{"id":15084,"date":"2015-10-31T15:50:51","date_gmt":"2015-10-31T15:50:51","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=15084"},"modified":"2015-10-31T15:50:51","modified_gmt":"2015-10-31T15:50:51","slug":"tartankii-ciyaaraha-gobollada-somaliland-oo-burburay-iyo-ciyaartoyga-afar-gobol-oo-hargeysa-loogu-haysto-kharashaadkii-jiifka-iyo-cuntadda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/10\/31\/tartankii-ciyaaraha-gobollada-somaliland-oo-burburay-iyo-ciyaartoyga-afar-gobol-oo-hargeysa-loogu-haysto-kharashaadkii-jiifka-iyo-cuntadda\/","title":{"rendered":"TARTANKII CIYAARAHA GOBOLADA S\/LAND OO BURBURAY IYO CIYAARTOYGA AFAR GOBOL OO HARGEYSA LOOGU HAYSTO KHARASHAADKII JIIFKA IYO CUNTADDA"},"content":{"rendered":"<div class=\"newscontent\">\n<p>Hargeysa (AN) Xukuumadda Somaliland ayaa ku fashilantay inay qabato wareegii labaad ee tartanka ciyaaraha gobollada oo lagu waday inuu ka furmo caasimadda Hargeysa, ka dib markii 8 xul ay iskugu soo hadheen tartankii is-reeb-reebka ahaa oo lagu kala qabtay Burco iyo Boorame.<\/p>\n<p>Tartanka ciyaaraha Gobolladda ee dalka waxa iskugu soo hadhay wareegiisa labaad siddeed gobol oo kala ah\u00a0 Xaysimo, Sool, Sanaag Iyo Daad Madheed oo ka soo baxay tartankii lagu qabtay Magaaladda Burco. Halka tartankii lagu qabtay Booramena ay ku soo gudbeen xulalka Awdal, Hawd, Saaxil iyo Gabiley.\u00a0 Waxa qorshuhu ahaa in labaatan maalmood ka hor tartanka siddeed dhammaadka gobolladu ka furmo garoonka Hargeysa Stadium, hase yeeshee khilaafaadka xisbiga KULMIYE dhexdiisa iyo dhaqaalihii lagu qaban lahaa tartanka oo aanay madaxtooyaddu sii daynin ayaa sababay in dib u dhac ku yimaado tartankaasi.<\/p>\n<\/div>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong>Dooda Masuuliyiinta wasaaradda \u00a0Ciyaaraha<\/strong><\/p>\n<p>Sarkaal ka tirsan wasaaradda Ciyaaraha oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyay ayaa shabakadda Gudgudenews, u sheegay in wasaarad ahaan\u00a0 ay diyaar u yihiin qabashadda wareegii labaad ee tartanka ciyaaraha, hase yeeshee uu ka suurtoobi waayay dhinaca xukuumadda oo uu ku dooday inay kala fadhiisteen kharashkii lagu\u00a0 qaban lahaa ciyaaraha.<\/p>\n<p>Masuulkaasi waxa uu sheegay in madaxtooyadda iyo dawladda sare aanay wax xiiso ah u haynin dhammaystirka ciyaaraha gobollada, balse ay ku mashquulsan yihiin khilaafka xisbiga KULMIYE. Waxaanu tilmaamay in cago-jiidka ciyaaraha ee xukuumaddu uu ahaa mid ka mid ah qoddobadii soo dhaliyay in Wasiirkii hore ee ciyaaruhu uu shaqadda uga tagay.<\/p>\n<p><strong>Daranyadda Ciyaartoyga Gobollada ka Yimid<\/strong><\/p>\n<p>Waxa \u00a0jira \u00a0in ay magaaladda Hargeysa rafaadsan yihiin xulalka\u00a0 ciyaartoyga afar gobol oo ka yimid barriga Somaliland oo kala ah Xaysimo, Sool, Sanaag Iyo Daad-madheedh,kuwaasi oo wali sugaya in la siiyo sahay ay dib ugu noqdaan gobolladoodii. Warku waxa uu intaas ku daray in kharashkii\u00a0 jiifka\u00a0 iyo cuntada muddo labaatameeye maalmood ah oo ay joogeen lagu leeyahay ciyaartoygaasi. Iyadoo wasaaradda ciyaaruhu ay bixisay qeyb ka mid ah kharashkii ku baxay xulalka afartaas gobol, hase ahaatee wali qeybo lagu leeyahay.<\/p>\n<p><strong>Maxaa Go\u2019aan Loo Soo Saari Waayay<\/strong><\/p>\n<p>Xukuumadda Somaliland wax go\u2019aan ah kamay soo saarin dib u dhaca ku yimid tartankii ciyaaraha gobolladda, mana jiro wax qaraar ah oo ay xataa dib ugu dhigtay, waxaanay taasi sumcad xumo ku tahay milgihii dawladnimadda in tartan la qabto haddana isaga oo aan dhammaanin la joojiyo. Sidoo kale, waxa isna aan la bilaabin-ba tartankii kubadda kollayga ee ciyaaraha gobollada oo isna lagu waday inuu ka furmo Hargeysa.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargaysa Desk<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN) Xukuumadda Somaliland ayaa ku fashilantay inay qabato wareegii labaad ee tartanka ciyaaraha gobollada oo lagu waday inuu ka furmo caasimadda Hargeysa, ka dib markii 8 xul ay iskugu soo hadheen tartankii is-reeb-reebka ahaa oo lagu kala qabtay Burco iyo Boorame. Tartanka ciyaaraha Gobolladda ee dalka waxa iskugu soo hadhay wareegiisa labaad siddeed gobol [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-15084","post","type-post","status-publish","format-standard","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-3Vi","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15084","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=15084"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/15084\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=15084"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=15084"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=15084"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}