{"id":14732,"date":"2015-10-23T00:03:44","date_gmt":"2015-10-23T00:03:44","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=14732"},"modified":"2015-10-23T00:03:44","modified_gmt":"2015-10-23T00:03:44","slug":"73-xubnood-oo-ka-mida-golaha-dhexe-xisbiga-kulmiye-ayaa-madax-weyne-siilanyo-ku-qanciyay-tageerada-musharax-muuse-biixi","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/10\/23\/73-xubnood-oo-ka-mida-golaha-dhexe-xisbiga-kulmiye-ayaa-madax-weyne-siilanyo-ku-qanciyay-tageerada-musharax-muuse-biixi\/","title":{"rendered":"73 xubnood oo ka mida golaha dhexe xisbiga kulmiye ayaa madax-weyne siilanyo ku qanciyay Tageerada Musharax Muuse Biixi"},"content":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ahna odayga xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa aqbalay taageerada murrashaxnimada Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ee jagada Madaxweynenimo ee Xisbiga gudihiisa. Madaxweyne Siilaanyo oo xalay xarunta Madaxtooyada ku qaabilay 73 xubnood oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Dhexe ee KULMIYE ugu jira beelaha deegaannada Gabiley, Hargeysa iyo Saaxil (Subeer Awal), ayaa lagaga<\/p>\n<p>wada-hadlay mustaqbalka siyaasiga ah ee xisbiga kadib xilka Madaxweynaha ee hadda, gaar ahaan shirka golaha dhexe ee loo qorsheeyey 10-ka bisha November 2015 iyo tartanka loogu jiro murrashaxnimada madaxweynenimo ee cidda xisbiga u meteli doonta doorashooyinka soo socda.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Kulankan oo ka sakow aqlabiyadda golaha dhexe ay goob-joog ka ahaayeen xildhibaannada beesha Subeer Awal ugu jira Golaha Guurtida Somaliland, ayaa sida xubno ka qayb-galay xaqiijiyeen waxa halkaasi qof qof looga yeedhiyey magacyada iyo saxeexa 73 xubnood ee golaha dhexe oo shan ka mid ah oo hawlo shaqo ku maqan mooyee inta kale xaadir ahayd, kuna jiraan wasiirrada beesha ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo iyagana badankoodu madasha fadhiyey, kuwaas oo dhammaantood isku raacsan taageerada murrashaxnimada Madaxweynenimo ee Guddoomiye Muuse Biixi.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Odayaal ku hadlayey afka xubnaha golaha dhexe iyo xildhibaannada Guurtida oo hadallo ka jeediyey shirka, ayaa u soo bandhigay Madaxweyne Siilaanyo qorshahooda ay aqlabiyadda beel ahaan u gaadheen oo ah inay si buuxda u taageersan yihiin Muuse Biixi Cabdi in lagu doorto shirka golaha dhexe, sidaasi darteedna, Madaxweyne Siilaanyo ahaan ay ka doonayaan inuu la barbar-istaago taageeradiisa oo la dhiso, inkastoo ay xasuusiyeen inay isaga laftiisa dhisayaan oo ay taageerayaan haddii uu mar kale u tartamayo xilka Madaxweynenimo.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Xubnaha golaha dhexe u hadlayey oo ay ka mid ahaayeen; Xildhibaan Axmed Xasan Aadan (Waysa-cadde), Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe (Kacaan), Maxamed Cabdillaahi Cabsiiye, Axmed Xaashi Oday, Muxumed Aw Cabdi, Axmed Xaashi Cabdi, Canab Cumar Ileeyey iyo Mustafe Waxdad, waxay dhammaantood tilmaamo ka bixiyeen sida uu ku yimi go\u2019aankoodan oo ka dhashay tallaabooyin hore guddiyo iyo madax-dhaqameedka beeshu ugu kala reebeen murrashaxiinta.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Sidoo kale, Xildhibaannada Golaha Guurtida ee kulanka joogay oo ay u hadleen Md. Muxumed Aw Axmed, Md. Suldaan Ismaaciil Sul. Cabdiraxmaan iyo Md. Saleebaan Garas, ayaa uga mahad-celiyey Madaxweynaha shirka uu ku qaabilay iyo dhegaysiga taladooda.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Ugu dambayntii, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo, ayaa hadal kooban uu madasha ka jeediyey, waxa uu si buuxda u aqbalay inuu taageerayo murrashaxnimada Muuse Biixi Cabdi, isagoo u sheegay aqlabiyadda Xildhibaannada iyo odayaashaasi inay haystaan taageeradiisa, sidaasi darteedna ay ka hawl-galaan sidii loo heli lahaa taageerada dadka deegaannada kale ee Xisbiga xubnaha ka ah. Waxa kaloo uu Madaxweynuhu uga mahad-celiyey siyaasiyiinta iyo waxgaradka uu la kulmay iyo degaamadoodaba sida wanaagsan ee ay ula soo shaqeeyeen xisbiga iyo dawladdiisaba.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Madaxweynaha waxa kulankaas ku wehelinayey Madaxweyne-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi iyo Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Marreexaan) oo ka tirsan Golaha Wakiillada, waxaannu shirkaasi ku soo gabogaboobay is faham buuxa.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ahna odayga xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa aqbalay taageerada murrashaxnimada Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ee jagada Madaxweynenimo ee Xisbiga gudihiisa. Madaxweyne Siilaanyo oo xalay xarunta Madaxtooyada ku qaabilay 73 xubnood oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Dhexe ee KULMIYE ugu jira beelaha deegaannada Gabiley, Hargeysa iyo Saaxil (Subeer Awal), [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":14733,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-14732","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-3PC","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14732","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=14732"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14732\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=14732"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=14732"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=14732"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}