{"id":15794,"date":"2015-11-25T10:59:58","date_gmt":"2015-11-25T10:59:58","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=15794"},"modified":"2015-11-25T10:59:58","modified_gmt":"2015-11-25T10:59:58","slug":"xafladda-soo-bandhigidda-barnaamij-siyaasadeedka-xisbiga-waddani-oo-hargeysa-lagu-qabtay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/11\/25\/xafladda-soo-bandhigidda-barnaamij-siyaasadeedka-xisbiga-waddani-oo-hargeysa-lagu-qabtay\/","title":{"rendered":"Xafladda Soo Bandhigidda Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga WADDANI oo Hargeysa Lagu Qabtay"},"content":{"rendered":"<h1><span class=\"d_red\">Xafladda Soo Bandhigidda Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga WADDANI oo Hargeysa Lagu Qabtay<\/span><\/h1>\n<p>Hargeysa(arabsiyo):-Xaflad ballaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay isla mar ahaantaana lagu soo bandhigaayo barnaamij siyaasadeedka uu xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu ku geli doono doorashoyinka la filaayo in ay dalka ka qabsoomaan horraanta 2017ka, ayaa hadda si rasmi ah uga furantay hotel Guuleed ee magaalada Hargeysa.<\/p>\n<p><img s alt=\"Displaying IMG_6191.JPG\" \/><\/p>\n<p>Waxaana ka soo qeyb-galay guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland\u00a0 ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), hoggaanada xisbiga, guddida fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta, xildhibbaano, mas\u2019uuliyiinta iyo ardayda jaamacadaha dalka, madax-dhaqameed, wax-garad, aqoonyahan, culimaa-awdiin, ganacsato, iyo taageerayaal kale oo aad u tira badan.<\/p>\n<p><img s alt=\"Displaying IMG_6288.JPG\" \/><\/p>\n<p>Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan Cirro, oo ugu horeyn furay munaasibaddii shirka, ayaa si sheegay in barnaamijkan uu soo bandhigaayo xisbiga WADDANI aanu ahayn mid ka yimi fikir gaara oo cid kali ahi iska leedahay, waxaana uu tilmaamay in laga soo uruuriyey garaadka iyo afkaarta kala duwan ee dhammaanba qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliland, isaga oo carabka ku dhuftay in barnaamijkani uu guud ahaan dalka u horseedi doono horumar, caddaalad, sinnaan iyo in ay Somaliland bulshada caalamka ka hesho ictiraaf buuxa.<\/p>\n<p><img s alt=\"Displaying IMG_6292.JPG\" \/><\/p>\n<p><img s alt=\"Displaying IMG_6290.JPG\" \/><\/p>\n<p><img s alt=\"Displaying IMG_6289.JPG\" \/><\/p>\n<p>\u201cBarnaamijkani maaha feker qof keliya, waa isu-geynta garaadkeenna iyo afkaarteenna, cidii aan u hore uga dhiiban fekerkooda gacmo furan baan lagu soo dhaweeynayaa ka qayb qaadashadooda, waana u furan tahay dhamaan xubnaha iyo taageerayasha xisbiga iyo shacbi weynaha reer Somaliland, waa badeecad aan wada leenahay.\u201d.Ayuu yidhi guddoomiye Cirro.<\/p>\n<p><img s alt=\"Displaying IMG_6294.JPG\" \/><\/p>\n<p><img s alt=\"Displaying IMG_6296.JPG\" \/><\/p>\n<p>Md.Cabdiraxmaan Cirro, waxaa kale oo uu tilmaamay in barnaamijka xisbiga WADDANI uu ku salaysan yahya mabaadiida guud ee dhaqanka Somaliland iyo sida oo kale illaalinta diinta Islaamka, waxaana uu yidhi:\u201cBarnaamijka siyaasiga ah ee Xisbiga WADDANI \u00a0waxa uu ku saleysan yahay mabaadiida\u00a0 Guud ee xisbigu ku dhisan yahay oo\u00a0 u badbaadinta shacbigiisa \u00a0hantidiisa ugu qaalisan oo ah dhaqankiisa wanaagsan iyo diintiisa Islaamka . Waxa uu u dhisayaa qaran iyo shacbi mideysan oo ka fayow qabyaalad iyo qayb sooc. Barnaamijku wuxuu dalka ku hogaamin doonaa cadaalad, horumar iyo ictiraaf.\u201d.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xafladda Soo Bandhigidda Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga WADDANI oo Hargeysa Lagu Qabtay Hargeysa(arabsiyo):-Xaflad ballaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay isla mar ahaantaana lagu soo bandhigaayo barnaamij siyaasadeedka uu xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu ku geli doono doorashoyinka la filaayo in ay dalka ka qabsoomaan horraanta 2017ka, ayaa hadda si rasmi ah uga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":15795,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-15794","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-46K","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15794","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=15794"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15794\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=15794"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=15794"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=15794"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}