taliye Ciidan waxay dhinacooda ballan qaadeen inay si dhab ah ula shaqayn doonaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka muddada ay ku jiraan hawlahooda. Kulanka waxa iyaguna goob joog ahaa Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami, Wasiiru-Dawlaha Amniga Qaranka Mudane Maxamed Muuse Diiriye oo iyaga laftoodu tibaaxay in qabsoomidda doorashooyinku ay tahay xil-wadareed ummada oo dhan saaran. Sidoo kale Wasiirradu waxay si dhab ah uga marag kaceen muhimadda iyo mudnaanta ay doorashooyinku u leeyihiin dalkeenna, sidaa darteedna loo baahan yahay in guud ahaanba Komishanka Doorashooyinka Qaranka lagala shaqeeyo nabadgelyadao muddadaa ay ku jiraan Gudashada Xilkooda Distooriga ah.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">K<\/span><span lang=\"SQ\">ulankii wuxuu ku soo gaba-gaboobay is-af-garad iyo hadallo dar-daaran iyo dhiirrigelinba ah oo uu Madaxweynuhu u soo jeediyey masuuliyiinta <\/span><span lang=\"SQ\">Komishanka Doorashooyinka Qaranka<\/span><span lang=\"SQ\"> isagoo <\/span><span lang=\"SQ\">ku booriyey inay sida ugu habboon u gutaan waajibaadkooda Distooriga ah ee ka saaran arrimaha diwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo qabsoomidda doorashooyinka inagu soo fool leh.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\">\u00a0\u00a0<a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/12\/DSC_0001.jpg\" rel=\"attachment wp-att-16462\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-16462\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/12\/DSC_0001.jpg?resize=696%2C464\" alt=\"DSC_0001\" width=\"696\" height=\"464\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/12\/DSC_0002.jpg\" rel=\"attachment wp-att-16463\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-16463\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/12\/DSC_0002.jpg?resize=696%2C464\" alt=\"DSC_0002\" width=\"696\" height=\"464\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/12\/DSC_0003.jpg\" rel=\"attachment wp-att-16464\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-16464\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/12\/DSC_0003.jpg?resize=696%2C464\" alt=\"DSC_0003\" width=\"696\" height=\"464\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/12\/DSC_0004-1.jpg\" rel=\"attachment wp-att-16465\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-16465\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/12\/DSC_0004-1.jpg?resize=696%2C331\" alt=\"DSC_0004\" width=\"696\" height=\"331\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/12\/DSC_0017-1.jpg\" rel=\"attachment wp-att-16466\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-16466\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/12\/DSC_0017-1.jpg?resize=696%2C464\" alt=\"DSC_0017\" width=\"696\" height=\"464\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/12\/DSC_0027.jpg\" rel=\"attachment wp-att-16467\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-16467\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/12\/DSC_0027.jpg?resize=696%2C464\" alt=\"DSC_0027\" width=\"696\" height=\"464\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/12\/DSC_0035.jpg\" rel=\"attachment wp-att-16468\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-16468\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/12\/DSC_0035.jpg?resize=696%2C464\" alt=\"DSC_0035\" width=\"696\" height=\"464\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/12\/DSC_0040.jpg\" rel=\"attachment wp-att-16469\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-16469\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/12\/DSC_0040.jpg?resize=696%2C464\" alt=\"DSC_0040\" width=\"696\" height=\"464\" \/><\/a><\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\">ALLAA MAHAD LE<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\">Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\">Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.<\/span><\/b><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta (19.12.2015) kulan la qaatay Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Afarta Taliye Ciidan, Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Kulankaa oo ay ujeedadiisu ahayd sidii loo dar-dar gelin lahaa diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee doorashooyinka dalka ku soo fool leh bisha March 2017-ka . \u00a0 In dalkeena ay ka qabsoomaan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":16467,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-16460","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-4hu","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16460","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=16460"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16460\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=16460"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=16460"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=16460"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}