{"id":14721,"date":"2015-10-22T19:38:37","date_gmt":"2015-10-22T19:38:37","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=14721"},"modified":"2015-10-22T19:38:37","modified_gmt":"2015-10-22T19:38:37","slug":"maansadi-waa-dareenkayga-aan-ku-taageerayo-musharax-maxamed-biixi-yoonis","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/10\/22\/maansadi-waa-dareenkayga-aan-ku-taageerayo-musharax-maxamed-biixi-yoonis\/","title":{"rendered":"Maansadi waa dareenkayga aan ku taageerayo Musharax Maxamed Biixi Yoonis"},"content":{"rendered":"<div class=\"newscontent\">\n<p>Dadkaygoow dalkaygoow<br \/>\nDamacayga madaxnimo<br \/>\nDalka inaan hoggaanshaa<br \/>\nDadka inaan u taliyaa<br \/>\nDaaro inaan ka seestiyo<br \/>\nInaan doolar ka hantiyo<br \/>\nInaan qolo durduurshiyo<br \/>\nDano gaara kama lihi<br \/>\nIyo xukun diktaytara<\/p>\n<p>Dadkaygoow dalkaygoow<br \/>\nDamacayga madaxnimo<br \/>\nDalka inaan hoggaamiyo<br \/>\nWaxan uga dan leeyahay<br \/>\nInaan Daa\u2019im la cuskado<br \/>\nDanta guud inaan tolo<br \/>\nIsku dayo dal iyo dibad<br \/>\nDadka waxan u qaban laa<br \/>\nDumarkiyo carruurtiyo<br \/>\nDa\u2019yartiyo iyo agoomaha<br \/>\nAan daryeel u sara kaco<br \/>\nOy daacad iga tahay<br \/>\nHaddii Daa\u2019imku aqbalo<br \/>\nDadkaygoow dalkaygoow<br \/>\nDamacayga madaxnimo<br \/>\nDalka inaan hoggaamiyo<br \/>\nWaxan uga dan leeyahay<br \/>\nDarajada aqoontiyo<br \/>\nDiblamaasinimadiyo<br \/>\nKhibradayda duugga ah<br \/>\nDalka inaan hore u wado<br \/>\nIlaahay ha daaye<br \/>\nDuco qabo walaalkay<br \/>\nHalkuu maanta daajiyay<br \/>\nInaan daaqsiin kale furo<br \/>\nDardargeliyo hawlaha<br \/>\nKhayraadka dihiniyo<br \/>\nNimco kuu daboollayd<br \/>\nInaan dawyo badan furo<br \/>\nDanta guud u hagar baxo<\/p>\n<\/div>\n<p>Dadkaygoow dalkaygoow<br \/>\nDamacayga madaxnimo<br \/>\nDalka inaan hoggaamiyo<br \/>\nWaxan uga dan leeyahay<br \/>\nDiblomaasi baan ahay<br \/>\nDawladaha Midoobiyo<br \/>\nDuwalka Afrikaadiyo<br \/>\nDunidaba dhammaanteed<br \/>\nNin la doodayaan ahay<br \/>\nOon daah ka saarrayn<br \/>\nDulucdaydu waxay tahay<br \/>\nDoonisteennaa qaranimo<br \/>\nHalkay daarantahay talo<br \/>\nKa dalbado aqoonsiga<br \/>\nDoorka u horreeyaba<br \/>\nIsagoo dardaro qaba<br \/>\nIctiraafki soo dego<\/p>\n<p>Dadkaygoow dalkaygoow<br \/>\nMaxaan daalacanayaa<br \/>\nDalka horumarkiisiyo<br \/>\nDaabbadii aqoonsiga<br \/>\nDariiqaan u marilaa<br \/>\nImmikaan ku daba jiray<br \/>\nAnoo duubka qaatana<br \/>\nWuu ka soo degdegi laa<\/p>\n<p>Dadkaygoow dalkaygoow<br \/>\nDamacayga madaxnimo<br \/>\nHoggaan daacadaan ahay<br \/>\nDalkaan kala aqaannaa<br \/>\nDadkaan wada aqaannaa<br \/>\nDugsiyada aqoontiyo<br \/>\nDuruustaan u bixin jiray<br \/>\nDa\u2019yartaan wax soo baray<br \/>\nMaantaana daryeelkood<br \/>\nDaacad baan u wada ahay<br \/>\nDiriraha sokeeyiyo<br \/>\nDadka kala gurkiisiyo<br \/>\nDulmigiyo iyo qabiilkiyo<br \/>\nDirka xukun diktaytar ah<br \/>\nNinka diidan baan ahay<br \/>\nMidnimada danteediyo<br \/>\nDalka wada jirkiisiyo<br \/>\nIsku duubnideenniyo<br \/>\nDoonista ictiraafkiyo<br \/>\nSumcadeenna dibadaba<br \/>\nNinka doonayaan ahay<\/p>\n<p>Dalkaygoow dadkaygoow<br \/>\nShirka loo doceeyay<br \/>\nHaddii laygu doortiyo<br \/>\nHaddii lay duceeyaba hooggaan daacadaan ahay<\/p>\n<p>Maansadi waa dareenkayga aan ku taageerayo Musharax Maxamed Biixi Yoonis<\/p>\n<p>Muna Cabdillaahi<br \/>\nBurco, Somaliland<\/p>\n<p>21kii October 2015<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dadkaygoow dalkaygoow Damacayga madaxnimo Dalka inaan hoggaanshaa Dadka inaan u taliyaa Daaro inaan ka seestiyo Inaan doolar ka hantiyo Inaan qolo durduurshiyo Dano gaara kama lihi Iyo xukun diktaytara Dadkaygoow dalkaygoow Damacayga madaxnimo Dalka inaan hoggaamiyo Waxan uga dan leeyahay Inaan Daa\u2019im la cuskado Danta guud inaan tolo Isku dayo dal iyo dibad Dadka waxan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":14724,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[5,3,10],"tags":[],"class_list":["post-14721","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-aragtidda-dadweynaha","category-arimaha-bulshada","category-featured"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-3Pr","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14721","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=14721"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14721\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=14721"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=14721"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=14721"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}