{"id":15381,"date":"2015-11-10T17:16:23","date_gmt":"2015-11-10T17:16:23","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=15381"},"modified":"2015-11-10T17:16:23","modified_gmt":"2015-11-10T17:16:23","slug":"daawohayada-ka-hortaga-dawooyinka-jidhka-xoojiya-oo-ku-baaqday-in-ruushka-laga-mamnuuco-tartamada-ciyaaraha-fudud","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/11\/10\/daawohayada-ka-hortaga-dawooyinka-jidhka-xoojiya-oo-ku-baaqday-in-ruushka-laga-mamnuuco-tartamada-ciyaaraha-fudud\/","title":{"rendered":"Daawo:Hay&#8217;ada Ka Hortaga Dawooyinka jidhka xoojiya oo ku baaqday in Ruushka laga Mamnuuco Tartamada ciyaaraha Fudud"},"content":{"rendered":"<p>Russia(AN)-Hay\u2019ada caalamiga ah ee ka hortaga dawooyinka jidhka xoojiya ayaa ku baaqday in Ruushka laga mamnuuco tartamada ciyaaraha fudud, kaddib markii ay soo baxday warbixin sheegeysa in ciyaaryahannada dalkaasi ay dawooyin mamnuuca ah adeegsadeen.<\/p>\n<p>Warbixinta ayaa waxa ay daaha ka qaaday waxa ay ugu yeertay hab ballaaran oo abaabulan oo ah adeegsiga dawooyinka jirka xoogga siiya.<\/p>\n<p>Sida ay warbixintu sheegaysana, ciyaaryahannada ciyaaraha fudud ee Ruushka ayaa si weyn waxa ay u adeegsadeen been abuur ciyaarihii Olympicada ee London lagu qabtay 2012-kii.<\/p>\n<p>Warbixinta ayaa waxa ay ku talinaysaa in shan ka mid ah ciyaaryahannadaasi oo ay ku jirto Mariya Savinova, oo ku guulaysatay 800 ee mitir gabi ahaanba laga mamnuuco ciyaaraha.<\/p>\n<p>Halka dhammaan ciyaaryahannada ciyaaraha fudud ee Ruushka ay leedahay warbixintu waa in laga hor istaagaa in mustaqbalka ay ka qeyb qaataan tartamada ciyaaraha, ee uu ka midka yahay tartanka Olympikada adduunka ee 2016-ka.<\/p>\n<p>Hasayeeshee baarayaasha ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in isticmaalka dawooyinka jirka xoogga siiya aanan la isticmaali lahayn iyadoon dowladdu ogolayn, waxa ayna ku baaqeen in shaqada laga eryo agaasimaha shaybaarka dawooyinka ee Moscow.<\/p>\n<p>Waxaase dhaleecayn loo soo jeediyay guddiga caalamiga ah ee maamulka ciyaaraha fudud, kaasi oo saraakiishiisa ay warbixintu sheegayso in ay ku guuldaraysteen in ay wax ka qabtaan baaris la\u2019aan la sheegay in ay jirtay.<\/p>\n<p>Baaritaan dheeraad ah ayaa lagu eegayaa eedaha ah in guddiga caalamiga ah ee maamulka ciyaaraha fudud ee loo soo gaabiyo IAAF aanay ka warqabin wixii dhacayay.<\/p>\n<p>Todobaadkii la soo dhaafay gudoomiyihii hore ee IAAF, Lamine Diack, ee u dhashay dalka Senegal, ayaa waxaa lagu eedeeyay musuqmaasuq la xiriira laaluusha qaadasho si loo qariyo kiisas ku saabsan dawooyinka jirka xoogga siiya.<br \/>\n<iframe loading=\"lazy\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/dXODAEVg1t0\" width=\"854\" height=\"480\" frameborder=\"0\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\"><\/iframe><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Russia(AN)-Hay\u2019ada caalamiga ah ee ka hortaga dawooyinka jidhka xoojiya ayaa ku baaqday in Ruushka laga mamnuuco tartamada ciyaaraha fudud, kaddib markii ay soo baxday warbixin sheegeysa in ciyaaryahannada dalkaasi ay dawooyin mamnuuca ah adeegsadeen. Warbixinta ayaa waxa ay daaha ka qaaday waxa ay ugu yeertay hab ballaaran oo abaabulan oo ah adeegsiga dawooyinka jirka xoogga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":15382,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-15381","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-405","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15381","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=15381"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15381\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=15381"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=15381"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=15381"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}