{"id":16345,"date":"2015-12-15T18:53:49","date_gmt":"2015-12-15T18:53:49","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=16345"},"modified":"2015-12-15T18:53:49","modified_gmt":"2015-12-15T18:53:49","slug":"kulan-xog-warran-ah-oo-uu-madaxweynaha-jsl-la-yeeshay-daladda-dhallinyarada-sonyo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/12\/15\/kulan-xog-warran-ah-oo-uu-madaxweynaha-jsl-la-yeeshay-daladda-dhallinyarada-sonyo\/","title":{"rendered":"Kulan Xog-warran ah oo uu Madaxweynaha JSL la yeeshay Daladda Dhallinyarada SONYO"},"content":{"rendered":"<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Hargaysa(AN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland <b><u>Mudane Axmed Maxamed Silaanyo<\/u><\/b> wuxuu maanta (<\/span><i><u><span lang=\"SQ\">15.12.2015<\/span><\/u><\/i><span lang=\"SQ\">) Xafiiskiisa kulan xog-warran ah kula yeeshay Masuuliyiin sare oo ka socday Dallada Dhallinyarada JSL ee SONYO oo uu hoggaaminayey <\/span><i><u><span lang=\"SQ\">Guddoomiyaha Dallada Dhallinyarada<\/span><\/u><\/i><span lang=\"SQ\"> JSL ee SONYO <i><u>Mudane<\/u><\/i> <i><u>Siyaad Cumar Cali<\/u><\/i>. <\/span><span lang=\"SQ\">Waftiga Dhallinyarada SONYO ee Madaxweynaha booqashada ugu yimid waxa kale oo ka mid ahaa <\/span><i><u><span lang=\"SQ\">Mudane Cabdicasiis Siciid Saalax<\/span><\/u><\/i><span lang=\"SQ\"> (<\/span><i><span lang=\"SQ\">Guddoomiyaha Guddida Joogtada ah ee Dallada SONYO<\/span><\/i><span lang=\"SQ\">) iyo <\/span><i><u><span lang=\"SQ\">Mudane Maxamed Caydiid Cali<\/span><\/u><\/i><span lang=\"SQ\"> (<i>Madaxa Waaxda Shaqo Abuurka ee Dallada SONYO)<\/i>.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<figure id=\"attachment_16347\" aria-describedby=\"caption-attachment-16347\" style=\"width: 800px\" class=\"wp-caption alignnone\"><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/12\/DSC_0005.jpg\" rel=\"attachment wp-att-16347\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-full wp-image-16347\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/12\/DSC_0005.jpg?resize=696%2C412\" alt=\"????????????????????????????????????\" width=\"696\" height=\"412\" \/><\/a><figcaption id=\"caption-attachment-16347\" class=\"wp-caption-text\"><strong>Kulankii Madaxwaynaha iyo dalada SONYO<\/strong><\/figcaption><\/figure>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Ujeedada ugu muhiimsan ee uu Madaxweyne Axmed Silaanyo kulanka ula yeeshay Dallada Dhallinyarada SONYO waxay ahayd \u00a0si uu xog dhammaystiran uga helo wixii sannadkan 2015-ka Dallada SONYO u qabsoomay, wacyiga, waayaha iyo duruufaha haysta iyo qorshaha, hilaadda iyo hiigsiga ay Dhallinyaradu leeyihiin sannadka 2016-ka.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<figure id=\"attachment_16348\" aria-describedby=\"caption-attachment-16348\" style=\"width: 800px\" class=\"wp-caption alignnone\"><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/12\/DSC_0014.jpg\" rel=\"attachment wp-att-16348\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-full wp-image-16348\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/12\/DSC_0014.jpg?resize=696%2C412\" alt=\"????????????????????????????????????\" width=\"696\" height=\"412\" \/><\/a><figcaption id=\"caption-attachment-16348\" class=\"wp-caption-text\">????????????????????????????????????<\/figcaption><\/figure>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Ugu horrayn waxa hadalkii bilaabay <\/span><span lang=\"SQ\">Guddoomiyaha Dallada Dhallinyarada SONYO Mudane <i><u>Siyaad Cumar Cali<\/u><\/i> oo Madaxweynaha uga mahad naqay kulanka xog-waraysiga ah ee uu ugu yeedhay Dhallinyarada. Guddoomiyaha Dallada SONYO wuxuu si mug iyo miisaanba leh ugu mahad naqay Madaxweynaha isagoo sheegay inuu<\/span><span lang=\"SQ\"> kor u qaaday hanka iyo himilada Dhallinyarada <\/span><span lang=\"SQ\">JSL. <\/span><span lang=\"SQ\">Guddoomiyaha Dallada Dhallinyarada SONYO wuxuu tibaaxay in Xukuumadda M\/weyne Axmed Silaanyo ka hor ay ahayd ma dhacdo iyo arrin aan la hawaysan karin in la arko Dhalllinyaro da\u2019yar oo Qaranka ka haya Xilal iyo masuuliyado sare. Sidaa darteed uu M\/weyne Axmed Silaanyo yahay ka Dhallinyarada ka furay \u00a0<u>dabarkii<\/u> ku xidhnaa ee ka horjoogay fursadaha horumarka iyo inay talada dalka wax ku yeeshaan, taasina ay Dhallinyaradu Madaxweynaha ugu hayaan abaal raaga iyo mahad naq aan xad lahayn.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<figure id=\"attachment_16346\" aria-describedby=\"caption-attachment-16346\" style=\"width: 800px\" class=\"wp-caption alignnone\"><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/12\/DSC_0004.jpg\" rel=\"attachment wp-att-16346\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-full wp-image-16346\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/12\/DSC_0004.jpg?resize=696%2C464\" alt=\"????????????????????????????????????\" width=\"696\" height=\"464\" \/><\/a><figcaption id=\"caption-attachment-16346\" class=\"wp-caption-text\">????????????????????????????????????<\/figcaption><\/figure>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Dhinaca kale, Guddoomiyaha Dallada SONYO wuxuu si waafiya uga war bixiyey safarro hawleed ay ku kala bixiyeen dhammaanba Gobollada iyo Degmooyinka JSL si ay xog dhammaystiran iyo muuqaal cad uga helaan duruufaha iyo waayaha haysta Dhallinyarada JSL. Xogtii iyo macluumaadkii laga soo ururiyey safarradaa waxay Dallada SONYO ka diyaarisay qoraal dhammaystiran oo wata talo bixin si wax looga qabto caqabadaha Dhallinyarada ka haysta xagga horumarka iyo fursadaha nololeed.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/12\/DSC_0016.jpg\" rel=\"attachment wp-att-16349\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-full wp-image-16349\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/12\/DSC_0016.jpg?resize=696%2C479\" alt=\"????????????????????????????????????\" width=\"696\" height=\"479\" \/><\/a><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Sidoo kale waxa isaguna kulankaa hadal ka soo jeediyey<i><u> <\/u><\/i><u>Mudane Cabdicasiis Siciid Saalax<\/u> oo Madaxweynaha uga mahad naqay kulanka xog-waraysiga ah ee uu ugu yeedhay Dhallinyarada isagoo Madaxweynaha ku bogaadiyey guulaha ay Xukuumaddiisu ku tallaabsatay muddadii ay xilka haysay. <u>Cabdicasiis Siciid Saalax<\/u> waxa kale oo uu Madaxweynaha u sheegay in Xukuumaddiisu ay si dhab ah u fulisay ballan-qaadyadeedii ahaa i<\/span><span lang=\"SQ\">n dhallinyaradu ay talada dalka qayb weyn ku yeeshaan, oo ay heer kasta oo maamulka dawliga ahba si mug leh uga muuqdaan<\/span><span lang=\"SQ\">. <u>Cabdicasiis Siciid Saalax<\/u> wuxuu tibaaxay in dhallinyarada <\/span><span lang=\"SQ\">JSL<\/span> <span lang=\"SQ\">ay u soo dhabar-adaygeen duruufo nololeed oo aad u qallafsan, iyagoo marwalba muujinayey samir, dulqaad iyo dedaal ay kolba wixii noloshu baddo. Sidaa darteedna loo baahan yahay in si wada-jir ah looga shaqeeyo sidii loo horumarin lahaa Dhallinyarada JSL maadaama ay yihiin aayaha mustqabalka ee ummaddeena.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Ugu dambayntii, weftiga Dallada Dhallinyarada SONYO waxay Madaxweynaha u soo <i><u>gudbiyeen qoddobo dhawr ah<\/u><\/i> oo uu nuxurkoodu ahaa sida soo socota:<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">1.\u00a0 <\/span><span lang=\"SQ\">Iyadoo la tixgalinayo baahiyaha iyo duruufa dhabta ah ee haysta dhallinyarada JSL, in dib loo eego kaalmada ku jirta Sanduuqa Horuminta Somaliland (SDF) ee loo qoondeeyay Shaqo-abuurka Dhallinyaradda.\u00a0<u><\/u><\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">2.\u00a0 <\/span><span lang=\"SQ\">In dhallinyarada loo qoondeeyo (la siiyo) dhul ku haboon bar-kulanka dhallinyarada <i>(Youth Multipurpose Resource Centers and Playgrounds)<\/i> kuwaasoo ku yaala dhammaanba gobollada Dalka JSL isla markaana lagu wareejiyo Dallada SONYO si ay maal-gelin dhisme ugu raadiso.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">3.\u00a0 <\/span><span lang=\"SQ\">Ku-dhawaaqista iyo meel-marinta <b>\u201c<u>Maalinta Dhallinyaradda JSL 5-<sup>ta<\/sup> Juun<\/u>\u201d<\/b> taasoo noqon doonta Maalin dhallinyaradda Jam. Somaliland ay gaar u leeyihiin, laguna wacyigaliyo sidii ay dalkooda u hanan lahaayeen.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">4.\u00a0 <\/span><span lang=\"SQ\">Meel-marinta Xeerka iyo Qaab-dhismeedka <i>\u201c<\/i><b><u>Sanduuqa Dhallinyarada JSL<\/u>\u201d<\/b> kaasoo uu Madaxweynuhu hore ugu dhawaaqay, loona baahanyahay in haatan la dar-dargeliyo oo la hirgaliyo.<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\">5.\u00a0 <\/span><span lang=\"SQ\">Xoojinta iyo Joogteynta <b>\u201c<u>Kulanka Isku-xidhka Arrimaha Dhallinyaradda<\/u><i>\u201d<u> <\/u><\/i><\/b><i>Youth Sector Coordination Forum<\/i>\u201d kaasoo ay Wasaaradda Dhallinyaraddu guddoomiso, Dallada SONYO-na kalkaaliso. In Madaxweynaha JSL furo shirka soo socda isla markaana uu amro xoojinta iyo joogteynta Shirkaas.\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"\"><span lang=\"SQ\"><i>\u00a0<\/i>\u00a0\u00a0\u00a0<\/span><\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/12\/DSC_0017.jpg\" rel=\"attachment wp-att-16350\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-full wp-image-16350\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/12\/DSC_0017.jpg?resize=696%2C482\" alt=\"????????????????????????????????????\" width=\"696\" height=\"482\" \/><\/a><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane <b><u>Axmed Maxamed Silaanyo<\/u><\/b> oo si qoto dheer u dhegaysanayey masuuliyiinta<\/span><span lang=\"SQ\"> Dallada Dhallinyarada SONYO wuxuu uga mahad naqay<\/span><span lang=\"SQ\"> xog-warrankii ay siiyeen.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">Sidoo kale Madaxweynuhu<\/span><span lang=\"SQ\"> wuxuu sheegay in ummad walba horumarkeeda ay saldhig u tahay kolba siday isugu hawlaan, u daryeelaan ee ay ugu dedaalaan horumarinta Da\u2019yarta iyo Dhallinyarada. K<\/span><span lang=\"SQ\">ulankii wuxuu ku soo gaba-gaboobay hadallo dar-daaran iyo dhiirrigelinba ah oo uu Madaxweynuhu u soo jeediyey masuuliyiinta <\/span><span lang=\"SQ\">Dallada Dhallinyarada SONYO isagoo <\/span><span lang=\"SQ\">ku booriyey inay sida ugu habboon u gutaan waajibaadka ka saaran horumarinta iyo taageerada <\/span><span lang=\"SQ\">Da\u2019yarta iyo Dhallinyarada maadaama ay iyagu yihiin mustaqbalkii iyo aayihii ummadda ee berrito.<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\">ALLAA MAHAD LEH<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><span lang=\"SQ\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\">Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)<\/span><\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b><span lang=\"SQ\">Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.<\/span><\/b><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo wuxuu maanta (15.12.2015) Xafiiskiisa kulan xog-warran ah kula yeeshay Masuuliyiin sare oo ka socday Dallada Dhallinyarada JSL ee SONYO oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Dallada Dhallinyarada JSL ee SONYO Mudane Siyaad Cumar Cali. Waftiga Dhallinyarada SONYO ee Madaxweynaha booqashada ugu yimid waxa kale oo ka mid ahaa Mudane Cabdicasiis [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":16350,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-16345","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-4fD","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16345","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=16345"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16345\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=16345"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=16345"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=16345"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}