{"id":15923,"date":"2015-12-03T08:16:46","date_gmt":"2015-12-03T08:16:46","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=15923"},"modified":"2015-12-03T08:16:46","modified_gmt":"2015-12-03T08:16:46","slug":"dahabshiil-group-oosoo-bandhigay-guulaha-laga-gaadhay-barmaamujka-kobcinta-ganacsiga-yar-yar-sawiro","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/12\/03\/dahabshiil-group-oosoo-bandhigay-guulaha-laga-gaadhay-barmaamujka-kobcinta-ganacsiga-yar-yar-sawiro\/","title":{"rendered":"Dahabshiil Group oosoo bandhigay Guulaha laga gaadhay Barmaamujka Kobcinta Ganacsiga yar yar + Sawiro"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa(AN)-Shirkadda Dahabshiil Group, ayaa soo bandhigtay guulaha laga gaadhay barmaamijka MicroDahab ee kobcinta ganacsiyada yaryar, kaas oo muddo sannad ah oo uu shaqaynayey horumar wayn ka sameeyey kor-u-kaca dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka dalka.<\/p>\n<p>Xaflad ballaadhan oo sannad-guurada koowaad ee barmaamijka MicroDahab loogu sameeyey huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa maanta, kaas oo tan iyo markii la bilaabay shaqadiisa sannadkii 2014-kii maalgalin ku sameeyey lacag ka badan hal milyan oo dollar oo ay ka faa\u2019iidaysteen in ka badan saddex kun oo ganacsiyo yaryar oo dadka baahani leeyihiin ah, iyadoo madashaasi loogu xafladeeyeyna ay ka qaybgaleen Maareeyaha guud ee shirkadaha Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid iyo madaxda qaybaha Dahabshiil Group, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cali Maxamuud<\/p>\n<div>Axmed, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Cabdillaahi X. Jaamac, madax kale, ganacsatada guulaha ka gaadhay maalgelinta mashruucan oo abaalmarino la siiyey iyo marti sharaf kal<\/div>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<table border=\"1\" cellspacing=\"1\" cellpadding=\"1\" align=\"center\">\n<tbody>\n<tr>\n<td><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"http:\/\/i2.wp.com\/hadhwanaagnews.ca\/attached\/1%28687%29.jpg?w=620\" alt=\"\" width=\"371\" height=\"246\" \/><\/td>\n<td><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"http:\/\/i0.wp.com\/hadhwanaagnews.ca\/attached\/m2%2852%29.jpg?w=620\" alt=\"\" width=\"294\" height=\"195\" \/><\/td>\n<\/tr>\n<tr>\n<td><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"http:\/\/i1.wp.com\/hadhwanaagnews.ca\/attached\/m3%2843%29.jpg?w=620\" alt=\"\" width=\"294\" height=\"195\" \/><\/td>\n<td><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"http:\/\/i0.wp.com\/hadhwanaagnews.ca\/attached\/m4%2842%29.jpg?w=620\" alt=\"\" width=\"294\" height=\"195\" \/><\/td>\n<\/tr>\n<tr>\n<td><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"http:\/\/i0.wp.com\/hadhwanaagnews.ca\/attached\/m5%2833%29.jpg?w=620\" alt=\"\" width=\"371\" height=\"246\" \/><\/td>\n<td><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"http:\/\/i2.wp.com\/hadhwanaagnews.ca\/attached\/m6%2828%29.jpg?w=620\" alt=\"\" width=\"294\" height=\"195\" \/><\/td>\n<\/tr>\n<\/tbody>\n<\/table>\n<p>Maareeyaha guud ee shirkadaha Dahabshiil Group Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid oo khudbad ka jeediyey furitaankii xafladdaasi, ayaa faahfaahin ka bixiyey mashruuca MicroDahab oo uu sheegay inuu yahay mid ay ugu talogaleen in lagu taageero dadka danyarta ah ee ganacsiyada yaryar leh, isla markaana aan haysan cid caawimo siisa.<\/p>\n<p>Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, \u201cBarmaamijkan waxa uu taageeraa baayac-mushtariga yaryar ee ay leeyihiin dadka baahan ee xooggooda maala oo laga yaabo inay u baahdaan dhawr kun oo doollar oo ay ku bilaabaan ama ku xoojiyaan ganacsiyadooda, tusaale ahaan dadka beeralayda ee khudradda lagu isticmaalo magaalooyinka beera, dumarka ka ganacsada qurxinta cillaanka ama Xinnaha ay marsadaan haweenku, kuwa xoolaha iibiya, dawaarka dharka tola iyo ganacsiyada yaryar ee kale waxay ka mid yihiin kuwa ka faa\u2019iidaystay barmaamijkan MicroDahab ee Dahabshiil sii maalgeliyo. Markaa ilaa saddex kun iyo shan boqol oo ganacsatadaa yaryar ah ayaa ka faa\u2019iidaystay oo Dahabshiil amaahisay lacagta.\u201d<\/p>\n<p>Waxa kaloo uu u ballanqaaday dhallinyarada iyo dadka kale ee danaynaya inay abuuraan ganacsiyo in Dahabshiil Group diyaar u yahay oo mar walba qaybta maalgelintu u furan tahay.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Mr. Fu\u2019aad Axmed Nuux oo ah Maamulaha e-Dahab ee adeegga lacagaha lagu isticmaalo telefoonnada gacanta ama moobillada iyo Cabdiraxmaan Cismaan oo ka tirsan qaybta maalgelinta MicroDahab ee Dahabshiil oo iyaguna ka hadlay halkaasi, ayaa ka warramay barmaamijkan oo ujeeddada shirkaddu ku lahayd abuuristiisu ahayd in la yareeyo shaqo la\u2019aanta iyo dhibaatooyinka ka dhasha ee dhallinyaradu la kulmaan, kobcinta dhaqaalaha guud, in bulshadu wax ka barato isticmaalka nidaamka baananka iyo dhiirigelinta hal-abuurka ganacsi, kuwaas oo muddo sannad ah oo uu shaqaynayey ay ka faa\u2019iidaysteen ilaa saddex kun iyo shan boqol oo ganacsiyo yaryar oo qiyaastii ay ku tiirsan yihiin ilaa 15 kun oo qof. Waxa kaloo ay ka sheekeeyeen qaybaha kale ee shirkadaha Dahabshiil Group iyo adeegyada ay qabtaan, gaar ahaan qaybta lacagta lagu isticmaalo telefoonnada ee e-Dahab oo ay sheegeen inuu horumar wayn ku soo kordhiyey dalka.<\/p>\n<table border=\"1\" cellspacing=\"1\" cellpadding=\"1\" align=\"center\">\n<tbody>\n<tr>\n<td><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"http:\/\/i1.wp.com\/hadhwanaagnews.ca\/attached\/m7%2818%29.jpg?w=620\" alt=\"\" width=\"294\" height=\"195\" \/><\/td>\n<td><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"http:\/\/i0.wp.com\/hadhwanaagnews.ca\/attached\/m8%2815%29.jpg?w=620\" alt=\"\" width=\"294\" height=\"195\" \/><\/td>\n<\/tr>\n<tr>\n<td><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"http:\/\/i1.wp.com\/hadhwanaagnews.ca\/attached\/m9%2811%29.jpg?w=620\" alt=\"\" width=\"294\" height=\"195\" \/><\/td>\n<td><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"http:\/\/i0.wp.com\/hadhwanaagnews.ca\/attached\/m10%2811%29.jpg?w=620\" alt=\"\" width=\"294\" height=\"195\" \/><\/td>\n<\/tr>\n<tr>\n<td><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"http:\/\/i0.wp.com\/hadhwanaagnews.ca\/attached\/m11%2812%29.jpg?w=620\" alt=\"\" width=\"371\" height=\"247\" \/><\/td>\n<td><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"http:\/\/i0.wp.com\/hadhwanaagnews.ca\/attached\/m12%286%29.jpg?w=620\" alt=\"\" width=\"294\" height=\"196\" \/><\/td>\n<\/tr>\n<\/tbody>\n<\/table>\n<p>Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cali Maxamuud Axmed (Cali-Sandulle) iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland Cabdillaahi X. Jaamac Cali, ayaa soo dhaweeyey horumarka mashruucan MicroDahab gaadhay oo ay ku ammaaneen shirkadda Dahabshiil iyo madaxdeeda hal-abuur iyo lexejeclo waddaniyadi ku dheehan tahay oo waxtarkiisu qiimo aad u wayn u leedahay dalka iyo dadkaba, waxaanay ugu baaqeen shacabka, gaar ahaan dhallinyarada inay ka faa\u2019iidaystaan fursaddan qaaliga ah ee shirkadda Dahabshiil u diyaarisay, halka iyaguna ka ballanqaadeen in dawlad ahaan wixii dhankooda kaga soo beegma ay diyaar ula yihiin gacan-siinta iyo wax-la-qabashada mashruucan.<\/p>\n<p>\u201cMaalgelintan MicroDahab, runtii mashruuc ka qiimo badan oo la hirgelin lahaa sida uu dalkeennu yahay maanta markaan eego inuu jiro u malayn maayo, waayo waa mashruuc ganacsigii yaryaraa oo dhan taageeraya noocuu doonaba ha noqdeen ee aan hore u haysan cid caawimo siisa, waa wax aad loogu bogaadiyo shirkadda Dahabshiil.\u201d Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Md. Cabdillaahi Jaamac.<\/p>\n<table border=\"1\" cellspacing=\"1\" cellpadding=\"1\" align=\"center\">\n<tbody>\n<tr>\n<td><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"http:\/\/i0.wp.com\/hadhwanaagnews.ca\/attached\/m13%288%29.jpg?w=620\" alt=\"\" width=\"294\" height=\"196\" \/><\/td>\n<td><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"http:\/\/i0.wp.com\/hadhwanaagnews.ca\/attached\/m14%287%29.jpg?w=620\" alt=\"\" width=\"294\" height=\"196\" \/><\/td>\n<\/tr>\n<tr>\n<td><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"http:\/\/i1.wp.com\/hadhwanaagnews.ca\/attached\/m15%286%29.jpg?w=620\" alt=\"\" width=\"294\" height=\"196\" \/><\/td>\n<td><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"http:\/\/i0.wp.com\/hadhwanaagnews.ca\/attached\/m10%2812%29.jpg?w=620\" alt=\"\" width=\"372\" height=\"247\" \/><\/td>\n<\/tr>\n<\/tbody>\n<\/table>\n<p>Dhinaca kale, waxa xafladdaasi abaalmarinno lagu guddoonsiiyey ilaa tabaneeyo qof oo hormuud u noqday ganacsatada ka midho-dhaliyey maalgelinta Dahabshiil siisay, kuwaas oo sameeyey ganacsiyo ay ka mid yihiin; beero, alaabta hiddaha iyo dhaqanka, shaqo-abuurka dhallinyarada, tamarta la cusboonaysiiyo ee Cadceedda (Solar Energy), waxbarashada iyo baayac-mushtariyo kale, iyadoo filimo muuqaallo laga sameeyey qaar ka mid ah ganacsiyadaasi lagu soo bandhigay xafladda.<\/p>\n<p>\u201cAniga oo ka shaqaysta alaabta qalabka Hiddaha iyo Dhaqanka, ayaa Dahabshiil ii soo xoojiyey waxa uu ii maalgeliyey soddon qof oo dumar ii shaqeeya ah, waxa maalintii ii shaqeeya saddex rag ah oo sameeya Kambadhada lagu fadhiisto ee Saanta xoolaha iyo Qoriga ah, kuwaas oo shantii maalmoodba sameeya boqol xabbo oo aannu iibino. Markaa ciddii doonaysa inay shaqaysato waa inay la xidhiidho Dahabshiil oo diyaar u ah.\u201d Sidaa waxa tidhi Marwo Suleekha Cabdillaahi Cali oo ka mid ahayd ganacsatada abaalmarinta la siiyey.<\/p>\n<p>Waxa kaloo madasha ka hadlay Mr. Simon Karunditu oo ka socday shirkad ka shaqaysa taageerida ganacsiyada Afrika (Africa Enterprise Challenge Fund) oo ka mid ah hay\u2019adaha wadashaqaynta ay leeyihiin shirkadda Dahabshiil Group.<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargaysa Office<\/p>\n<p>info@arabsiyonews.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(AN)-Shirkadda Dahabshiil Group, ayaa soo bandhigtay guulaha laga gaadhay barmaamijka MicroDahab ee kobcinta ganacsiyada yaryar, kaas oo muddo sannad ah oo uu shaqaynayey horumar wayn ka sameeyey kor-u-kaca dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka dalka. Xaflad ballaadhan oo sannad-guurada koowaad ee barmaamijka MicroDahab loogu sameeyey huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa maanta, kaas oo tan iyo markii la bilaabay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":15924,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_publicize_message":"","jetpack_publicize_feature_enabled":true,"jetpack_social_post_already_shared":true,"jetpack_social_options":{"image_generator_settings":{"template":"highway","default_image_id":0,"font":"","enabled":false},"version":2},"jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-15923","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_publicize_connections":[],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-48P","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15923","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=15923"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15923\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=15923"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=15923"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=15923"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}