{"id":14520,"date":"2015-10-15T15:44:56","date_gmt":"2015-10-15T15:44:56","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=14520"},"modified":"2015-10-15T15:44:56","modified_gmt":"2015-10-15T15:44:56","slug":"gudoomiyaha-maxkamada-sare-ee-somaliland-oo-habka-garsoorka-dalku-u-shaqeeyo-sharaxaad-kaga-bixiyey-shir-caalami-ah-oo-uu-ka-qaybgalay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/10\/15\/gudoomiyaha-maxkamada-sare-ee-somaliland-oo-habka-garsoorka-dalku-u-shaqeeyo-sharaxaad-kaga-bixiyey-shir-caalami-ah-oo-uu-ka-qaybgalay\/","title":{"rendered":"Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo Habka Garsoorka  Dalku U Shaqeeyo Sharaxaad Kaga Bixiyey Shir Caalami Ah Oo Uu Ka Qaybgalay"},"content":{"rendered":"<p>Nairobi (AN) &#8211; Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo ta Dastuuriga ah ee JSL ayaa ka qayb galay laba shir oo caalami ah. Shirka hore waxa uu ku saabsanaa \u201cShuruuucda oo la is waydaarsadaa doorka ay ka ciyaarto xoojinta Dawlanimo sharci\u00a0 ku dhisan\u00a0 iyo\u00a0\u00a0 maamulka\u00a0 ku dhisan hanaanka Axsaabta badan ee Qaarada Africa\u201d(Open Law- Africa Conference 2015,\u00a0 the free Access to Law in deepening\u00a0 Rule of Law and Democracy ),\u00a0 waxaanu ka dhacay Nariobi, Kenya, 12-13 Octorber,\u00a0 waxa soo wada\u00a0 qabanqaabiyay\u00a0 African Legal Information Institute (AfricanLii) , SAFLII ( South African legal information institute), University of Cape Town iyo\u00a0 Kenya Law.<\/p>\n<p>Shirka labaad waxa uu ahaa shirkii ugu horeeyay ka dhaca Africa\u00a0 kuna saabsanaa isku imaantinkii ugu horeeyay ee si cilmiyaysan looga hadalo Hirgalinta sharciyada Deegaanka si loo xoojiyo maamul wanaaga, cadaalada iyo sharciga Degaanka\u00a0 (1st Africa Colloquium on Environmental Rule of Law &#8211; Towards Strengthened Environmental Governance, Justice and Law), waxaanu ka dhacay Nairobi 14-16 Octoober. Waxaana soo qaban qaabiyay UNEP, Konrad Adenauer Stiftung iyo Machadaka Tababarka Garsoorka ee Kenya.<\/p>\n<p>Shirka\u00a0 hore waxa maalintiisa\u00a0 hore ka soo qayb galay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Wadanka Kenya, Dr. Willy Mutunga. Waxaanu ka jeediyay khudbadii furtiaanka oo\u00a0 gudibinaysay fariin ah\u00a0 in hadii Afrika xaga sharciga isu furto in ay khibradooda\u00a0 is waydaarsandoonaan,\u00a0 isla markaana \u00a0la heli doono wada shaqayn fiican iyo Cadaalada oo sare u kacda.<\/p>\n<p>Waxa isaguna Kalamadii furitaanka ka jeediyay Gudoomiyaha Maxkada Sare ee JSL, Prof. Adam Xaaji-Cali Axmed,\u00a0 isagoo ka jeediyaya khudbadan gubinaysay fariin ah in Afrika aan isku meel taagnayn laakin wax la kala barankaro sidaa awgeed waxa muhiim ah in laga yeesho Qorshe iyo siyaasad cad Guud ahaan Afrika iyo Qaybaheeda kale duwan ba.<\/p>\n<p>Dhinaca kale Gudoomiyaha Maxkada Sare waxa ay kulan Gaaban wada qaateen Gudoomiyaha Maxkada\u00a0 Sare ee Kenya iyaga oo ku balamay in ay kulan dheer isugu yimaadaan Maalinta Khamiista ee 15 Octoobar si ay ugu sheekaystaan iskaashi iyo walliba sidii ay Somaliland wax uga baran lahayd nidaamka Garsoorka Kenya oo aad u hor marsan.<\/p>\n<p>Shirka labaad\u00a0 waxa uu ku saabsanaa Hirgalinta sharciyada iyo Siyaasadaha Ilaalinta Deegaanka oo waxa hogaaminaayay Hay\u2019adda u qaabilsan Qaramada Midoobay Xaga deegaanka ee UNEP. Macluumaadka ku saabsan shirkan waxa laga heli karaa link hoos ku yaala.<\/p>\n<p>Gebagebadii Shirka hore waxa la isla qaatay in Dawladaha Barig Africa ay samaystaan isku xidh iyo qorshe ay isku kaashaadaan xaga isu gudbinta sharciga iyo Go\u2019aamada Garsoorka.<\/p>\n<p>Shirka labaadna waxa la raynayaa in ay ka soo baxaan qodoba Afrika ay sharciyada Deegaanka ku hergaliyaan oo la isla ogol yahay.<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargaysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Nairobi (AN) &#8211; Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo ta Dastuuriga ah ee JSL ayaa ka qayb galay laba shir oo caalami ah. Shirka hore waxa uu ku saabsanaa \u201cShuruuucda oo la is waydaarsadaa doorka ay ka ciyaarto xoojinta Dawlanimo sharci\u00a0 ku dhisan\u00a0 iyo\u00a0\u00a0 maamulka\u00a0 ku dhisan hanaanka Axsaabta badan ee Qaarada Africa\u201d(Open Law- Africa Conference 2015,\u00a0 [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-14520","post","type-post","status-publish","format-standard","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-3Mc","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14520","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=14520"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14520\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=14520"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=14520"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=14520"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}