{"id":15980,"date":"2015-12-06T15:27:15","date_gmt":"2015-12-06T15:27:15","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=15980"},"modified":"2015-12-06T15:27:15","modified_gmt":"2015-12-06T15:27:15","slug":"madaxtooyada-oo-jawaab-adag-ka-bixisay-hadalo-kasoo-yeedhay-masuuliyiinta-xisbiga-wadani","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/12\/06\/madaxtooyada-oo-jawaab-adag-ka-bixisay-hadalo-kasoo-yeedhay-masuuliyiinta-xisbiga-wadani\/","title":{"rendered":"Madaxtooyada oo jawaab adag ka bixisay hadalo kasoo yeedhay masuuliyiinta Xisbiga Wadani"},"content":{"rendered":"<p>Hargaysa (AN) Madaxtooyada Somaliland oo jawaab adag ka bixisay hadal ka soo yeedhay xisbiga Waddani<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Date: &#8211; 06 12\/\/2015<\/p>\n<p>WAR-SAXAAFADEED<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Jawaab la xidhiidha Eedayn culus iyo Aflagaado Qaawan oo uu Xisbiga Waddani u soo jeediyey Xukuumadda, Xisbiga Kulmiye iyo Dawladda Hoose ee Gabiley\u00a005.12.2015.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Siyaasadda hagta Xisbi Qaran oo Mucaarid ah waxay u baahantahayHayal-samaan,\u00a0Argti iyo Farsamo Siyaasadeed\u00a0oo xeel-dheer taasoo salka ku haysa\u00a0Daacadnimo,\u00a0Run-sheegnimo,Dulqaad,\u00a0Hadaf iyo Himilo\u00a0Siyaasadeed oo Qaran lagu dhiso Ummadna lagu hoggaamiyo.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Hadafka iyo himilada Siyaasadeed ee haga Xisbi Qaran oo Mucaarid ah way ka qoto dheer tahay caadifad, shaqsi weerar, aargoosi-siyaasadeed iyo in xumaan lagu dhex abuuro Bulsho weynta Jamh. Somaliland ee nabadda iyo samaha jecel. Dhinaca kale, kasbasha kalsoonida shacbigu waxay lagama maarmaan u tahay ka rumaynta himilada iyo hiigsiga siyaasadeed ee uu leeyahay Xisbi kasta oo tartan ugu jira hanashada Hoggaanka Dalka.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Haddaba, waxaynu si joogto u maqalnaa hadallo iyo dhawaaqyo isugu jira\u00a0dhalliilo iyo dhaleecayn xad-dhaaf ah\u00a0oo aan sal iyo raad toona lahayn oo ay Xukuumadda u soo jeedinayaan saraakiil xilal sare ka haya Xisbiga Mucaaridka ah eeWADDANI. Dhaliisha ay soo jeedinayaan Madaxda iyo saraakiisha\u00a0Xisbiga WADDANI\u00a0kuma salaysna xaqiiqo dhab ah oo jirta, sidoo kale ma daliishadaan baylah jirta, hagrasho iyo dhalliilo muuqda oo ay shacbigu uga garaabi karaan.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Waxaynu hadh iyo habeenba noocyada kala duwan ee war-baahinta ka maqalnaa ama ka aragnaa haddallo xad-gudub iyo deelqaafba ku ah cirdiga iyo sharafta M\/weynaha Qaranka iyo Qoyskiisa, Xukuumaddiisana lagu weerarayo, taasoo dhaqan iyo caadaba u noqotayXisbiga WADDANI.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Tusaale ahaan hadallada\u00a0meel ka dhaca, maan-gadka iyo karaamo darradaba ku ah Hannaanka Xisbinimada ee lagu sheegay War-saxaafadeedkii uu shalay (05.12.2015) soo saaray Xisbiga Waddani waxa ka mid ahaa: \u201cSaddexanka isku-raranta aan la mahadin ee kala ah Xukuumadda, Xisbiga Kulmiye iyo Dawladda Hoose ee Gebilay, dheecaankii wadhatada laga soo nuugay ayay qorshayaal dhagareed ku maal-gelinayaan. Ceebtood ma aha ee waa caadadood.\u201d<\/p>\n<p>\u201cFarriimahan sadhaysan, xajiimaysan ee xanafta leh ee doollarka lagu laabayaa waxay horseed u yihiin in dalku kala googo&#8217; oo qolaba meel sheegato sidaasna Xisbinnimadu ku baaba&#8217;do!\u201d<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Farriimaha kale ee lagu\u00a0 sheegay war-saxaafadeedkii uu X isbiga WADDANI shalay soo saaray oo run ahaantii gef ku ahaa\u00a0caqliga suuban iyo garashada feyow ee ummaddeena iyo weliba magaca, sharafta, wadajirka iyo dareenka ummadnimo ee mideeya bulshada samaha jecel ee\u00a0Jam.Somaliland,\u00a0waxa ka mid ahaa:\u00a0\u201cXukuumadda iimaanka-daran ee miyi iyo magaalaba murdisay waxa ku fillaa in ay soo bandhigto waxqabadkeedii 7da sannadood ee ay xilka haysay oo ay ku ladho ballan-qaad kale. Waa fursad annaan helin annagu oo ay na dheer yihiin.\u201d<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>\u201cDhaqan-xumada iyo dhalan-darrada reer Gebilay uma ay dhalan ee waxa baday xukuumaddan abaalka daran ee dhaqanka suubban iyo akhlaaqiyaadka diineedba ka arradan.\u201d<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Falalka dhaqan-xumada ah ee lagaga hadlay war-saxaafadeedkaa yool habaabay ee uu shalay sii daayay Xisbiga WADDANI, Xukuumadda JSL ee uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Silaanyo wax shaqo kuma laha abaabulka iyo suurto gelinta falalkaa iyaga ah, cid kasta oo ku kacda falalkaa noocaas ahna Xukuumaddu way ka soo horjeedaa.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Xisbi uu hunguri ka hayo hanashada hoggaanka dalka ugu sarreeya, looma baahna inuu isaga laftiisu carqalad ku noqdo wax kasta oo horumar iyo wanaag ah oo ummadda u soo kordha, cid kastaba ha qabatee. Nasiib darro,\u00a0Xisbiga WADDANI\u00a0wuxuu mar walba u tafo-xaydan yahay in tallaabo kasta oo xagga wanaagsan loo qaado ay ummadda ugu tarjumaan sida qaldan, si shacbiga iyo Xukuumadda la iskaga horkeeno. Hab-dhaqanka noocan ah waxa uu keliya sii fogaynayaa kalsoonida ay bulshadu ku qabto\u00a0Xisbiga WADDANI\u00a0iyo taageerada ay Xisbi ahaan ka filan karaan cod-bixiyeyaasha oo iyagu ah kuwa ay ku xidhantahay guusha iyo guul-darrada Xisbi kasta.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Guntii iyo gebagabadii,\u00a0Hamuumta\u00a0loo qabo Kursiga dalka ugu sarreeya laguma hanan karo cay, aflagaado qaawan iyo mucaaridnimo ku salaysan xaalad-abuur.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI waxa looga fadhiyaa:<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Inay la yimaadaan Hadaf iyo Himilo siyaasadeed oo ku salaysan dal jacayl dhab ah, iyagoo\u00a0 mudnaanta iyo muhimadda koowaadba siinaya danta qaranka.<\/p>\n<p>\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Inay ka fogaadaan wax kasto oo magac-xumo, sumcad-darro iyo meel ka dhac ku ah ee haybadda qarankeena.<\/p>\n<p>\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Waxa looga fadhiyaa inay la yimaadaan isku kalsooni, dhaqan-wanaag siyaasadeed si ay quluubta iyo maskaxda bulshada wanaag u gashadaan, balse aanay mar walba la soo taagnaan cay iyo aflagaado\u00a0ka arradan dhaqanka suubban iyo akhlaaqiyaadka diineedba.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>ALLAA MAHAD LEH<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Af-hayeenka Madaxweynaha JSL<\/p>\n<p>Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa (AN) Madaxtooyada Somaliland oo jawaab adag ka bixisay hadal ka soo yeedhay xisbiga Waddani &nbsp; Date: &#8211; 06 12\/\/2015 WAR-SAXAAFADEED &nbsp; Jawaab la xidhiidha Eedayn culus iyo Aflagaado Qaawan oo uu Xisbiga Waddani u soo jeediyey Xukuumadda, Xisbiga Kulmiye iyo Dawladda Hoose ee Gabiley\u00a005.12.2015. &nbsp; &nbsp; Siyaasadda hagta Xisbi Qaran oo Mucaarid ah waxay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":15981,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_publicize_message":"","jetpack_publicize_feature_enabled":true,"jetpack_social_post_already_shared":true,"jetpack_social_options":{"image_generator_settings":{"template":"highway","default_image_id":0,"font":"","enabled":false},"version":2},"jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-15980","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_publicize_connections":[],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-49K","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15980","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=15980"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15980\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=15980"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=15980"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=15980"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}