{"id":1524,"date":"2014-12-13T13:37:26","date_gmt":"2014-12-13T13:37:26","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=1524"},"modified":"2014-12-13T13:37:26","modified_gmt":"2014-12-13T13:37:26","slug":"ballan-qaad-afka-ah-dib-haddaan-u-aamminogorfeynta-barnaamajkii-doorashadii-2010kii-ee-xisbiga-kulmiye-boobe-yuusuf-ducaale","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2014\/12\/13\/ballan-qaad-afka-ah-dib-haddaan-u-aamminogorfeynta-barnaamajkii-doorashadii-2010kii-ee-xisbiga-kulmiye-boobe-yuusuf-ducaale\/","title":{"rendered":"Ballan-qaad afka ah\u2026.Dib haddaan u aammino&#8221;(Gorfeynta Barnaamajkii Doorashadii 2010kii ee Xisbiga Kulmiye) Boobe Yuusuf Ducaale"},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2014\/12\/49979b783c28f3cdae44b081e8fd87d6_M.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-1525\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2014\/12\/49979b783c28f3cdae44b081e8fd87d6_M-300x225.jpg?resize=300%2C225\" alt=\"49979b783c28f3cdae44b081e8fd87d6_M\" width=\"300\" height=\"225\" \/><\/a>Ballan-qaad afka ah\u2026.Dib haddaan u aammino<\/p>\n<p>(Gorfeynta Barnaamajkii Doorashadii 2010kii ee Xisbiga Kulmiye)<\/p>\n<p>\u201cWadaamaha la dawdabay,<\/p>\n<p>Dan-yartay ka maqan tahay,<\/p>\n<p>Raacdadu ma daallana,<\/p>\n<p>Dorraad iyo shalay-jire,<\/p>\n<p>Doorka-maanta-noo-jire,<\/p>\n<p>Dib-u-jire hadhow-jire,<\/p>\n<p>Ninba weel u daray baa,<\/p>\n<p>Deyn loogu leeyahay,<\/p>\n<p>Diiwaanka qarankiyo,<\/p>\n<p>Taariikhdu duug ma leh,\u201d<\/p>\n<p>Maansadii \u2018Awrka dooh ma lagu yidhi\u2019 ee Cabdi Iidaan Faarax ee Deelleeydii kuna taariikheysneyd: 7\/4\/1980kii, Hargeysa,Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, <a href=\"mailto:cankaabo@hotmail.com\">cankaabo@hotmail.com<\/a>,www.dharaaro.com<\/p>\n<p>Qormada: 1aad<\/p>\n<p>13\/12\/2014ka, Hargeysa,<\/p>\n<p>Hordhac:<\/p>\n<p>Dadkii ayaa lagu dhego-barjeeyay Qorshe-hawleedkii Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiyeba u yaallay 100% ayaa la dhammeeyay oo waa lagu guulaystay. Waxaanu aamminsan nahay in aanu warkaasi xaqiiqada maanta Somaliland ka jirta ka tarjumayn. Qormooyinkan taxanaha ah ee kooban, waxaynu isku deyi doonnaa in aynu arrintaa xaqiiqdeeda kaga gun-gaadhno innaga oo aan cidna af-lagaaddo u geysanayn, bal se inta aynu ku dedaali karno sarriiganayna oo aan xarragada iyo xaq-dhowrkaba ka tegayn. Cid alleyaale ciddii fikrad ka soo hor-jeedda qabta waxa la gudboon in ay madasha doodda soo gasho oo ay daliilkeeda la timaaddo. Hadal-tiro aan loo meel-deyini iyaduna socon meyso ee sidii Cabdi-sinimoo u yidhi:<\/p>\n<p>Wixii qoran baa quruumo hadhee,<\/p>\n<p>Muxuu hadal qiimo leeyahay,<\/p>\n<p>Waa Buug ayay yidhaahdaan. Wuxu se u muuqdaa Buug-yare (Booklet). Labada midab ee Xisbiga Kulmiye ayaa guudka kaga dheehan. Si aan fiicnayn oo aan sidaa u sii qurux badnayn ayuu u daabacan yahay una tolan yahay. Goynta iyo is-le\u2019ekeysiinta waraaquhu ma sigib-tirna ee waa ay kala dhaadheer tahay. Waa nuqulka aan hayo oo cusub meel fiicanna malahayga lagu keydiyay. Bisinka ayaa dusha kaga yaal. Waxa ku hoos qoran: BARNAAMAJKA XISBIGA KULMIYE, DOORASHADA MADAXTOOYADA 2010ka.<\/p>\n<p>Hab-qoraalkiisa iyo kala-qallaanta mowduucyadu wax sidaa u sii ridan ma aha. Waxa ka muuqata in si fudud oo aan ka-fiirsasho lahayn loo qoray ama loo dareeriyayba. Tusmo hal bog ah ayuu ku bilaabmayaa. Waxa lagu ballaysimayaa Bogga 2aad, waxaanay soconaysaa ilaa Bogga 58aad. Tusmadu waxay u qaybsantaa ilaa 28 mowduuc, qaybood ama madaxba. Haddii aad doontaan idinkuba magaca aad doontaan ula baxa.<\/p>\n<p>Si habaysan oo is-raac iyo is-qaad leh mowduucyadu ama cinwaannada Tusmada ku xusani uma taxna. Looma cilmiyoon caqli bandanna lama gelin. Si degdeg ah oo aan deggenayn ayaa loo qalin-daraaleeyay. Bal hadda aan cabbaar ku hakanno qaabka liita ee Tusmada loo taxay iyo sida aanay mowduucyadu is-raaca iyo is-qaadka u lahayn. Hab-qoraalku sidiisaba waa sida miyuusigga oo hab-dhac uu isu raaco ayuu leeyahay. Si kale haddii aan u dhigo mowduucyada ama cinwaannada Tusmada gelaya qaab cilmiyaysan oo midba ka uu leeyahay lagu kabo ayaa loo raseeyaa.<\/p>\n<p>Bal hadda aynu ku yar raasukhno Tusmada. Waxay ku bilaabmaysaa: Hordhac laba bog ah. Weedha ugu horreysaa waxay u qoran tahay: \u201cBarnaamajkan Kulmiye waa mid si cad oo banyaal ah u qeexaya jidkii loo mari lahaa badbaadinta iyo soo-noolaynta Somaliland, waa jidkii aynnu nolosha iyo barwaaqada iyo xukun wanaagga u mari lahayn.<\/p>\n<p>Weedhani waa saddex sadar oo aan weliba dhammayn. Bal hadda aan eegno af-soomaali ahaan sida ay u qoran tahay. In si\u2019 sax ah loo qoray iyo in si\u2019 qaldan ereyada qaarkood loo qoray. Bal horto inta aan hawl kaleba la gelin, Xukuumaddeennani ma gudatay xilkii aasaasiga ahaa ee ka saarnaa hab-qoraalka saxan ee af-soomaaliga.<\/p>\n<p>Saddexdaa sadar ee weliba dhiman aan isku koobno. Ereyga \u2018Banyaal\u2019 ma aha erey Soomaali ah oo jira. Waa gef in dadka sidaa wax loogu qoraaa. Haddii laga tegi waayo, waa erey ka samaysmay ama laga sameeyayba laba erey oo jira oo la isku kabay. Waxa laga tumay ereyada \u2018ban\u2019 iyo \u2018yaal\u2019. Waxay ahayd marka la qorayo in loo dhexeysiiyo jiitin si loo muujiyo in laba erey laga tumay. Wuxu markaa ereygu u qormayaa: \u2018ban-yaal.\u2019 Waxaan is-leeyahay waxay uga jeedeen ama is-lahaayeen tarjuma ereyga Ingiriisiga ah ee \u2018transparent\u2019 oo inta badan loo yaqaanno ama ku can-baxayba \u2018xalliiban.\u2019 Waa sida aanu Macallin Gaarriye ka soo gaadhnay.<\/p>\n<p>Weedhii aynu sidannay ama tusaalaha u soo qaadannay ereyga kale ee qaldani waa \u2018xukun wanaagga\u2019. Waa laba erey oo la isku kabay waxaanay ahayd in jiitin loo dhexeysiiyo oo uu ereyga cusubi noqqdo: \u2018xukun-wanaagga.\u2019 Weedhii aynu sidannay ee tusaalaha inoo ahayd waxa kale oo ku jira: \u201c\u2026\u2026..Barnaamajkan Kulmiye waa mid si cad oo banyaal ah u qeexaya jidkii loo mari lahaa badbaadinta iyo soo-noolaynta Somaliland\u2026\u2026\u2026..,\u201d<\/p>\n<p>Hadda innagu ma aynu ogeyn khatar ay Somaliland ku jirtay oo badbaado u baahnayd iyo Somaliland sii dhiimanaysay oo soo-noolayn u baahnayd. Waxba yaan ku sii tiigaalin ee aan halkaa kaga hadho.<\/p>\n<p>Bal hadda immikana aan yar daalacanno weedha ugu dambeysa ee Hordhaca barnaamajkan isku daadsan ee Xisbiga Kulmiye ummadda codkoodii ka siistay, waxaanay u qoran tahay: \u201cWalaalayaal, mudane iyo marwooyin, waa kan Barnaamajkii Xisbiga Kulmiye, bal haddaba caqligaaga la kaasho, ma ah hadal, ma aha hawaawi, waa mid dhab ah, aad looga fiirsaday ee fadlan, haddaba dadweynow ka baaraandeg oo fursad sii Xisbiga Kulmiye doorashada soo socota.\u201d Subxaan! Miyaa la siiyay mise si xarrago leh ayaa loogu codeeyay iyada oo looga hiiliyay labadii Xisbi ee kale, taas oo ay maanta dad badani aad u hibanayaan. Illeyn talo isuma kaa sheegto. Dadku sidii ay ugu liseen looguma hambayn, sidaas darteed ayaa farta dhexda looga qaniinsan yahay Xaalad inagu cusub ma aha. Waa filimmo hore inoo soo maray oo suugaan badan laga tiriyay, maantana aan u baahnayn in mid cusub laga tiriyo. Aynu soo qaadanno Tuduc ku jiray Maansadii Daalacan ee Deelleeyda ee Hadraawi oo ahaa:<\/p>\n<p>\u201cBulshadeennu waa duul,<\/p>\n<p>Daacad iyo xishood badan,<\/p>\n<p>Dun xariir ah weeyaan,<\/p>\n<p>Qofna uma darraadaan,<\/p>\n<p>Dar Alley ku dhaqantaa,<\/p>\n<p>Dareen waw dheg weyn tahay,<\/p>\n<p>Ogow doqon se maahee,<\/p>\n<p>Ninka maamul dalabliyo,<\/p>\n<p>Dabbaal-joogto hoosiyo,<\/p>\n<p>Dibindaabyo ugu maqan,<\/p>\n<p>Degdeg uma tilmaamaan,<\/p>\n<p>Nabar kulama duulaan,<\/p>\n<p>Dib bay ugu muddeysaa,<\/p>\n<p>Denbigiisu waw keyd,\u201d<\/p>\n<p>Si kale haddii aan u idhaahdo, nidaamyada noocan oo kale ah ee naanaysaha badan la baxa, dadku nabar kulama duulaan ee maddane ayay dabka u geliyaan, waanu ugu jiraa.<\/p>\n<p>(La soco berri, haddii Eebbe idmo)<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ballan-qaad afka ah\u2026.Dib haddaan u aammino (Gorfeynta Barnaamajkii Doorashadii 2010kii ee Xisbiga Kulmiye) \u201cWadaamaha la dawdabay, Dan-yartay ka maqan tahay, Raacdadu ma daallana, Dorraad iyo shalay-jire, Doorka-maanta-noo-jire, Dib-u-jire hadhow-jire, Ninba weel u daray baa, Deyn loogu leeyahay, Diiwaanka qarankiyo, Taariikhdu duug ma leh,\u201d Maansadii \u2018Awrka dooh ma lagu yidhi\u2019 ee Cabdi Iidaan Faarax ee Deelleeydii [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":1525,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-1524","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-oA","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1524","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1524"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1524\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1524"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1524"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1524"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}