{"id":15635,"date":"2015-11-19T17:09:00","date_gmt":"2015-11-19T17:09:00","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=15635"},"modified":"2015-11-19T17:09:00","modified_gmt":"2015-11-19T17:09:00","slug":"warbixinsafarka-madax-weyne-siilanyo-ee-bar-bara-oo-shaki-badan-galiyay-shacbiga-ku-dhaqan-magaaladadekada-ber-bera-oo-wareejinteeda-laga-cabsi-qabo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/11\/19\/warbixinsafarka-madax-weyne-siilanyo-ee-bar-bara-oo-shaki-badan-galiyay-shacbiga-ku-dhaqan-magaaladadekada-ber-bera-oo-wareejinteeda-laga-cabsi-qabo\/","title":{"rendered":"Warbixin:Safarka Madax-weyne Siilanyo Ee Bar-bara oo Shaki Badan Galiyay Shacbiga ku dhaqan magaalada+Dekada ber-bera oo wareejinteeda laga cabsi qabo"},"content":{"rendered":"<p>Ber-bera(AN)-Madax-weynaha Somaliland Ayaa Saaka Waxaa uu safar aan hore loo shaacin ugu anbabaxay Magaalada ber-bera ee Xarunta Gobalka Saaxil, Madax-weynaha ayaa waxaa Safarka Ku wahelinayay Masuuliyiin uu ka mid yahay Safiirka Emrite-ka Carabta Danjire baashe Cawil Cumar, Wasiirada Wasaarada maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan, Xildhibaan Nacnac, Khadar Cali Gaas iyo Waliba Masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay Af-hayeenka Madaxtooyada Xuseen Deyr.<br \/>\nAxmed Maxamed (Siilanyo) iyo Waftiga uu hogaaminayay ayaa waxaa ay ka anbabaxeen caasimada hargaysa abaaro 12:30 Duhurnimo, Wax yar kadib Markii ay gaadheen Magaalada ber-bera ayaa duleedka magaalada kaga horyimid dad-weyne ka mida dadka ku dhaqan magaalada iyo Masuuliyiinta Gobalka oo uu u horeeyo Maareeyaha Dekeda Ber-bera Mudane Cali Xoor Xoor, Madax-weynaha iyo Waftigiisa ayaa waxaa loo soo galbiyay dhinacaas iyo Madax-tooyada Magaalada Ber-bera,<br \/>\nSafarka madax-weynaha ayaa waxaa inta badan uu shacbiga ku dhaqan magaalada ber-bera ku abuuray Walaac iyo Cabsi ay ka qabaan in lagu wareejiyo Shirkade shisheeye Dekada Magaalada ber-bera taasi oo warar badan oo ka soo baxaya safarka madax-weynahu sheegayaan in uu qorshaha wareejinta u yimid madama oo uu waftiga madax-weynaha ka mid yahay Danjiraha Emirate-ka oo inta badan looga shaki qabo in gacan uu ka geysto sidii shirkado shisheeye loogu wareejin lahaa dekada taasi oo hadal haynteedu bilooyinkii u danbeeyayba socotay.<br \/>\nArintani ayaa sidoo kale waxaa ay walaac ku dhalisay Xisbiga mucaaradka ah ee Ucid La\u2019aantiisa Magaalada Ber-bera Ee Gobalka Saaxil, waxaana arintaasi ka hadashay Rooda Axmed Yaasiin oo ah Guddomiyaha Xisbiga ee Gobalka Saaxil.<br \/>\nDanjire Baashe Cawil Cumar oo ka mida Qoyska madax-weynaha isla markaasina uu madax-weyne Siilanyo 30 bisha Jun ee Sanadkan aynu ku guddo jirno u magacaabay Wakiilka Dalka Iskutaga Imaradka Carabta ayaa ilo-wareedyo u dhuundaloola sababaha Madax-weynaha ku Kaliftay Wiil ka soo jeeda Qoyskiisa in uu Xilkaasi u dhiibo, ayaa lagu sheegay in shirkado Dalka Emirate-ka Carabta Ka jira iyo Kuwo Kale oo Aad u Daneynaya Dekada ber-bera Maamulkeeda in uu Kulamo La Yeeshay Kalana Sheekaystay Arimaha Dekada ber-bera, Balse Ma Cada ilaa hada shirkada la rabo in xukumadu ku wareejiso dekedaasi oo ka mida dekadaha Ugu Weyn Geeska Africa.<br \/>\nXukumada Madax-weyne Siilanyo hogaaminayo ayaa waxaa ay Hore u Wareejisay Haamaha shidaalka Magaalada Ber-bera 19 bisha October ee sanadka aynu ku guddo jirno, Golaha Sharci-dajinta Somaliland ayaana Laalay Mooshinkaasi Xukumadu Ku rabtay in Haamasaasi Ay ku wareejiyaan taasi oo sababtay in Xukumadu Si badheedha u Wareejiso.<br \/>\nHadaba madax-weynaha Somaliland iyo Waftigan uu hogaaminaayo ee ber-bera ku sugan ayaa Safarkan Aan hore u shaacin iyada oo warar Ay madax-tooyadu safarka madax-weynaha ka soo direena ku sheegen in safarkani khaas u yahay madax-weynaha balse ma cada in shirkade shisheeye gacanta loo galiyo Dekeda magaalada Ber-bera.<br \/>\nMadax-weynaha Somaliland iyo Xukumadiisa ayaa Waxaa ay ku jirtaa Xili muddadii loo kordhiyay ay gabaabsi ku dhawdahay.<br \/>\nStaff Arabsiyo News<br \/>\nUK\/Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ber-bera(AN)-Madax-weynaha Somaliland Ayaa Saaka Waxaa uu safar aan hore loo shaacin ugu anbabaxay Magaalada ber-bera ee Xarunta Gobalka Saaxil, Madax-weynaha ayaa waxaa Safarka Ku wahelinayay Masuuliyiin uu ka mid yahay Safiirka Emrite-ka Carabta Danjire baashe Cawil Cumar, Wasiirada Wasaarada maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan, Xildhibaan Nacnac, Khadar Cali Gaas iyo Waliba Masuuliyiin kale oo uu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":15619,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-15635","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-44b","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15635","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=15635"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15635\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=15635"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=15635"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=15635"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}