{"id":15548,"date":"2015-11-18T16:24:20","date_gmt":"2015-11-18T16:24:20","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=15548"},"modified":"2015-11-18T16:24:20","modified_gmt":"2015-11-18T16:24:20","slug":"diyaaradii-ruushka-ee-ku-burburtay-dalka-masar-oo-la-xaqiijiyay-in-lagu-soo-riday-qarax-bam","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/11\/18\/diyaaradii-ruushka-ee-ku-burburtay-dalka-masar-oo-la-xaqiijiyay-in-lagu-soo-riday-qarax-bam\/","title":{"rendered":"Diyaaradii Ruushka ee ku burburtay dalka Masar oo la Xaqiijiyay in lagu soo Riday Qarax Bam"},"content":{"rendered":"<p>(AN) \u00a0Madaxweynaha wadanka Ruushka Vladimir Putin ayaa wacad ku maray inay xoojin doonaan weerarrada cirka ah ee ka dhanka ah xoogagga Islaamiyiinta ah ee Daacish, kaddib markii madaxtooyada Ruushka ee the Kremlin looga dhawaaqay in weerar argagaxiso lagu soo riday diyaaraddii Ruushku lahaa ee bishii hore ku dhacday gacanka Siinaaye ee dalka Masar.<\/p>\n<p>Diyaaraddan ayaa waxaa ku dhintay 224-qof oo isugu jiray rakaabkii iyo weliba shaqaalihii diyaaradda saarnaa, iyadoo ISIS ay sheegtay isla 31-kii bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay in ay iyagu ka dambeeyeen dhicitaanka diyaaraddan uu Ruushku lahaa oo sidday dalxiisayaal Ruush ah oo ku laabanayay dalkooda.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan kooxda ISIL ka heli karnaa meel walba oo caalamka ka mid ah waana ku ciqaabi doonnaa,\u201d ayuu ka yiri Putin shir Kremlin ka dhacay oo lagu soo bandhigayay xaqiiqada la xiriirta dhicitaankii diyaaraddii Ruushka.<\/p>\n<p>Hadalka xukuumadda Moscow ayaa imaanaya xilli kooxda ISIL ay weerarro ka geysatay magaalada Paris ee dalka Faransiiska, kuwaasoo ay ku naf-waayeen in ka badan 129-ruux oo shacab ahaa, kuwaasoo goobo kala duwan lagu weeraray.<\/p>\n<p>\u201cSida ay xaqiijiyeen baarayaashii shilka diyaaradeed, diyaarada waxaa lagu soo riday qarax lasoo diyaariyay, waxaana la qarxiyay iyadoo hawada ku jirta, taasoo sababtay inay dhul aad u ballaaran faaftay burburka diyaaradda,\u201d ayuu yiri Bortnikov oo ah sarkaal ka tirsan xukuumadda Ruushka.<\/p>\n<p>Isagoo intaas ku daray. \u201cWaxaan si cad u dhihi karnaa burburka diyaaradeenna waa mid uu sababay fal argagaxiso.\u201d<\/p>\n<p>Diyaaradda oo nooceedu ahaa Airbus A321 loona yaqaannay Metrojet ayaa waxay waday Ruushan dalxiisayaal ah oo dalkooda ku socday, iyadoo ka duushay garoonka diyaaradaha magaalada Sharm al-Sheikh ee Masar kuna socotay magaalada St Petersburg ee Ruushka, balse waxay si lama filaan ah ugu dhacday buuraleyda Siinaay.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan ciidamadeenna Cirka ku boorrinayaa in ay xoojiyaan duqeymaha kooxda IS lagu beegsanayo,\u00a0howlgalkaas oo ka socda dalka Suuriya\u00a0,\u201d ayuu yiri Vladimir Putin oo intaas ku daray. \u201cWaa in howlgalka la xoojiyaa oo dambiilayaasha ciqaabo adag la marsiiyo.\u201d<\/p>\n<p>Dmirty Peskov, afhayeenka madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay in Putin uu maanta oo Talaado ah booqan doono wasaaradda difaaca Ruushka, isagoo la kulmi doona saraakiisha ciidamada, kuna boorrin doona inay xoojiyaan howl-galka ka dhanka ah kooxda dowladda islaamiga ah ee Daacish.<\/p>\n<p>Xukuumadda Ruushka ayaa duqeymo cirka ah ka waday Suuriya tan iyo bishii September ee sannadkan; kuwaasoo ay si gaar ah ugu bar-tilmaameedsanayso kooxda Islaamiga ah, waxaa kaloo ay duqeymo u geystaan fariisimaha kooxaha kasoo horjeeda madaxweynaha Suuriya, Bashar al-Assad.<\/p>\n<p>\u201cWaa inaanu raadinaa kuwii ka dambeeyay diyaaraddii lagu soo riday dalka Masar, waana inaanan helnaa magacyadooda, si aan uga aargudanno,\u201d ayuu mar kale yiri madaxweynaha Ruushka Putin. Isagoo intaas ku daray, \u201cQof walba oo caawiyay kooxaha qaraxaas geystay waa inaan soo qabanno oo aanu ciqaab adag marsiinno.\u201d<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, hay\u2019adda ammaanka Ruushka FSB ayaa wakaaladda wararka ee Ruushka u sheegtay in la siinayo abaal-marin lacageed oo dhan 50-milyan oo Doollarka Mareykanka ah ciddii gacan ka geysata sidii loosoo qaban lahaa kuwii ka dambeeyay qaraxii diyaaradda Ruushka.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>(AN) \u00a0Madaxweynaha wadanka Ruushka Vladimir Putin ayaa wacad ku maray inay xoojin doonaan weerarrada cirka ah ee ka dhanka ah xoogagga Islaamiyiinta ah ee Daacish, kaddib markii madaxtooyada Ruushka ee the Kremlin looga dhawaaqay in weerar argagaxiso lagu soo riday diyaaraddii Ruushku lahaa ee bishii hore ku dhacday gacanka Siinaaye ee dalka Masar. Diyaaraddan ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":15549,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-15548","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-42M","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15548","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=15548"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15548\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=15548"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=15548"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=15548"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}