{"id":15806,"date":"2015-11-25T18:01:46","date_gmt":"2015-11-25T18:01:46","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=15806"},"modified":"2015-11-25T18:01:46","modified_gmt":"2015-11-25T18:01:46","slug":"digreetadii-madaxweyne-siilaanyo-ku-mamnuucay-bacaha-oo-dhaqan-gali-wayday-iyo-wasiir-shukri-oo-rugta-ganacsiga-iyo-dawladdaha-saartay-masuuliyadda-isticmaalka-bacaha-ilaa-wahtigan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/11\/25\/digreetadii-madaxweyne-siilaanyo-ku-mamnuucay-bacaha-oo-dhaqan-gali-wayday-iyo-wasiir-shukri-oo-rugta-ganacsiga-iyo-dawladdaha-saartay-masuuliyadda-isticmaalka-bacaha-ilaa-wahtigan\/","title":{"rendered":"Digreetadii Madaxweyne Siilaanyo Ku Mamnuucay Bacaha Oo Dhaqan Gali Wayday iyo Wasiir Shukri Oo Rugta Ganacsiga iyo Dawladdaha Saartay Masuuliyadda Isticmaalka Bacaha Ilaa Wahtigan"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa(AN)-Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandarre, ayaa sheegaysa in ganacsatadu si qarsoodi ah u soo galiso dalka Bacaha madaxweyne Siilaanyo wakhti sii horaysay mamnuucay. Digreetada Madaxweynaha ayaan dhaqan galin, waxaana si caadi ah loo isticmaalaa bacaha, inkasta oo qiimaheedu kor u kacay.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/11\/shug.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-15809\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/11\/shug.jpg?resize=200%2C111\" alt=\"shug\" width=\"200\" height=\"111\" \/><\/a><\/p>\n<p>\u201cMadaxweynuhu waxa uu soo saaray digreetadan in wax laga qabto isticmaalka bacaha oo lagu joojiyo, dadka ganacsatada ah waanu u yeedhnay, waxaanu farnay farriimo iyo digniino culus in qofkii bacda lagu qabto in sharciga lala tiigsanayo, muddana waa la siiyay in ganacsatadu keento wixii lagu bedalayay, dad badan ayaa ka jawaabay oo keenay wixii lagu bedalayay bacda oo ay dadkii isticmaalaan, Ganacsatadda muddo ayaa la siiyay markii la mamnuucay isticmaalka bacaha, balse baco kale ayay dalka soo galiyeen. Ganacsatadu waxa kale oo ay ku doodeen in wakhti kale la siiyo, ilaa maantana waa taa la isticmaalayo,\u201dayay tidhi Wasiirka deegaanku oo Dawan la hadashay.<\/p>\n<p>Marwo Shugri waxa ay tilmaantay in rugta ganacsigu ka gaabisay kaalintii ay ku lahayd joojinta isticmaalka bacda waxaanay tidhi \u201cWaxaana markii hore nala riixayay in wakhti la siiyo ganacsatadda rugta ganacsiga, iyaga ayaa Berbera taagnaa, maantana waxa loo baahan yahay in rugta ganacsigu inay nala hawl-galaan oo kaalintoodii ka soo baxaan oo ganacsatada keenaya bacaha qaladkooda ka qabtaan oo xooga saaraan ayaa loo baahan yahay.\u201d<\/p>\n<p>Waxay sidoo kale sheegtay inaanay ganacsatadu ka fikirayn dhibka bacda balse ay jeebkooda danaynayaan\u201cGanacsatadu waxa ay ka fikirayaan jeebkooda waxa galaya ee kama fikirayaan dhibaatada ay bacdu leedahay, way qaali garowday, sababtu waxa weeye qarsoodiga ay dalka ku soo galayso,\u201dayay Wasiir Shugri ku dooday.<\/p>\n<p>Marwo Shurgri waxa kale oo ay sheegtay in dawladaha hoose ka gaabiyeen ganaaxii ay saari lahaayeen dadka soo dejinaya bacaha waxaanay tidhi \u201cDawladaha hoose waxa ay ka gaabiyeen ganaaxii ay saari lahaayeen dadkan bacda keenaya, weli bacdii ayaa soconaysa, dawladaha hoose qudhooduna, Hargeysa oo kale waxa laga yaabaa in askartu ku yar tahay, markaa waxa aanu ku heshiinay in askarta ciidanka qaranku kala shaqeeyaan arrintan oo booliska la kordhiyo oo la qaado olole is daba joog ah oo lagu joojinayo bacaha oo ganaax badan la saaro, markaasaa dadku damqanayaan oo ganacsatadu keenaysaa wixii lagaga maarmayay bacda.\u201d<\/p>\n<p>\u201cWaxaanad moodaa in shacabku aanay ka fikirayn caafimaadkooda iyo noloshooda qofku marku wali bacdii wax ku ridayo ee deegaankii kharibaysa, waxaan aan leeyahay ninka bakhaarkiisa lagu qabto iyadoo baci taalo waxa aan taaganahay bakhaarka ha laga xidho oo bil ha xidhnaado, markaas ayuu arkayaa dhibka oo dhaqan gelinayaa amarka dawladda,\u201d ayay tidhi Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare.<\/p>\n<p>Wasiirka deegaanka oo hadalkeeda sii wadatay waxay tidhi \u201cQofka suuqa la maraya ee sita bacda waa in ganaax ay mutaystaan, in laga gaabiyona maaha, dekeda Berbera waa laga joojiyay in bacdu ka soo degto saddexdii koontiinar ee ugu dambeeyay ee ganacsatadda loo sii daayay kuwii ayaa kollay suuqa soo galay oo way dhammaan lahayde waa in la baadho gawaadhida ka imanaya Puntland iyo kuwa ka imanaya dalalka kale ee aynu jaarka nahay oo kuwa Berbera ka soo galaya dib loo eego oo la baadho.\u201d<\/p>\n<p>Wasiirku waxa kale oo ay sheegtay in wasaarada maaliyadu xil iska saartay in aanay bacdu dalka soo galin waxaaanay tidhi \u201cWasaarada maaliyadu xil ayay iska saartay in aanay bacdu dalka soo gelin oo la joojiyo.\u201d<br \/>\nArabsiyonews.com Office Office Gabiley<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(AN)-Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandarre, ayaa sheegaysa in ganacsatadu si qarsoodi ah u soo galiso dalka Bacaha madaxweyne Siilaanyo wakhti sii horaysay mamnuucay. Digreetada Madaxweynaha ayaan dhaqan galin, waxaana si caadi ah loo isticmaalaa bacaha, inkasta oo qiimaheedu kor u kacay. \u201cMadaxweynuhu waxa uu soo saaray digreetadan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":15809,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-15806","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-46W","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15806","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=15806"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15806\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=15806"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=15806"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=15806"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}