{"id":16112,"date":"2015-12-09T18:48:12","date_gmt":"2015-12-09T18:48:12","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=16112"},"modified":"2015-12-09T18:48:12","modified_gmt":"2015-12-09T18:48:12","slug":"gudoomiyaha-hayadda-shaqaalaha-dawladda-pro-mixille-wajigii-labaad-ee-tiro-koobka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/12\/09\/gudoomiyaha-hayadda-shaqaalaha-dawladda-pro-mixille-wajigii-labaad-ee-tiro-koobka\/","title":{"rendered":"Gudoomiyaha Ha\u2019yadda shaqaalaha dawladda pro. Mixille  Wajigii labaad ee tiro koobka"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo news} &#8211; Gudoomiyaha Ha\u2019yadda shaqaalaha dawladda Prof. Maxamed Mixille Boqorre, ayaa maanta ka hadlay wejigii labaad ee tiro-koob madax taabasho ah oo ay ka fulinayaan wasaaradaha dalka si ay u sugaan shaqaalaha rasmiga ah ee ka shaqeeya ha\u2019yadaha dawladda.<\/p>\n<p>Guddoomiyuhu waxa uu kormeer ku soo maray toban wasaaradood oo tiro-koobku ka socdo, kuwaasi oo kala ah wasaaradaha Biyaha, Macdanta iyo tamarta, shaqada iyo arrimaha bulshada, Hawlaha guud iyo guriyeenta, Arrimaha dibada, Arrimaha gudaha, Beeraha, Gaashaan-dhiga, Xidhiidhka goleyaasha iyo Madaxtooyada. iyadoo dhammaanba wasaaradahaasi loo diray kooxo ka tirsan Ha\u2019yadda shaqaalaha dawladda oo fulinaya tiro koobka madax-taabashadda ah.<\/p>\n<p>\u201cHa\u2019yadda shaqaaluhu waxay ku dhaqaaqday kormeerkii madax taabshada shaqaalaha dawladda raacii labaad ee shaqaalaha wasaaradaha dawladda lagu tiro-koobayay, toban wasaaradood ayay hawl wadeenno ka tirsan Ha\u2019yadda shaqaaluhu ka bilaabeen tiro-koobka. Hawshaasi si wanaagsan ayay uga socotay wasaaradaha aniguna kormeer ayaan ku soo wada maray dhammaantood,\u201dayuu yidhi Guddoomiyaha Ha\u2019yadda shaqaaluhu.<\/p>\n<p>Prof. Mixille waxa uu xusay in qorshaha dib u habaynta shaqaaluhu ay tahay siyaasad qaran oo madaxweynuhu amar buuxa ku bixiyay, waxaanu ydihi \u201cWaxa aanu fulinaynaa awaamiirtii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee ahayd in shaqaale tayo leh la helo, ee ahayd in dib u habayn lagu sameeyo shaqaalaha ee Pulic service Reform-ka. Hawshaas oo muhiimadeeda leh ayaanu ku gudo-jirnaa oo aanu saaka (shalay) bilownay.\u201d<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Ha\u2019yadda shaqaaluhu waxa uu sheegay in qorshahani aanu ahayn mid cid gaar ah lagu eryayo. \u201cWaxaan maqlayey dad baa lahaa malaa waa nala eryayaa?, waar qofna lama eryayo, qofka shaqadiisa jooga ee shaqada laga helo ciddina ma eryayso. Waxase aanu rabnaa in shaqaalaha rasmiga ah macluumaadkooda iyo waayo arragnimadooda ku ururino. Waxaan idiin sheegayaa tusaale ahaan qofkii dhinta ee shaqaale ah mushaharka illaa lix bilood lagama jaro oo waxa looga dhigayaa qoyskiisii tacsi. Marka dambena xuquudiisa ayuu yeelanayaa,\u201dayuu yidhi Prof. Maxamed Mixille Boqorre.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Ha\u2019yadda shaqaaluhu waxa uu sheegay inay marka ay dhammaystiraan tiro-koobkan ay warbixin balaadhan ka soo saari doonaan.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyo Branch<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo news} &#8211; Gudoomiyaha Ha\u2019yadda shaqaalaha dawladda Prof. Maxamed Mixille Boqorre, ayaa maanta ka hadlay wejigii labaad ee tiro-koob madax taabasho ah oo ay ka fulinayaan wasaaradaha dalka si ay u sugaan shaqaalaha rasmiga ah ee ka shaqeeya ha\u2019yadaha dawladda. Guddoomiyuhu waxa uu kormeer ku soo maray toban wasaaradood oo tiro-koobku ka socdo, kuwaasi [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":16117,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-16112","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-4bS","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16112","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=16112"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16112\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=16112"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=16112"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=16112"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}