{"id":14453,"date":"2015-10-13T21:17:04","date_gmt":"2015-10-13T21:17:04","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=14453"},"modified":"2015-10-13T21:17:04","modified_gmt":"2015-10-13T21:17:04","slug":"wasiirka-warshadaha-somaliland-oo-si-buuxda-u-taageeray-murrashaxnimada-guddoomiyaha-kulmiye","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/10\/13\/wasiirka-warshadaha-somaliland-oo-si-buuxda-u-taageeray-murrashaxnimada-guddoomiyaha-kulmiye\/","title":{"rendered":"Wasiirka Warshadaha Somaliland oo si Buuxda u Taageeray Murrashaxnimada Guddoomiyaha KULMIYE"},"content":{"rendered":"<div class=\"AppContainer\">\n<div id=\"c_base\" class=\"c_base\">\n<div id=\"c_content\" class=\"c_main\">\n<div id=\"pageContent\">\n<div id=\"pageInbox\" class=\"v-Page\">\n<div id=\"inboxControl0f\">\n<div class=\"containsYSizerBar\">\n<div class=\"ContentRight FullView\" data-link=\"class{:~tag.contentRightClass(Layout.IsFullView, Layout.ReadingPaneMode)}\">\n<div class=\"ContentRightInner t_mbgc t_qtc t_urtc\">\n<div id=\"inboxControl0fv-ReadMessageContainer\" class=\"v-ReadMessageContainer slideOnResize\" tabindex=\"-1\">\n<div class=\"c-ReadMessage\" data-link=\"class{readMessageClass: ~tag.Show}\">\n<div id=\"ReadMessageScrollableSection\" class=\"rmMessages ClearBoth\" tabindex=\"-1\">\n<div id=\"readMessagePartControl405f\" class=\"c-ReadMessagePart ReadMsgContainer HasLayout ClearBoth HideShadows FullPart NoHistory Read RmIc\" data-link=\"class{:~tag.getHeaderCssClass(IsConversationPart, IsRead, IsDraft, IsTrustedSender, Items.length)}\">\n<div class=\"c-ReadMessagePartBody\" data-link=\"class{getClass:IsBodyExpanded}\">\n<div class=\"readMsgBody\">\n<div id=\"bodyreadMessagePartBodyControl410f\" class=\"ExternalClass MsgBodyContainer\" data-link=\"class{:~tag.cssClasses(PlainText, IsContentFiltered)}\">\n<div dir=\"ltr\">\n<p class=\"\">Hargeysa (AN )- Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Somaliland Md. Shucayb Maxamed Muuse, ayaa si buuxda u taageeray murrashaxnimada madaxweynenimo ee Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ee lagu dooran doono shirka Golaha Dhexe ee la qabanayo 10-ka bisha soo socota ee November.<\/p>\n<p class=\"\">Wasiir Shucayb oo warbaahinta kula hadlay madaarka diyaaraha ee Hargeysa maanta, kadib markii uu ka soo laabtay socdaal shaqo oo uu ku tagay dalka Holland, waxa uu sheegay in Guddoomiye Muuse Biixi xaq badan ku leeyahay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, sidaasi darteedna aan cidna la barbar-dhigi karin.<\/p>\n<p class=\"\">Md. Shucayb oo ka hadlaya baaxadda loollanka tartanka KULMIYE iyo sababta uu u taageeray Guddoomiyihiisa waxa uu yidhi, \u201cWaxa soo dhaw shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo laga hadal hayo dal iyo dibadba, waxa laga hadlayaana waa culayska xisbigu leeyahay iyo ahmiyadda uu u leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland iyo weliba inuu yahay xisbiga ugu awoodda badan oo muddadii shanta sanno ee uu hayey xilka dalka waxqabad badan ka qabtay, sidaa darteed, looma baqayo xisbiga.<\/p>\n<p class=\"\">Waxaan si buuxda u taageersanahay oo aan la qabaa go\u2019aankii ay gaadheen dadka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE u matalaya deegaannada Subulaha ilaa Saaxil, waxaynu dhisaynaa Guddoomiyaha xisbiga Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, waayo ummad waliba taariikh bay leedahay, waddankuna halgan dheer buu soo maray, halgankaasi dalku soo maray maalintii loo baahnaa in loo dhinto ama qoriga la qaato ninkii qaatay baa maantana xaq u leh oo aynu taageeraynaa.\u201d<\/p>\n<p class=\"\">Waxa kaloo uu xusay in shacabka reer Somaliland oo abaalka gudi yaqaan ay ogyihiin cidda xaqa ku leh, sidaa darteedna aan loo baahnayn in cid kale lala tartansiiyo Muuse Biixi oo weliba baahida waddanku u qabaa joogto.<\/p>\n<p class=\"\">\u201cShacabka reer Somaliland waa dad garanaya abaalka uu qof u galo, markaa waxaan odhan lahaa in aan cidna la tartansiinayn maanta oo ay arkayaan cidda Qarankan iyo shacabka reer Somaliland-ba dan u ah, xaqna u leh runtii, annagoon dadka kalena ceebaynayn, laakiin waxaan soo jeedinayaa oo aannu taageersanahay oo hiil iyo hooba la garab-taaganahay inuu mujaahid Muuse Biixi Cabdi noqdo madaxweynaha mustaqbalka Jamhuuriyadda Somaliland. In badan waxa lagu celceliyaa waddanku wuu dhaafay xilligii maxayga iyo xilligii\u2026waddankani cadow badan oo dal iyo dibadba leh buu leeyahay, in la difaaco oo loo dhinto madax iyo mijo, qallinkuna shaqeeyo ayaan soo jeedinayaa,\u201d ayuu yidhi Wasiirka Warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse.<\/p>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<p class=\"\">Arabsiyonews.com<\/p>\n<p class=\"\">Hargaysa Office<\/p>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"v-InboxFooterContainer\">\n<div class=\"c-PageFooter Unselectable\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN )- Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Somaliland Md. Shucayb Maxamed Muuse, ayaa si buuxda u taageeray murrashaxnimada madaxweynenimo ee Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ee lagu dooran doono shirka Golaha Dhexe ee la qabanayo 10-ka bisha soo socota ee November. Wasiir Shucayb oo warbaahinta kula hadlay madaarka diyaaraha ee Hargeysa maanta, kadib markii uu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":14454,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-14453","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-3L7","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14453","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=14453"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14453\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=14453"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=14453"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=14453"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}