{"id":14997,"date":"2015-10-28T16:19:37","date_gmt":"2015-10-28T16:19:37","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=14997"},"modified":"2015-10-28T16:19:37","modified_gmt":"2015-10-28T16:19:37","slug":"madaxweynaha-somaliland-ayaa-maanta-xarunta-xisbiga-kulmiye-u-tegay-diwaangelinta-xubinimada-golaha-dhexe-ee-xisbiga-kulmiye","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/10\/28\/madaxweynaha-somaliland-ayaa-maanta-xarunta-xisbiga-kulmiye-u-tegay-diwaangelinta-xubinimada-golaha-dhexe-ee-xisbiga-kulmiye\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha  Somaliland ayaa Maanta Xarunta Xisbiga Kulmiye u tegay Diwaangelinta Xubinimada Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye"},"content":{"rendered":"<p class=\"ecxMsoNormal\"><b>Hargeysa(AN):- Gudoomiye ku xigeenka xisbiga kulmiye:<\/b> \u201cmadaxweyne kursi\u2019gaagii hore ayaan kugu soo dhawaynayaa, maahmaah ayaa ahayd xoorkii xagaagii laga dhamiyo xusuusbaa geela lagu xergeeyaa,\u00a0 adiga xusuus wanaagsanbay kuu tahay xubnahaaga iyo taageerayaashada xisbiga Kulmiye iyo dadka xisbiga ka tirsan ee halkan mudada dheer\u00a0 aad\u00a0 wada fadhideena\u00a0 xusuus gaarabay\u00a0 u tahay, waan kugu soo dhaweynaynaa aad iyo aad baad u mahadsantahay\u00a0 maantana inaad halkan noogu timid, xarunta waxaa ka socda barnaamijkii lagu sawiraayey ama lagu diyaarinayey xubnaha golaha dhexe warqadoodii aqoonsiga, aad iyo aad waxaad ugu mahadsantahay in aan adigoo xafiiskaaga aan laguugu \u00a0iman, aad noo timaado adigoo socda, sidii xubnaha kale inaad kaadhkaaga soo doonato, kuna soo dhawoow hoolkii, kaadhka laga qaadanaayey waa kane, waana lagu xaadirinayaa sidii xubnaha kale loo xaadiriyey Madaxweyne.\u201d<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b>Gudoomiye Muuse biixi Cabdi:-<\/b> \u201c Maanta waxaa farxadweyn inoo ah, madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ah xubinta koowaad ee golaha dhexe ee xisbiga kulmiye, uu maanta ka qaadanayo kaadhkii golaha dhexe ee shirka lagu galaayey, xafiiskii xisbiga, hal kalmad baan\u00a0 ku darayaa, maalmahan waxaa socday buuq idaacadaha iyo warbaahinta ay wadeen, xubno wasiiro ah oo iscasilay iyo dad kale oo raacayba ay ku anda-coonayeen, madaxweynahaa cid taageeray waliba aniga, halkan isagoo nadaxweynuhu ila jooga waxan ka cadaynayaa madaxweynuhu\u00a0 faq iyo fagaaraba\u00a0 aanu aniga\u00a0 wax eexashaa iyo garabtaabada iyo wax aan dadka kaga duwanahay\u00a0 oo iigaara in aanay midna jirin, waana kaa aanu madaxweynaha wada joogno, waxaa kale oo aan u sheegayaa in xisbigu yahay mid dimuquraadiya.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Xeerkiisa lagu dhaqmaayo, doorashada loo siman yahay, nin walba oo xisbiga golaha dhexe ahna uu tartami karo, hadii aanu nahay xisbigana madaxweyne waxaad naga kormeeraysaa maanta oo aad naga hubinaysa\u00a0 howsha socotaa inay tahay \u2018transparent\u2019 si siman dadka loogu siman yahay oon qofna xuquuqdiisa loogu diidin, taasaanu maanta diyaar ugu nahay inaad nagu kormeerto oo aad adigu indhahaaga ku hubiso, gudidii farsamada ee arrintaa wadayna Maxamed baa gudoomiye u ah, sida ay wax u wadaan baad imikana arki doontaa, waxaan saaxiibaday ugu baaqayaa inay nala eegaan, wax kasta oo ay tabanayaana madaxweyne diyaarbaanu u nahay\u00a0 inaanu kala fadhiisano.\u201d<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b>\u00a0<\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\"><b>Madaxwenaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo:<\/b> \u201c oo halkaasi ka hadlay ayaa ku bilaabay Alxamdulilaahi rabil caalamiin, farxad waynbay\u00a0 ii tahay maanta inaan xaruntii xisbiga kulmiye imaado, xisbigii qaranka weeyi, xisbigii dawlada weeyi, xisbigu waa xisbi dimuqraadiya dhexdiisana waa lagu tartamayaa, wasiiradii iscasilay iyo kuwa joogaba waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin, kuwa naga tagayna waxaan leeyahay illaahay meel khayrle ha idin mariyo, annagu hadaanu nahay xisbiga kulmiye iyo dawlada waxanu nahay dhexdhexaad waxaanu nahay dawladii qarankani doortay\u00a0 ee shacabka iyo ummaddu\u00a0 doorteenbaanu nahay, xisbi ummaddu u soo jeedo weeyi, maantana farxad weynbay ii tahay inaan halkan imaado kana qaato kaadhkii golaha dhexe, insha allahu tacaalaa, waxaan rajaynayaa in xisbigani kii guulaysto noqdo, kii ummadda hogaamiyo noqdo, aad iyo aadbaad u mahadsantihiin,\u201d<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Intaasi ka dib Madaxweynaha Qaranka Somaliland waxa uu iska diwana geliyey xarunta Xsibiga isaga oo laga qaaday Sawir Kura oo loogu samayn doono Kaadhka Aqoonsiga Xubinimo o ah kadhka koowaad ee liiska Xubninimadu dhigaayo, iyadoo halkaasi madaxweynaha si weyn loogu soo dhaweeyey, kuna sugnaayeen barxada hore ee xisbiga dadweyne aad u tiro badan oo luxaayey calanka Xisbiga Kulmiye kuna dhawaaqayey ereyo ay ka mid yihiin waa geesigii oon godob lahayn iyo Ereyo kale.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Arabsiyonews.com<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Hargaysa Desk<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(AN):- Gudoomiye ku xigeenka xisbiga kulmiye: \u201cmadaxweyne kursi\u2019gaagii hore ayaan kugu soo dhawaynayaa, maahmaah ayaa ahayd xoorkii xagaagii laga dhamiyo xusuusbaa geela lagu xergeeyaa,\u00a0 adiga xusuus wanaagsanbay kuu tahay xubnahaaga iyo taageerayaashada xisbiga Kulmiye iyo dadka xisbiga ka tirsan ee halkan mudada dheer\u00a0 aad\u00a0 wada fadhideena\u00a0 xusuus gaarabay\u00a0 u tahay, waan kugu soo dhaweynaynaa aad [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":14998,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"video","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-14997","post","type-post","status-publish","format-video","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka","post_format-post-format-video"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-3TT","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14997","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=14997"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14997\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=14997"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=14997"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=14997"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}