{"id":14598,"date":"2015-10-17T17:20:18","date_gmt":"2015-10-17T17:20:18","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=14598"},"modified":"2015-10-17T17:20:18","modified_gmt":"2015-10-17T17:20:18","slug":"diwaangelinta-xubnaha-golaha-dhexe-ee-kulmiye-oo-bilaabantay-iyo-xubno-miisaan-leh-oo-qaatay-kaadhadhkooda-aqoonsiga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/10\/17\/diwaangelinta-xubnaha-golaha-dhexe-ee-kulmiye-oo-bilaabantay-iyo-xubno-miisaan-leh-oo-qaatay-kaadhadhkooda-aqoonsiga\/","title":{"rendered":"Diwaangelinta Xubnaha Golaha Dhexe Ee Kulmiye Oo Bilaabantay Iyo Xubno Miisaan Leh Oo Qaatay Kaadhadhkooda Aqoonsiga"},"content":{"rendered":"<p>Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE oo faahfaahiyey hawsha diiwaangelinta + xubnaha miisaanka leh ee qaatay kaadhadhka<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/10\/Diwaan-SC_3951.png\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-14600\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/10\/Diwaan-SC_3951.png?resize=500%2C332\" alt=\"Diwaan SC_3951\" width=\"500\" height=\"332\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/10\/Ku2-DSC_3951.png\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-14601\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/10\/Ku2-DSC_3951-300x199.png?resize=300%2C199\" alt=\"Ku2 DSC_3951\" width=\"300\" height=\"199\" \/><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Hargeysa ( AN):&#8211; Diiwaangelinta Golaha Dhexe ee KULMIYE iyo qaadashada kaadhadhka aqoonsiga xubanimo, ayaa si rasmi ah uga bilaabmay xarunta dhexe ee xisbigu ku leeyahay magaalada Hargeysa maanta.<\/p>\n<p>Diiwaangelintan iyo bixinta aqoonsigan oo qayb ka ah hawlaha u diyaargarowga shirka 5-aad ee Golaha Dhexe ee xisbal-xaakimka KULMIYE oo u muddaysan 10-ka bish November ee sannadkan 2015, ayaa ku bilaamantay si dardar leh maalintii kowaad ee waqtiga loo asteeyey dhammaystirka qaadashada kaadhadhka golaha dhexe oo loo qorsheeyey muddo toddobaad ah.<br \/>\nIlaa boqol xubnood oo ka mid Golaha Dhexe ee xisbiga oo ay ku jiraan masuuliyiin xilal ka haya hay\u2019adah dawladda oo uu<\/p>\n<p>ka mid yahay Maayarka Caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa noqday xubnihii ugu horreeyey ee galay diiwaanka rasmiga ah ee qaatay aqoonsiga ka qaybgalka shirka golaha dhexe.<\/p>\n<p>Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed oo shir jaraa\u2019id ku qabtay xarunta xisbiga saaka, ayaa ku dhawaaqay bilowga hawsha diiwaangelinta iyo bixinta kaadhadhka xildhibaannada golaha dhexe ee ka qaybgalaya shirka.<\/p>\n<p>\u201cSaaka oo Sabti ah waxa xarunta xisbiga KULMIYE ka bilaamay samaynta kaadhadhka aqoonsiga xubnaha golaha dhexe ee ka qaybgalaya shirka 10-ka bisha November bilaamaya. Inkasta oo siyaabo kala duwan ay dadka qaarkood u sheegeen, haddana had iyo jeer marka shir la galayo dadka ka qaybgalaya waxa loo sameeyaa aqoonsi, waxa keliya ee la samaynayaa waxa weeye kaadhka aqoonsiga xubin kastoo golaha dhexe ah oo liiskoodu kan i horyaala yahay,\u201d ayuu yidhi Maxamed Kaahin.<\/p>\n<p>Waxa kaloo uu sharraxay qaabka loo diiwaangelinayo xubnaha, waxaannu yidhi, \u201cSamaynta kaadhka golaha dhexe waxaannu u samaynay foom la yidhaa warqadda caddaynta xubinta golaha dhexe oo qof kasta marka lagu caddeeyo inuu ku jiro liiska, waxa loo jarayaa madbacad daabacaysa, nuqul koobi ahna waxa uu u hadhayaa xarunta xisbiga, laba sawir oo laga qaadanaya mid waxa lagu samaynayaa kaadhka aqoonsiga, ka kalena waxa uu kayd u ahaanayaa xisbiga.\u201d<\/p>\n<p>Dhinaca kale, Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad waxa uu sheegay in golahan dhexe ee loo samaynayo aqoonsigu yahay liiska sharciga ah ee ka soo baxay shirweynihii u dambeeyey ee xisbigu yeesho, isla markaana uu yaalo dhammaan hay\u2019adaha sharciga ee ku shaqada leh.<br \/>\nLiiskan golaha dhexe waxa saxeexay guddoomiyihii shirweynaha oo wasiir Cadami ah iyo lix xubnood oo shirka la guddoominaye, koobi kasta oo liiskan ahi waa uu saxeexanyahay, liiskani wuxuu yaalaa Maxakamadda Sare, Xeer-ilaalinta, waxa uu yaalaa guddida diiwaangelinta ururrada siyaasiga ah iyo xisbiyada, wuxuu yaal Komishanka Doorashooyinka, waxa haya guddidii Guurtida ee ka gara naqday khilaafkii xisbiga kadib shirweynihiisii u dambeeyey,\u201d ayuu intaa raaciyey Maxamed Kaahin.<br \/>\nArabsiyonews.com Office Gabiley<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE oo faahfaahiyey hawsha diiwaangelinta + xubnaha miisaanka leh ee qaatay kaadhadhka &nbsp; Hargeysa ( AN):&#8211; Diiwaangelinta Golaha Dhexe ee KULMIYE iyo qaadashada kaadhadhka aqoonsiga xubanimo, ayaa si rasmi ah uga bilaabmay xarunta dhexe ee xisbigu ku leeyahay magaalada Hargeysa maanta. Diiwaangelintan iyo bixinta aqoonsigan oo qayb ka ah hawlaha u diyaargarowga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":14601,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-14598","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-3Ns","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14598","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=14598"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14598\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=14598"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=14598"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=14598"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}