{"id":15868,"date":"2015-11-30T16:00:06","date_gmt":"2015-11-30T16:00:06","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=15868"},"modified":"2015-11-30T16:00:06","modified_gmt":"2015-11-30T16:00:06","slug":"cirro-iyadoo-aan-la-aqoon-ayaan-somaliland-dusha-ka-saarayeng-faysal-cali-waraabe","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/11\/30\/cirro-iyadoo-aan-la-aqoon-ayaan-somaliland-dusha-ka-saarayeng-faysal-cali-waraabe\/","title":{"rendered":"\u201cCIRRO IYADOO AAN LA AQOON AYAAN SOMALILAND DUSHA KA SAARAY\u201dENG FAYSAL CALI WARAABE"},"content":{"rendered":"<div class=\"newscontent\">\n<p>Hargeysa (AN) Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa si adag u naqdiyay Guddoomiyaha xisbiga WADDANII, ahna guddoomiyaha golaha wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo uu ku sifeeyay\u00a0 inuu yahay shakhsi abaal laawe ah.<\/p>\n<p>Faysal Cali Waraabe\u00a0\u00a0waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu shalay siiyay laanta afsoomaaliga ee Idaacadda\u00a0 BBC-da,\u00a0 isaga oo ku sugan dalka Angola, waxaanu sheegay in guddoomiye Cirro u soo raacay dawlado shiisheeye oo aanu magac dhabin, si loo\u00a0\u00a0burburiyo xisbiga UCID.<\/p>\n<p>\u201cXisbigan UCID qaranka ayaan u sameeyay, Cirro isaga ayaa igu kibray, isaga oo aan la aqoon ayaan Somaliland dusha ka saaray ilamuu shaqayn, tolkiina cod imuu siin. Cabdiraxmaan Cirro waxa uu ii soo raacay waddamo shisheeye, si loo burburiyo xisbiga UCID,\u201dayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID.<\/p>\n<\/div>\n<p>Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu naqdiyay murashaxa jagada madaxweynaha ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen.\u00a0 \u201cJamaal waanu sharafnay wax allaale wax uu soo kordhiyay ma jirto. Saddex sanno ka hor ayaan nidhi murashax ayaad tahay, xisbigu wuu eegayaa cida murrashax u noqonaysa,\u201dayuu ku dooday Eng. Faysal Cali Waraabe.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha xisbiga UCID waxa uu sheegay in ay qiimayn ku samayn doonaan cidda u qalmaysa in ay xisbiga u tartanto, waxaanu yidhi \u201cFacebook-na layskuma sharaxo, waxaanu xisbigu u baahan yahay tacab, markaa\u00a0\u00a0tacab uu geliyayna ma jiro, waana qiimaynaynaa xisbiga. labadaa nin waanu sharaxnay haddii aanu sharaxnayna wakhti ayay ahayd imikana wakhtigu waa is bedalay, Salaad walbana wakhtigeeda ayaa la tukudaa, markaa waa qiimaynaynaa qof kasta oo madax ahna waa la qiimeeyaa.\u201d<\/p>\n<p>Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in uu ilaaliyo wixii danta Somaliland ah waxaana uu yidhi \u201cXisbiga qofkii hore ugu jiray iyo kii soo galay-ba waa la qiimaynayaa. Anigu qof ma wato, dacayadahaas socdana ma aqaano.\u201d<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargaysa Desk<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN) Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa si adag u naqdiyay Guddoomiyaha xisbiga WADDANII, ahna guddoomiyaha golaha wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo uu ku sifeeyay\u00a0 inuu yahay shakhsi abaal laawe ah. Faysal Cali Waraabe\u00a0\u00a0waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu shalay siiyay laanta afsoomaaliga ee Idaacadda\u00a0 BBC-da,\u00a0 isaga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-15868","post","type-post","status-publish","format-standard","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-47W","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15868","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=15868"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15868\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=15868"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=15868"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=15868"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}