{"id":15655,"date":"2015-11-21T14:03:57","date_gmt":"2015-11-21T14:03:57","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=15655"},"modified":"2015-11-21T14:03:57","modified_gmt":"2015-11-21T14:03:57","slug":"komishanka-doorashooyinka-oo-maanta-kulan-la-qaatay-gudiga-joogtada-ah-ee-golaha-guurtida","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/11\/21\/komishanka-doorashooyinka-oo-maanta-kulan-la-qaatay-gudiga-joogtada-ah-ee-golaha-guurtida\/","title":{"rendered":"KOMISHANKA DOORASHOOYINKA OO MAANTA KULAN LA QAATAY GUDIGA JOOGTADA AH EE GOLAHA GUURTIDA"},"content":{"rendered":"<div class=\"newscontent\">\n<p>Hargeysa (AN) Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa xarunta golaha guurtida xog waran ku siiyay guddida joogtada ah ee aqalka guurtida. Kulankaasi ayaa lagaga wada hadlay habsami u socodka hawlaha diwaangalinta iyo doorashooyinka ku mudaysan horraanta sanadka 2017-ka.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Ilaa 5 xubnood oo ka mid ah guddida doorashada oo ay hogaaminayaan guddoomiyaha guddida Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo afhayeenka Siciid Cali Muuse, ayaa guddida guurtida uga waramay hawlaha diwaangalinta ay sheegeen in wacyi galintoodii hadda socoto lana filayo inay diwaangalintu bilaamato \u00a0wakhti dhaw oo aanay cayimin.<\/p>\n<\/div>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Guddoomiyaha guddida Eng Cabdiqaadir, ayaa ugu horayn guddida ugu bushaareeyay in qalabka diwaangalintu yahay mid damaanad qaadaya inaanu qofna laba jeer ama ka badan is diwaangalin karrin \u201cMaanta waxaanu idinku wargalinaynaa inaad geed kasta iyo guri kasta gaadhsiisaan inaanay dhacayn diwaangalin laba goor la galo. Sababta aanay u dhacayni waxa weeye qalabka oo mid bu\u2019da isha ayuu sawirayaa iyo wajiga oo labadaas arrimood ayaa is barbar yaala. Bu\u2019da isha markuu sawiro, ka soo qaad milyan iyo laba boqol oo qof inaynu ugu talo galay diwaangalinta, waa laba milyan iyo afar boqol oo indhood, markaa qalabkani muddo aan ka badnayn 5 seken ayuu ku eegayaa intaas oo indhood oo haddii ishaadu la mid noqoto uu sheegayaa halkii uu qofkaasi iska diwaangaliyay,\u201d ayuu yidhi guddoomiyaha Komishanku.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Afhayeenka guddida Siciid Cali Muuse oo isna xog waranka qayb ka ahaa ayaa sheegay in hore ay u xumaadeen diwaangalinno dalka laga qabtay balse hadda ay doonayaan in diwaangalin dhaxal gal ah ay sameeyaan \u201cWaxaanu doonaynaa dalka inaanu ka samayno diwaangalin dhab ah oo qofka da\u2019da 16-ka taagan u suuro galinaysa inuu is diwaangalin karo, oo qofka wiil iyo gabadhba maalinta doorashada haddii da\u2019diisu gaadho 16 u suuro galinaysa inay maalintaas codkooda bixin karaan, taasina waa mid qalabka casriga ahi suurto galinayso oo uu odhanayo qofkaasi waa mid maalinta doorashada ama maalmo ka hor 16 jirsaday<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Mudane ka tirsan guddida ayaa waydiiyay komishanka siday suuro gal u tahay in diwaangalinta iyo doorashadu wada gaadho gobolada Dalka maadaa guddi komishanka ka tirsan dhawaan laga afduubtay Hadaaftimo oo Sanaag ka tirsan, waxayna ku doodeen inaanay taasi waxba u dhimayn qorshahoda \u201cAnagu waxaanu doonaynaa oo naga go\u2019an oo komishan ahaan naga go\u2019an in aanu guud ahaan xuduudaha Somaliland diwaangalinta iyo doorashada gaadhsiinno,\u201d ayuu yidhi Afhayeenka guddida doorashada Siciid Cali Muuse.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN) Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa xarunta golaha guurtida xog waran ku siiyay guddida joogtada ah ee aqalka guurtida. Kulankaasi ayaa lagaga wada hadlay habsami u socodka hawlaha diwaangalinta iyo doorashooyinka ku mudaysan horraanta sanadka 2017-ka. &nbsp; Ilaa 5 xubnood oo ka mid ah guddida doorashada oo ay hogaaminayaan guddoomiyaha guddida Cabdiqaadir Iimaan Warsame [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":7118,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-15655","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-44v","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15655","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=15655"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15655\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=15655"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=15655"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=15655"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}