{"id":14645,"date":"2015-10-20T12:55:14","date_gmt":"2015-10-20T12:55:14","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=14645"},"modified":"2015-10-20T12:55:14","modified_gmt":"2015-10-20T12:55:14","slug":"faadumo-saciid-oo-cambaaraysay-iibinta-iibinta-xarunta-waxbarashada-haweenka-ee-womens-club-ka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/10\/20\/faadumo-saciid-oo-cambaaraysay-iibinta-iibinta-xarunta-waxbarashada-haweenka-ee-womens-club-ka\/","title":{"rendered":"Faadumo Saciid oo cambaaraysay iibinta iibinta xarunta waxbarashada haweenka ee Women\u2019s club-ka"},"content":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)Faadumo Siciid, la taliyaha arrimaha dibadda ee guddoomiyaha Waddani, ayaa cambaaraysay iibinta iibinta xarunta waxbarashada haweenka ee Women\u2019s club-ka oo la sheegay in dad gaar ah xukumadda ka iibisay.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>\u201cMarka maanta meeshii yarayd ee haweenku iskugu imanayeen ee wax ku baranayeen ee ay ku mededaalanayeen ee Women\u2019s club-kii , dawladdii dhammayd ee Somaliland iibisay markay wax walba soo cuntay ee wax walba soo dhammaysay ee meel kale oo ay hujuunto wayday, markay hoygii yaraa ee haweenka ee Women\u2019s Club-ka u soo fadhiisatay ay Iibisay maxaa Somaliland u hadhsan,\u201d ayay tidhi Marwo Faadumo.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Lataliyaha guddoomiyaha Waddani Marwo Faadumo Siciid waxay ku dooday in iibinta guriga qadiimiga ah ee haweenku sababi doonto tahriibta haweenka \u201c Dhalinyaradii shaqo la\u2019aan iyo mustaqbal la\u2019aan ayay u tahriibeen, ma hooyooyinka ayaa la doonayaa in iyagana wadadaas lagu tuuro? Dawladdi ma hadhin, wax allaale wax haykal dawladeed ah oo hadhsani ma jiro. waa dawlad siday u taagnayd burburtay, abuur baa dhexda ka cunay. Madaxtooyada ayaa aboor ku noqotay qaranimadii, dastuurkii iyo dawladnimadii,\u201d ayay tidhi Faadumo Siciid.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Ugu dambeyn waxay farriin u dirtay haweenka wasiirada ka ah xukumadda Siilaanyo \u201c Waxaan la hadlayaa dumarka wasiirada ah ee ku jira dawladdan mustaqbal la\u2019aanta inagu riday, Marwada koobaad ayaan la hadlayaa, waxaan idin leeyahay xageed dumarkayagii dhigteen, xageed magacayagii iyo sharaftayadii maanta dhigteen, markaad hantidii dumarka Iibiseen ee Women\u2019s clubk-kii iibiseen maxaa ku xiga eenu idinka filaa,\u201d ayay tidhi Faadumo Siciid oo kula talisay wasiirada dumarka ah iyo marwada madaxweynaha inay dib isugu noqdaan lana daayo guriga haweenku wax ku baranayeen.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Wasaaradda waxbarashada ayaan wali ka hadal arrintan.\u00a0 Haseyeeshe xaruntan ayaa muhiim u ah waxbarashada haweenka, waxaana wax ka barta haween tiro badan oo ka kala yimaada daafaha kala duwan ee caasimadda. Haddii uu iibkeedu hirgalo waxa ay noqon doontaa dhaawac soo gaadhay waxbarashada da\u2019d ban ee Somaliland.<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargaysa Desk<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)Faadumo Siciid, la taliyaha arrimaha dibadda ee guddoomiyaha Waddani, ayaa cambaaraysay iibinta iibinta xarunta waxbarashada haweenka ee Women\u2019s club-ka oo la sheegay in dad gaar ah xukumadda ka iibisay. &nbsp; \u201cMarka maanta meeshii yarayd ee haweenku iskugu imanayeen ee wax ku baranayeen ee ay ku mededaalanayeen ee Women\u2019s club-kii , dawladdii dhammayd ee Somaliland iibisay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":14646,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-14645","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-3Od","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14645","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=14645"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14645\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=14645"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=14645"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=14645"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}