{"id":15779,"date":"2015-11-24T17:28:28","date_gmt":"2015-11-24T17:28:28","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=15779"},"modified":"2015-11-24T17:28:28","modified_gmt":"2015-11-24T17:28:28","slug":"gabay-baroor-diiq-axmed-xasan-cawke-gabay-saxafigii-hoyday","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/11\/24\/gabay-baroor-diiq-axmed-xasan-cawke-gabay-saxafigii-hoyday\/","title":{"rendered":"GABAY BAROOR-DIIQ, AXMED XASAN CAWKE  Gabay: Saxafigii hoyday"},"content":{"rendered":"<p><b><strong>Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile<\/strong><\/b> wuxuu Gabaygan ugu baroor-diiqayaa suxufigii caanka ahaa ee Axmed Xasan cawke oo ku \u00a0geeriyooday magaaladda jigjiga 17\/11\/2015. Wuxuu yidhi sidan:<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Anoo saxin war aan salal ku kacay, subaxdi soo yeedhay<\/p>\n<p>Sariirtaan ka taw idhi\u00a0 hurdadi, seexan kari waayey<\/p>\n<p>Safradaan la toosiyo anoo, soorta dayi waayey<\/p>\n<p>Warkoo sugan naloo sheeg inuu, suxufigii hoyday<\/p>\n<p>Sadrigaan ka naxay iyo qalbiga, ii saldhigi waayey<\/p>\n<p>Iyo samada ciirada ku xidhan, saaka waxa jooga<\/p>\n<p>Safar dheer wadada aan qabsaday, salafka aan daaray<\/p>\n<p>Soohdintii wajaaliyo halkuu, sabi yaraan joogay<\/p>\n<p>Sunsunkiyo gawaadhida cagtaa, socodka dayn weyday<\/p>\n<p>Meydkoo la soo siday jigjiga, surin la eegaayey<\/p>\n<p>Dad saloogan siigada kacdiyo, salawga yeedhaaya<\/p>\n<p>Giddi suuradoodii wajiga, murugadaa saaran<\/p>\n<p>Indhahaa saxaafiga ilmayn, hililiq sooyaalka<\/p>\n<p>Xaq baa yimid Siciidow wadkaan, ruuxna seegayne<\/p>\n<p>Had aan \u00a0saacad laga baaqsan karin, sababta loo raadsho<\/p>\n<p>Uumiyaha sirtaa laga qarshaan, wada sugaynaaye<\/p>\n<p>Salaadii janaasadda dadkaa, sacabka taagaaya<\/p>\n<p>Allahayow adaa saatiree, sahal amuurteene<\/p>\n<p>Eebbow su\u2019aalaha qabriga,\u00a0 qawlka sugan toosi<\/p>\n<p>Sumcad fiicnidiisiyo nimaan cadhadu saaqaynin<\/p>\n<p>Anigoo \u00a0sifayn Karin khalqigu, samoha sheegeene<\/p>\n<p>Dadkow wada sinnaa oo qofnaba, kama santaageyne<\/p>\n<p>Axmed cawke sawdkii dhagaha, sooryo noqonaayey<\/p>\n<p>Ama summadi biibiisidee (BBC), lagaga soocaayey<\/p>\n<p>Iidii inoo soogashaba, sow la tabi maayo?<\/p>\n<p>Surmoseegto hadal aan lahayn, sida u keenaayey<\/p>\n<p>Hibo tebin hal \u00a0uu \u00a0saafi jiray, saaka waan tabiye<\/p>\n<p>Fanka hobalka suurayn wacnidi, midho ku siinaayey<\/p>\n<p>Soomaali waa saaxad madhan, sabankan joognaaye<\/p>\n<p>Safeex uu ahaa bay dadkii, tebi salaanow\u2019e<\/p>\n<p>Surmoseegto hadal aan lahayn, gollaha sooraayey<\/p>\n<p>Iidii inoo soogashaba, sow la tebi maayo?<\/p>\n<p>Xaqa anoo safaadayn marnaba, samadku noo uumay<\/p>\n<p>Siduu doona yeelow adaa, saamaxaad badane<\/p>\n<p>Suxufigii godka u nuur rabbow, saamic baad tahaye<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Aamiin, Aamiin<\/p>\n<p>Mobile: 00252-63-4420532\u00a0\u00a0\u00a0 Email: <a style=\"font-weight: inherit;\" href=\"mailto:saadroodhiile@gmail.com\">saadroodhiile@gmail.com<\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile wuxuu Gabaygan ugu baroor-diiqayaa suxufigii caanka ahaa ee Axmed Xasan cawke oo ku \u00a0geeriyooday magaaladda jigjiga 17\/11\/2015. Wuxuu yidhi sidan: &nbsp; Anoo saxin war aan salal ku kacay, subaxdi soo yeedhay Sariirtaan ka taw idhi\u00a0 hurdadi, seexan kari waayey Safradaan la toosiyo anoo, soorta dayi waayey Warkoo sugan naloo sheeg inuu, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":15780,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[5,3,10],"tags":[],"class_list":["post-15779","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-aragtidda-dadweynaha","category-arimaha-bulshada","category-featured"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-46v","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15779","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=15779"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15779\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=15779"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=15779"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=15779"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}