{"id":1399,"date":"2014-12-11T11:25:57","date_gmt":"2014-12-11T11:25:57","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=1399"},"modified":"2014-12-11T11:25:57","modified_gmt":"2014-12-11T11:25:57","slug":"wasiir-falastiini-ah-oo-ku-dhintey-mudaaharaad-ka-dhacay-daanta-galbeed-ee-dhulka-falastiin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2014\/12\/11\/wasiir-falastiini-ah-oo-ku-dhintey-mudaaharaad-ka-dhacay-daanta-galbeed-ee-dhulka-falastiin\/","title":{"rendered":"Wasiir Falastiini ah oo ku dhintey mudaaharaad ka dhacay daanta galbeed ee dhulka Falastiin"},"content":{"rendered":"<p>Wasiir ka tirsan xukuumadda Falastiin ayaa Arbacadii geeriyoodey, kadib markii uu ka qayb-qaatey banaanbax ka dhacay xadka Daanta Galbeed dhulka la haysto, waxaana ka hortgey dadka mudaaharaadayey ciidamada Israel.<\/p>\n<p>Siyad Abu-cayn ayaa ka qaybgalay mudaaharaad ka dhacay tuulada Falastiiniyiintu degan yihiin ee Turmusiya waqooyiga Ramallah, arbacadii gelinkeedi danbe. Dadka mudaaharaadayey ayaa ku jeedey beeraha ay ku leeyihiin halkaas ee ay ka baxaan miraha laga sameeyo Saliida, waxaana ka hor istaagey ciidamada Israel, halkaas oo xukuumadda Israel ka waddo dhul-boobka ay ku dhisanayaan dhulka Falastiiniyiinta.<\/p>\n<p>Ciidamada Israel ayaa isticmaaley gaaska ilmada keena, budad iyo qoriga baadkiisa, waxayna ay gacmaha ula tageen dadkii mudaaharaadayey.<\/p>\n<p>Dad goobjoog ah ayaa sheegey in askar dhawr ah ay isugu tageen uu garaaceen Wasiirka Abu-cayn, waxaana ay la dhaceen budka askarta,haraati iyo qoriga baadkiisa.<\/p>\n<p>Sida laga soo xiganayo ilo ku dhaw Isbitaalka, Abu-cayn waxa uu ku dhintey gaariga gar-gaarka ee u wadey Isbitaalka, waxaana ku karay dhiigga isaga oo qabey cudurka Sonkorta.<\/p>\n<p>Midowga Yurub iyo Qaramada Midboobey ayaa dalabadey in baaritaan deg-deg ah lagu sameeyo dhacdadan. Wakiilka Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub Federica Mogherini ayaa sheegtey in ay doonayaan baaritaan madaxbanaan oo deg-deg ah in la sameeyo, sidaas si lamid ah waxaa sheegey Xogahayaha Qaramada Midoobey Ban Ki-moon.<\/p>\n<p><strong>Wasiirka oo loo murugoonayo<\/strong><\/p>\n<p>Madaxweynaha xukuumadda Falastiin Maxmuud Cabbaas ayaa ku tilmaamey falkan mid wuxuushnimo ah, kaas oo ah miraha dhulka Falastiin ee Yuhuuddo boobeyso isla markaana dhisanayaan caalamkuna indhaha ka qarsanaayo, waxaana uu ku dhawaaqey saddex maalmood oo loo murugoonayo wasiirka.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargeisa office<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiir ka tirsan xukuumadda Falastiin ayaa Arbacadii geeriyoodey, kadib markii uu ka qayb-qaatey banaanbax ka dhacay xadka Daanta Galbeed dhulka la haysto, waxaana ka hortgey dadka mudaaharaadayey ciidamada Israel. Siyad Abu-cayn ayaa ka qaybgalay mudaaharaad ka dhacay tuulada Falastiiniyiintu degan yihiin ee Turmusiya waqooyiga Ramallah, arbacadii gelinkeedi danbe. Dadka mudaaharaadayey ayaa ku jeedey beeraha ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1400,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-1399","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-mz","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1399","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1399"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1399\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1399"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1399"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1399"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}