{"id":15153,"date":"2015-11-03T14:51:26","date_gmt":"2015-11-03T14:51:26","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=15153"},"modified":"2015-11-03T14:51:26","modified_gmt":"2015-11-03T14:51:26","slug":"war-degdeg-ah-duufaanka-jabbaala-iyo-badda-xeebaha-lughaya-iyo-bulaxaar-oo-ku-fatahay-deegaanka-barriga-ku-dhaw-waxyeelana-gaadhsiiyay-dadka-iyo-duunyadaba","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/11\/03\/war-degdeg-ah-duufaanka-jabbaala-iyo-badda-xeebaha-lughaya-iyo-bulaxaar-oo-ku-fatahay-deegaanka-barriga-ku-dhaw-waxyeelana-gaadhsiiyay-dadka-iyo-duunyadaba\/","title":{"rendered":"WAR DEGDEG AH: Duufaanka JABBAALA iyo Badda Xeebaha Lughaya iyo Bulaxaar oo ku fatahay deegaanka barriga ku dhaw, waxyeelana gaadhsiiyay dadka iyo duunyadaba"},"content":{"rendered":"<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Hargaysa(AN)Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dadweynaha ku dhaqan deegaannada\u00a0xeebta woqooyiga Somaliland gaar ahaan xeebaha degmooyinka Bulaxaar\u00a0iyo Lughaya, waxa aad u kacday badda oo sababtay inay ku fatahdobarriga ku dhaw oo meelaha ugu dheer ay gaadhay illaa 2km barriga gaarahaan sida xeelliga barrigu u kala hooseeyo. Fatahan ayaa yimi kadibmarkii mawjadaha baddu kacsanaayeen illaa shalay iyo xalay oo aygaadheen 7-8m.Wararku waxay noo xaqijinayaan inay waxyeello badani soo gaadhay\u00a0dadka xoola dhaqatada ahaa ee dega xeelliga badda oo barakac<\/p>\n<p>ballaadhani ku habsaday illaa xalay kuwaasoo guryihii badda u dhawaa\u00a0iyo qoysaska qaarkood xoolihii gaar ahaan adhigii kala tageen biyuhu;<\/p>\n<p>sidoo waxay ka dumisay qoysas badan guryihii degmooyinka Lughaya iyo\u00a0Bulaxaar. Boqolaal qoys ayaa ku barakacay oo iyagoo fara madhan<\/p>\n<p>naftooda oo kaliya ula baxsaday xagga barriga ka durugsan biyaha.\u00a0Dadkaasi ma haystaan waxay cunaan iyo biyo cabbaan midna waayo waxba\u00a0kama ay qaadan guryahoodii, ceelashii biyaha ay ka cabbaayeenna waxa<\/p>\n<p>soo gaadhay fataha badda.\u00a0Muwaadin xog ogaal ah oo lagu magacaabo Cabdi Yuusuf Cali oo ku sugan<\/p>\n<p>jiidda Lughaya ayaa shakabadda wararka ee Booramaonline uga waramay\u00a0siduu u bilaabmay duufaanku iyo xaaladdu siday immika tahay, waxanu\u00a0yidhi \u201clabadii maalmood ee u dambeeyay baddu aad bay u kacsanayd,<\/p>\n<p>waannu ka warhaynay in duufaanno ka dhaceen dalka Yemen, xagganna la\u00a0saadaalinayo. Mawjahadaha badda ayaa aad u kacay xalay cawayskii oo\u00a0gaadhay illaa 7-8m oo guuxoodi didiyay xoolihii fadhiyay xeelliga<\/p>\n<p>badda. Baddu si aan waligeed uga dhicin deegaankan ayay usoo fatahday\u00a0maanta oo meelaha ugu dheer waxay xagga barriga usoo gaadhay illaa\u00a0laba kun oo tallaabo, dhararka biyahaasi waa illaa misigta ayay<\/p>\n<p>meelaha qaar kuu gaadhayaan, waxanay biyaha fatahay xagga fogaanta iyo\u00a0xagga dhererkaba u kala badanyihiin sida dhulku u kala hooseeyo.<\/p>\n<p>Dadkii deganaa xeelliga badda iyo tuulooyinka ku xeeran sida Fuguxo\u00a0ayuu barakaca u weyni ku dhacay xalay illaa maanta. Dadka qaar<\/p>\n<p>xoolihii iyo natoodda uun bay kala baxeen, dadka qaarna xataa xoolihii\u00a0waliba adhigii wuu ka qaatay geel uu waxyeelay maan maqale. Boqolaal \u00a0qoys ayaa iyagoo aan buste ka haleelin garanwaaga iska dhex taagan<\/p>\n<p>wakhtigan aan kula hadlayo.\u201d<\/p>\n<p>Waxay u baahanyihiin dadkaasi gurmad degdeg ah oo baad iyo biyaba leh,\u00a0waxanu yidhi Cabdi Yuusuf Cali. \u201cDadkii ku barakacay xalay illaa<\/p>\n<p>maanta waxa ugu daran baad iyo biyo midna ma hayaan waayo waxba\u00a0kalamay soo bixin guryihii, ceelashii biyahana waxa soo gaadhay<\/p>\n<p>fataha, xagga shishe ee maangadka uma bixi karaan waayo harraadbaa\u00a0dilaya markaa waxay ku dul meeraysanayaan garanwaaga iyo halka uu soo\u00a0joogo daadku ee waxay u baahanyihiin gurmad degdeg ah oo baad iyo<\/p>\n<p>biyaba leh, waxay dadku u baahanyihiin baco iyo waxay cadceeda ka\u00a0galaan iyo raashinba ee warkayaga gaadhsiiya dawladda Somaliland.\u201d<\/p>\n<p>Cabdi Yuusu Cali wuxu ku daray intaas in duufaankani uu ku koobanyahay\u00a0fataahadda biyaha badda balse aanu jirin roob da\u2019aya, dabaylo iyo\u00a0qabaw midnaba. \u201cXalay dhulku kulayl caadi ah ayuu ahaa iyo cimillo aad<\/p>\n<p>u wanaagsan, cirkuna daruuro ma lahayn, immikana ma jiro roob da\u2019ayaa.\u00a0Ma laha wax dabaylo ah iyo dhaxan midnaba laakiin dhibaatadu waa<\/p>\n<p>fatahaaddan oo wax Ilaahay laga magangalo ah,\u201d ayuu yidhi.\u00a0Dhinaca kale, Maayar-ku-xigeenka Gobolka Selel Cabdilqaadir Aden\u00a0Yuusuf oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaanay soo gaadhin<\/p>\n<p>xagga Saylac oo ay ka dulboodday xalay balse uu ka warqabo inay\u00a0waxyeeshay degmada Lughaya oo guryo badani ku dumeen. Guddoomiye ku<\/p>\n<p>xigeenku wuxu tilmaamay inay burburiyay duufaanku doon ay lahayd\u00a0warshadda Kalluunka ee Lughaya. Waxa kale oo uu sheegay in dadka<\/p>\n<p>badankiisu uga baxeen magaalada Lughaya xagga barriga ka durugsan<\/p>\n<p>badda.\u00a0Dhibaatada ugu daran ee ka jirta xeebta waxa ka mid ah inaanay\u00a0warbaahinta madaxa bannaani waxba kala socon oo la soo socodsiin\u00a0xaaladaha ka jira dadweynaha iyo dawladaba si wax looga qabto, meelaha<\/p>\n<p>qaarkoodna aanay kama jirin ama adagtahay isgaadhsiinta telefoonku oo\u00a0aan lala xidhiidhi karin.\u00a0Ma jiro wax gurmad ah oo lagu badbaadinayo dadka noloshooda oo illaa<\/p>\n<p>hadda cidi gaadhsiisay waana xaalad degdeg ah arrintaasi.\u00a0Waxa loo baahanyahay in Wasaaradda Dib u dejinta dawladda Somaliland\u00a0iyo dhammaan Wasaaradaha iyo hay\u2019adaha dawladda ee arrimahani<\/p>\n<p>khuseeyaan iyo hay\u2019adaha samafalka iyo sidoo kale bulshada Somaliland\u00a0u gurmadaan dadweynaha jilicsan ee reer guuraaga ah ee ku waxyeeloobay\u00a0biyaha badda ku soo fatahay\u00a0Dufaanka Jabbaala waxay shalay ku dhufatay magaalada Mukhalla iyo\u00a0gobollo ka mid ah Yemen oo illaa hadda laga daad guraynayo dadka,<\/p>\n<p>waxana hore loo saadaaliyay inay gacanka cadmeed uga soo gudubto\u00a0dhinaca Somaliland.\u00a0Waxan si naxariis leh uga codsanayaa dhammaan warbaahinta Somaliland\u00a0ee madaxa bannaan iyo warbaahinta dawladaba ee noocyada kala duwan leh\u00a0inay si degdeg ah uga dhaadhaacaan Dawga-cad oo indhahooda ugu soo<\/p>\n<p>arkaan xaalada ka jirta xeebaha Bulaxaar iyo Lughaya maanta.<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargaysa Desk<\/p>\n<p>Xasan Faarax Qamaan<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>&nbsp; Hargaysa(AN)Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dadweynaha ku dhaqan deegaannada\u00a0xeebta woqooyiga Somaliland gaar ahaan xeebaha degmooyinka Bulaxaar\u00a0iyo Lughaya, waxa aad u kacday badda oo sababtay inay ku fatahdobarriga ku dhaw oo meelaha ugu dheer ay gaadhay illaa 2km barriga gaarahaan sida xeelliga barrigu u kala hooseeyo. Fatahan ayaa yimi kadibmarkii mawjadaha baddu kacsanaayeen illaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":15154,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-15153","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-3Wp","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15153","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=15153"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15153\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=15153"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=15153"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=15153"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}