{"id":16069,"date":"2015-12-08T16:57:28","date_gmt":"2015-12-08T16:57:28","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=16069"},"modified":"2015-12-08T16:57:28","modified_gmt":"2015-12-08T16:57:28","slug":"dr-gaboose-oo-mowqifkiisa-loolanka-musharaxnimo-ee-xisbiga-wadani-cadeeyey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/12\/08\/dr-gaboose-oo-mowqifkiisa-loolanka-musharaxnimo-ee-xisbiga-wadani-cadeeyey\/","title":{"rendered":"Dr Gaboose oo mowqifkiisa loolanka musharaxnimo ee Xisbiga Wadani cadeeyey"},"content":{"rendered":"<div class=\"newscontent\">\n<p>Hargeysa (AN) Siyaasiga caanka ah ee Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, oo ka tirsan xisbiga Waddani ayaa beeniyay warar la isla dhex marayo oo sheegaya inuu guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro kula tartami doono jagada murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani dhexdiisa.<\/p>\n<p>Dr. Gaboose, oo u waramay wargeyska <strong><em>Geeska Afrika<\/em><\/strong>, wuxuu sheegay inaanu habeena ku fikirin inuu Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro kula dhex tartamo xisbiga gudihiisa. \u201cMarkii ay midoobeen xisbiga Waddani iyo ururkii Umaddu, khudbadii aan jeediyay waxaan ku sheegay inaanan marna kula tartamayn walaalkay Cabdiraxmaan Cirro xisbiga Waddani dhexdiisa oo aanan xisbiga ku noqon doonin carqalad ee wixii aan tari karo aan tarayo.\u201d ayuu yidhi Dr. Gabose oo intaas raaciyay, \u201cWelina halkii ayaan taaganahay oo waxba iskamay kay bedelin, lagamana yaabo inaan walaalkay Cabdiraxmaan-Cirro la tartamo oo aan xisbiga kula dhex baratamo, waxase iga go\u2019an wixii aan tari karo inaan taro oo aan caawiyo.\u201d<\/p>\n<\/div>\n<p>Dr. Gabose, wuxuu \u00a0<strong><em>Geeska Afrika<\/em><\/strong> u sheegay in wararka la isla dhex marayo aanay jirin meel uu ka yidhi iyo cid ka soo xigatay toona, \u201cSidaas daraadeed waxba kama jiraan waana warar aan jirin wararka sheegaya inaan Cabdiraxmaan-Cirro kula dhex tartami doono murashaxnimada xisbiga, mana jirto cid iga soo xigatay aniga wararkaas iyo meel aan ka idhi toona. \u00a0Markaas sidaas ayaan umadda iyo shacabka Somalilandba ugu cadaynayaa mawqifkayga, mana ihi nin dabeecadaha noocaas ah yaqaana.\u201d<\/p>\n<p>Dr. Gabose, wuxuu sheegay inuu ku mashquulsanyahay dhismaha Cisbitaal uu ka hirgelinayo magaalada Hargeysa, isagoo shacabka ka codsaday in loogu soo duceeyo in Alle u fududeeyo dhismaha Cisbitaalkaas, \u201cWaxaan ku mashqulsanahay inaan dhammaystiro Cisbitaal weyn oo aan dalka u dhisayo oo wax tar u noqon doona bulshada, waxaanan shacabka Somaliland ka codsanayaa inay iigu soo duceeyaan in Alle ii fududeeyo hawshaas.\u201d ayuu Dr. Gabose ku soo gunaanaday hadalkiisa.<\/p>\n<p>yimid, wuu ii hanjabay oo uu wuu I caayay, waxbana kama soo qaadin oo dulqaad ayaan muujiyay, markii dambena baastoolad ayuu iila soo baxay oo wuu igu fiiqay, dabadeedna ninkii ila fadhiyay ayaa handaday oo ku yidhi waar wax horena waanu idiin tirinaynee ma waxaasaad maantana ku dartay dabadeed intuu baastooladii halkaas miiska dhigay ayuu cararoo iska tagay, waanu u yeedhnoo waar baastooladaaad qaado oo naga tag ayaan idhi , cidna ugumaan uyeedhin, madaxa iyo minjaha ayuu I qaaday, waxaanan ku idhi waan ku cafiyee iska tag, markaas waxba uma haysto waana iga cafis.\u201d<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargaysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN) Siyaasiga caanka ah ee Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, oo ka tirsan xisbiga Waddani ayaa beeniyay warar la isla dhex marayo oo sheegaya inuu guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro kula tartami doono jagada murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani dhexdiisa. Dr. Gaboose, oo u waramay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay inaanu habeena ku fikirin inuu Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro kula [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":16080,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-16069","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-4bb","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16069","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=16069"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/16069\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=16069"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=16069"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=16069"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}