{"id":14762,"date":"2015-10-24T12:13:15","date_gmt":"2015-10-24T12:13:15","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=14762"},"modified":"2015-10-24T12:13:15","modified_gmt":"2015-10-24T12:13:15","slug":"af-hayeenka-madax-tooyada-oo-cadeeyay-inaan-madax-weynahu-musharaxiinta-kala-jeclaysan-doonin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/10\/24\/af-hayeenka-madax-tooyada-oo-cadeeyay-inaan-madax-weynahu-musharaxiinta-kala-jeclaysan-doonin\/","title":{"rendered":"Af-hayeenka Madax-tooyada oo Cadeeyay inaan Siilaanyo Musharaxiinta Kala Jeclaysan doonin"},"content":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)-Madaxtooyada Somaliland ayaa beenisay in Madaxweyne Siilaanyo uu soo kala dhawaysanayo murashixiinta, waxaanay sheegtay in madaxweyne Siilaanyo dhex u yahay murashixiinta ku tartamaysa xisbiga KULMIYE.Afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleban Dhuxul oo shalay u waramay shabakadda wararka ee Gudgude,<\/p>\n<p>ayaa yidhi\u00a0 \u201cMadaxweynaha\u00a0 Somaliland\u00a0 Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, waa odayga KULMIYE, \u00a0waa aasaasihii xisbiga \u00a0halkan soo gaadhsiiyay. Waxaanu ka shaqaynayaa qaranka Somaliland horumarintiisa. Madaxweynaha Somaliland markii uu ka soo degay madaarka Hargeysa waxa uu caddeeyay maadama oo ragga tartamayaa ay raggiisii yihiin oo ay garabadiisii yihiin uu dhex\u00a0 u yahay oo xisbiga si dimuqraadi ah loogu tartami doono ayuu sheegay. Madaxweynaha mowqifkiisu waa kaas xisbigana waa u dhex, murrashaxiintuna\u00a0 \u00a0dhammaantood waa raggii la soo shaqeeyay.\u201d<\/p>\n<p>Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi \u201cSaxaafadda waxaan u soo jeedinayaa inay ka daayaan\u00a0 hororsiga iyo wixii xisbiga dhexdiisa khilaaf ka dhex dhalinaya. Xisbiga KULMIYE Waa kii Arbacadii heshiiyay\u00a0 heshiis fiican baa xisbiga dhexdiisa ka dhacay, waxa la saaray cidii hawsha shirka wadi lahayd, iyadoo Madaxweynaha Somaliland uu ka odayeeyay,\u201dAyuu yidhi Axmed Saleebaan Dhuxul.<\/p>\n<p>Afhayeenku isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi\u00a0 \u201cMadaxweynuhu murrashax gaar ah oo uu garab saarayaa ma jirto, musharraxiintana waa u wada dhex, waxaanay xisbiga dhexdiisa ugu tartami doonaan si dimuqraadiyad ah oo karaamo leh. Saxaafaddana waxaan leeyahay ka daaya warka beenta ah ee ah waa la is qabtay iyo cid baa la taageeray.\u00a0 Musharraxiinta tartamaya oo mid waliba xaq uu u leeyahay inuu tartamo kii soo baxa ayaa lala shaqaynayaa iyadoo la isku duuban yahay.\u201d<\/p>\n<p>Afhayeenka Madaxtooyaddu waxa uu sheegay inay\u00a0 doonayaan in xisbiga KULMIYE uu taagnaado oo uu afartanka sannadood ee soo socda xisbul-xaakim ahaado, waxaanu yidhi \u201cXisbiga KULMIYE xisbiyo kale ayaa la tartami doona oo doorashooyin ayaa la geli doonaa, markaa midnimadda KULMIYE waa guusha dambe ee xisbiga. Maantana uma baahnin wax khilaaf\u00a0 innagu keenaya. Xisbiguna \u00a0waa laf-dhabartii dalkan, waa xisbul xaakimkii. Madaxweyne Siilaanyo waxqabadkaas\u00a0 uu qabtay la ilaaliyo oo halkaas laga sii wado ayaa loo baahan yahay. Waxaan doonaynaa in xisbiga KULMIYE uu afartanka sannadood ee soo socda uu taagnaado oo uu xisbul xaakim aheado. Wax khilaaf ahina xisbiga kama dhex jiro.\u201d<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)-Madaxtooyada Somaliland ayaa beenisay in Madaxweyne Siilaanyo uu soo kala dhawaysanayo murashixiinta, waxaanay sheegtay in madaxweyne Siilaanyo dhex u yahay murashixiinta ku tartamaysa xisbiga KULMIYE.Afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleban Dhuxul oo shalay u waramay shabakadda wararka ee Gudgude, ayaa yidhi\u00a0 \u201cMadaxweynaha\u00a0 Somaliland\u00a0 Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, waa odayga KULMIYE, \u00a0waa aasaasihii xisbiga \u00a0halkan soo gaadhsiiyay. Waxaanu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":14807,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-14762","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-3Q6","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14762","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=14762"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14762\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=14762"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=14762"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=14762"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}