{"id":14281,"date":"2015-10-11T08:30:54","date_gmt":"2015-10-11T08:30:54","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=14281"},"modified":"2015-10-11T08:30:54","modified_gmt":"2015-10-11T08:30:54","slug":"sheekadii-dhexmartay-marwooyinka-aamina-weris-iyo-marwo-hudda-barkhad","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/10\/11\/sheekadii-dhexmartay-marwooyinka-aamina-weris-iyo-marwo-hudda-barkhad\/","title":{"rendered":"Sheekadii Dhexmartay Marwooyinka Aamina Weris Iyo Marwo Hudda Barkhad"},"content":{"rendered":"<p><em><strong>By. Arraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist<\/strong><\/em><\/p>\n<p>Waxay ahayd 27 Sep 2015, markii ay si lama filaan ah ugu kulmeen Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamina Maxamed Jirde (Aamina Weris) iyo Marwada Madaxweynihii hore ee Somaliland Hudda Barkhad, Madaarka Magaalada H\u00e0rgeysa ee Egal International Airport.<\/p>\n<p>Marwo Aamina Weris waxay l\u00e0 socotay seygeeda Madaxweynaha Somaliland Axmed oo kusii jeeday dalka Irel\u00e0nd oo Casuumad rasmi ah ka helay Madaxweynaha dalka Ireland Michael D Higgins, b\u00e0lse Madaxweyne Siilaanyo iyo Marwadiisa, ayaa kusii hakanayay d\u00e0lka Imaraadka Carabta, halk\u00e0 marwadii hore Hudda Barkhad l\u00e0 socotay Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaaale Kaahin oo isaga iyo marwadiisu safar ugu baxayeen d\u00e0lka Imaraadka.<\/p>\n<p>Labada Madaxweyne iyo marwooyinkooda oo ku kulmay Madaarka H\u00e0rgeysa, waxa dhexmartay sala\u00e0n iyo bariido wanaagsan oo noqotay mid ay ka faa,idaysteen siyaasiyiin qardoofooyin siyaasadeed dhexmareen Madaxweynihi hore Daahir Rayaale oo ay hore saaxiibo dhow u ahaayeen Mr. Rayaaale, kuwaas oo laga xusi k\u00e0ro Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland ee xilligan Cali Maxamed Warancadde oo ka faa,idaystay fursadii Labada Madaxweyne Siilaanyo iyo Rayaaale isku bariidiyeen iyo salaantii dhexmartay, taas oo sababtay in Madaxweynihii hore Daahir iyo saaxiibkiisa ay soo wada shaqeeyeen Cali Warancadde oo qardoofooyin siyaasadeed hore isugu tuur-tuurtay is gacan qaadaan.<br \/>\nHase yeeshee arrinta xiisaha gaarka ah lahayd, ayaa noqotay sheekadii dhexmartay Labada Marwo Aamina Weris oo ah Marwada Madaxweyne Siilaanyo Iyo Marwo Hudda Barkhad oo ah Marwada Madaxweynihii hore ee uu t\u00e0lada d\u00e0lka kala wareegay Madaxweyne Siil\u00e0anyo shan san\u00e0dood ka hor.<\/p>\n<p><strong>Marwo Aamina Weris<\/strong>, waxay Marwo Hudda u sheegtay halka uu safarkoodu ku jihaysanyahay iyo inay kusii hakanayaan Dubia oo maalmo joogi doonaan, balse ay ku waajahan yihiin Dalka Ireland oo Madaxweynaha Dalkaa ay casuumad ka heleen, waxayna u sheegtay in ay isku Jamaacad ahaayeen Odaygeeda Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweynaha dalka Ireland Michael D Higgins, oo ay ka wada baxeen Jaamacadda Manchester University, isla markaana ay ku rajo weyntahay in xidhiidhka cusub ee Ireland wax weyn ka tarayo qadiyada Somaliland.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong>Marwo Hudda<\/strong>, ayaa ku tilmaantay arrintaa mid muddan in lagu farxo, waxayna u rajaysay guul. Markaa kadib waxay Aamina Weris oo sheekada la wareegtay u sheegtay in ay dedaalayaan oo albaab walba garaaceen mudadii ay shantaa sanadood xukunka hayeen, isla markaana wax baddan qabteen gudaha iyo dibaddaba, laakiin dedaalkooda iyo waxqabadkooda dadka mucaaradka ah si kale u fasiraan oo bulshada wax aan jirin loo sheegayo si loogu qariyo waxqabadka xukuumadda, iyadoo la leeyahay waxbay cuneen, waxbay qaateen iyo wax aan jirin oo been abuur ah, \u201cwalaal miyaanad arag habeen iyo maalin waxa la akhriyayo ee beenta ah, wax run ahba lama sheegayo, waxbaa la iibiyay, guryay iibsadeen, lacag bay dheceen Qoyska Siilaanyo iyo Aaminaa wax wada, Dekedii Berberaa la iibiyay, Madaaradii baa la iibiyay iyo kun wax oo aan jirin, beentaa ayaa shacbigii lagu afuufayaa\u201d ayay tidhi Marwo Aamina oo si qiiraysan u hadashay.<br \/>\n<strong>Mawro Hudda<\/strong>, ayaa ku jaaabtay, iyadoo u muujinay naxariis iyo inay la dareemay waxa ay ka hadlay, \u201cwalaal Marwo Aamina waa wixii na haystay markaanu xukunka haynay Odaygaygu Albaab walba wuu garaacay, haddana waadigii oggaa wixii nalagu hayay habeen iyo maalin, waxaad is odhanaysaa malaha dadku wanaagba ma sheegaan, waxa habeen iyo maalin la odhan jiray Guryay ka dhisteen Dubia , Faransiiska, Masar, halkaas ayay lacag la mareen, waxaasay wadaan wixii aad ogayd ee malin walba jaraa\u2019idada Hargeysa lagu qorayay, marka la yidhaahdo waar waxan xaggaa ka keenteena afkaa gacanta la gelinayay oo la lahaa xoriyadii saxaafada ayaa la cabudhiyay, waa xukun digtaytar ah.\u201d<br \/>\nMar kale ayay <strong>Marwo Hudda<\/strong> raacisay, \u201cweliba walal anigu waabaan iskaga gaban jiray, maalin baan Cusbitaalka Gebilay dhagax dhigay, wixii iga qabsaday waad ogayd, rag siyaasiyiin ah oo waaweyn oo xisbiyo hoggaamiya, ayaa afka iila kala baxay, adiguse walal Illaahay ha kula qabtee, waad iga dhiirantahay oo uma joojisid, waadigaa Cusbitalada furaya, wadooyinka dhagax dhigaya ee munaasibadaha ka qudbadaynaya waxay doodaan ha yidhaahdeene ha daalin inaad dadkaaga iyo dalkaaga u shaqayso Odaygaagana garab istaagto\u201d ayay tidhi <strong>Marwo Hudda<\/strong>.<br \/>\n<strong>Marwo Aamina Weris<\/strong> oo u guuxday weedhaha Marwadii hore Hudda, ayaa tidhi, \u201cWalaal waa sidaa waxay doonaan ha yidhaahdeene kama daalayno wixii aanu qaban karo, Axmedna isagaaba jecel oo ay ka go\u2019antahay inuu wax muuqda ka taggo\u201d<br \/>\n<strong>Marwo Hudda<\/strong>, ayaa u celisay <strong>Marwo Aamina Weris<\/strong>, \u201cWalaal Aaminay, weliba adigu waxaad igaga nasiib wanaagsan tahay waxaad heshay Dumar mar walba ku garab taagan oo adiga iyo Axmed idinla soo halgamay oo weliba dumar wada dhisan ah, waxaana filayaa inay yihiin kuwo wax baddan idinla tabcay\u201d ayay tidhi Marwadii Madaxweynihii hore ee Somaliland.<br \/>\n\u201c<strong>Marwo Hudda,<\/strong> waad ku mahadsantahay walaal hadalkaa, laakiin sow ma ogid inay maalin iyo habeen dumarkaa iyo anigaba na eedaynayaan oo leeyihiin dalka waxa ka taliya Dumar, Todoba Dumar ah oo Aamina u madaxtahay, xataa rag waawayn oo siyaasiyiin ah, ayaa ku hadaaqay \u201cGuurtida Bilaa shaarubaha ah, ayaa dalka maamusha\u201d, iyagoo aniga iyo Dumarkaa noo jeeda, markaa walaal habeen iyo maalin waa la eedaynayaa dumarkaa oo aan qabo inay ragga ka karti baddan yihiin\u201d ayay tidhi <strong>Marwo<\/strong><strong>Aamin Weris<\/strong>, waxayna raacisay walaal weliba berigii saxaafadu ma ahayn sidan weliba ee miyaanad arag saxaafadan waalan ee weerarka habeen iyo maalin nagu haysa?<br \/>\n<strong>Marwo Hudda<\/strong>, \u201cwalaal saxaafadu awalba saas ayay ahayd anagaba oo beentaa ayuun baa laga akhriyi jiray, idinku waxaaba nagu dhantaan waa la fahmaysaan. Laakiin anba waan dareemayaa in xiligayagii ay ka xuntahay sida ay tahay maanta ee waxaa ha dhegeysan ee ummadiina iyo dalkiina u shaqeeya intaa joogtaan\u201d ayay tidhi <strong>Marwo Hudda<\/strong>, waxayna labada Marwo si laab furan isugu nabad gelyeeyeen halkaa, iyagoo isu rajeeyay guul, markaa kaddib <strong>Marwo Aamina Weris<\/strong> oo ka codsatay inay marka ay soo labtaan kulmaan oo ay is waraysan doonaan, nabadgelyo iyo nabaaadiino iyo safar Guul ah, ayay isu rajeeyeen labada Marwo Aamina Weris oo ah Marwada Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo<strong>Marwo Hudda<\/strong> oo ah Marwada Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin.<\/p>\n<p><strong><em>Fiiro gaar ah: Sheekadan maaha mid xaqiiqdii dhexmartay labada Marwo xiligii ay safarka ku wada kulmeen wefdiga Madaxweynaha iyo qoyska Madaxweynihii hore Daahir Rayaale, oo ku beegnayd, 27 Sep 2015, balse waa sheeko madadaalo mala awaal ah oo aan xidhiidh la lahayn wax siyaasad ah, isla markaana suxufiga qoray sheekadan oo ah, Arraale M. Jama uga jeedo siyaasad iyo dacaayad midna ee waa sheeko madadaalo lagu sawirayo muuqaalka uu yeelan lahaa kulan ay labada Marwo Fursad isu helaan inay ku wada sheekaystaan.<\/em><\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>By. Arraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist Waxay ahayd 27 Sep 2015, markii ay si lama filaan ah ugu kulmeen Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamina Maxamed Jirde (Aamina Weris) iyo Marwada Madaxweynihii hore ee Somaliland Hudda Barkhad, Madaarka Magaalada H\u00e0rgeysa ee Egal International Airport. Marwo Aamina Weris waxay l\u00e0 socotay seygeeda Madaxweynaha Somaliland [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":14282,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-14281","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-3Il","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14281","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=14281"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/14281\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=14281"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=14281"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=14281"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}