{"id":14569,"date":"2015-10-16T16:47:59","date_gmt":"2015-10-16T16:47:59","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=14569"},"modified":"2015-10-16T16:47:59","modified_gmt":"2015-10-16T16:47:59","slug":"tababarihii-xulka-kubadda-cagta-ee-gobolka-saaxil-iyo-15-kamid-ah-ciyaartoydii-gobolkaas-oo-iska-casilay-kasiimid-ahaanshaha-xulka-gobolka-saaxil-iyo-sababaha-xiligan-ku-kalifay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/10\/16\/tababarihii-xulka-kubadda-cagta-ee-gobolka-saaxil-iyo-15-kamid-ah-ciyaartoydii-gobolkaas-oo-iska-casilay-kasiimid-ahaanshaha-xulka-gobolka-saaxil-iyo-sababaha-xiligan-ku-kalifay\/","title":{"rendered":"Tababarihii  Xulka Kubadda Cagta Ee Gobolka Saaxil  IYO 15 kamid ah ciyaartoydii gobolkaas oo iska casilay kasiimid ahaanshaha  xulka Gobolka Saaxil iyo sababaha xiligan ku kalifay"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN)- Tababarihii xulka kubadda cagta ee gobolka Saaxil, Mr. Maxamed Axmed Ismaaciil (Shakuur), ayaa shaaca ka qaaday inuu gabi-ahaanba iska casilay xilkii tababarenimo ee gobolka Saaxil, ka dib markii sida uu sheegay uu dhibaatooyin badan kala kulmay Badhasaabka Gobolka iyo isku-duwaha ciyaaraha Saaxil.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Tababare Maxamed Axmed Ismaaciil (Shakuur), ayaa xulka gobolka Saaxil u hoggaamiyay inay u soo gudbaan tartanka ciyaaraha gobolladda ee \u00a0siddeed dhammaadka \u00a0(quarter final)-ka oo maalmaha soo socda \u00a0ka bilaabmi doona garoonka kubadda cagta ee \u00a0Magaaladda Hargeysa.<\/p>\n<p>Tababaraha xulka Gobolka Saaxil oo galabta u warramayay shabakadda Gudugdenews, waxa uu sheegay in isaga iyo 15 ciyaartoy oo ka tirsan xulkiisii ay gabi ahaanba iska casileen xulka kubadda cagta Saaxil.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>\u201cWaxaan Caddaynayaa inaan maanta iska casilay tabobarenimaddii xulka Gobolka Saaxil oo aan si weyn oo daacadnimo leh u carbiyay oo aan ku guulaystay inay u soo gudbaan wareega labaad ee tartanka ciyaaraha gobollada ama sideed dhammaadka, hase yeeshee aan xilkaa iska casilay markii ay dhibaatooyin badan iyo wada shaqayn la\u2019aan aan kala kulmay Badhasaabka Gobolka iyo Isku-duwaha ciyaaraha gobolka Saaxil,\u201dayuu yidhi Tababare Shakuur.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Maxamed Axmed Ismaaciil (Shakuur)\u00a0 oo ka hadlayay asbaabaha\u00a0 iscasilaadiisa dhaliyay waxa uu yidhi \u201cWaxa kale oo iscasilaadaydan igu weheliya 15 ciyaartoy oo 11 aan ka kaxeeyay Magaaladda Hargeysa iyo\u00a0 4 ciyaar-yahan oo aanu ka keenay degmadda Sheekh ee gobolka Saaxil, maamulka gobolku xataa waxay garan waayeen inay na weydiiyaan xaalladda ciyaartoy naga dhaawacmay oo aan jeebadayda ka daweeyay. Taasina waa arrin aanan marnaba filaynin. Waxa kale oo ay nagu hayeen faro-gelin kala duwan oo aan xul ahaan u wanaagsanayn .\u201d<\/p>\n<p>Tababare Shakuur waxa uu ka mid ahaa ciyaar-yahanadii waaweynaa ee gobolkii Waqooyi\u00a0 galbeed xilligii Soomaaliya. Waxa uu tartankii ciyaaraha gobollada ee kan ka horeeyay ahaa macalinka xulka kubadda cagta ee Daad-madheedh, waxaanu soo gaadhsiiyay\u00a0 wareega afar dhammaadka (Semi-final)-ka.<\/p>\n<p>Iscasilaada tababarahan iyo ciyaartoygiisu waxay caqabad\u00a0 ku noqonayaan\u00a0 xulka Kubbadda cagta Saaxil oo sannadihii u dambeeyay oo dhan ku hadhi jiray wareega koowaad, hase yeeshee sannadkan sameeyay horumar balaadhan.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Xigasho Gudgudenews.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN)- Tababarihii xulka kubadda cagta ee gobolka Saaxil, Mr. Maxamed Axmed Ismaaciil (Shakuur), ayaa shaaca ka qaaday inuu gabi-ahaanba iska casilay xilkii tababarenimo ee gobolka Saaxil, ka dib markii sida uu sheegay uu dhibaatooyin badan kala kulmay Badhasaabka Gobolka iyo isku-duwaha ciyaaraha Saaxil. &nbsp; Tababare Maxamed Axmed Ismaaciil (Shakuur), ayaa xulka gobolka Saaxil u [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":14570,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-14569","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-3MZ","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14569","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=14569"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14569\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=14569"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=14569"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=14569"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}