{"id":13706,"date":"2015-09-27T14:12:55","date_gmt":"2015-09-27T14:12:55","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=13706"},"modified":"2015-09-27T14:12:55","modified_gmt":"2015-09-27T14:12:55","slug":"budhigii-wabarasho-ee-lagu-yagleelay-dugsiyadii-uu-gu-horeeyay-ee-lagu-billabay-magaalada-arabsiyo-kuwaas-oo-lagu-barto-aqoonta-maadiga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/09\/27\/budhigii-wabarasho-ee-lagu-yagleelay-dugsiyadii-uu-gu-horeeyay-ee-lagu-billabay-magaalada-arabsiyo-kuwaas-oo-lagu-barto-aqoonta-maadiga\/","title":{"rendered":"Budhigii Wabarasho Ee Lagu Yagleelay Dugsiyadii Uu gu Horeeyay Ee Lagu Billabay Magaalada Arabsiyo Kuwaas oo lagu barto Aqoonta Maadiga"},"content":{"rendered":"<div>Budhigii Wabarasho Ee Lagu Yagleelay Dugsiyadii \u00a0Uu gu Horeeyay Ee Lagu \u00a0Billabay \u00a0 \u00a0Magaalada Arabsiyo Kuwaas oo lagu barto Aqoonta Maadiga ah Sida:- \u00a0 1-Sceince ka \u00a0 2-Geography-ga \u00a03- Math ka 4-History 5- Socail Science \u00a06-Arabic 7- English 8 -Gyms. Qormadii Labaad.<\/div>\n<div><\/div>\n<div>Ma fududa marka hore \u00a0in si dhib yar loo helo oo loo bilaabo \u00a0ama loo dhigo seeska \u00a0Dugsiyo aqooneed lagu yagleelaayo haddii aaney marka hore \u00a0u dhamaystirnayn \u00a0awoodihii sahli-lahaa in la helo \u00a0goobihii wax la gu \u00a0dhigaayey ee aay ardaydu wax ku baranaaysey iyo \u00a0agabkii waxbarasho ee aas-aaska u ahaa in lagu dhiirada , waayo ugu horaayn waxaa loo baahan yahay in la diyaariyo goobihii ardaydu wax ku dhigan lahaayd iyo agabkii waxbarashada oo dhamaaystirin iyo weliba in aay goobahaasi ama dugsiyadaasi aay \u00a0 \u00a0 \u00a0 joogaan macalimiin \u00a0aqoon leh oo lagu soo carbiyey habka wax dhigista ama loo yaqaano (Teaching Methods).<\/div>\n<div><\/div>\n<div>\u00a0Macalimiintaa \u00a0Dugsiyada wax kabarta ardayada waxaa \u00a0waagaas lagu soo carbin jirey dugsiyadii caanka ahaa xilligii mustacmaradii Ingiriiska hada waa labadii Dugsi ee kala ahaa (Camuud iyo Sheekh) oo la yagleelay si macalimiinta \u00a0iyo ilaayskii hogaamineed ee umada loogu carbiyo, waxaana labadaas Dugsi ee kala ahaa (Camuud iyo Sheekh \u00a0loo asteeyey in aay noqdaan warshadii ama hooyadii aqooneed ee diyaar-garayneysey \u00a0ama lagu carbinaayey jiilkii soo kacaayey \u00a0ee loo diyaarinaayey in aay umadan hogaamiyaan, waxaana labadaa Dugsi ee Camuud iyo Sheekh kala ahaa la yagleelay gu,gii ama sanadkii 1944 kii.<\/div>\n<div><\/div>\n<div>Labadaas Dugsi ee \u00a0Camuud iyo \u00a0Sheekh oo qaaybo farabadan iskugu jirey laguna kala baranayey culuun kala jaada ayaa waxaa waaxyahaa kala jaadka ahaa ee labadaa Dugsi ee camuud iyo sheekh \u00a0 \u00a0 iyana ka mid ahaa waaxweyn oo lagu carbiyo macalimiinta loo na yaqaanay marka la soo gaabiyo TTC ama ( Teacher,s Training \u00a0Centre). Ardayada \u00a0loo tababaraayey \u00a0macalinimada waxa aay Dugsigaas tobobar ka ama (TTC) da aay waaxdaa \u00a0tobabarka macalinimada aay ku jiraayeen muddo laba sano ah oo aay ku diyaarinayeen shahadada macalinimada \u00a0( Educational Teaching Certificate), waxaanay muddadaa labada sano ah marka laga reebo maadada takhasuska macalinku dhigaayo aay baranjireen cilmiga loo yaqaan \u00a0Barbaarinta garaadka ardeyga yar iyo farsamooyinka loo adeegsado waxaana afka qalaad loo yaqaan kalmadan oo luuqada Giriiga laga soo qaatey (Pedagogy Teaching Methods ama Educational Course).<\/div>\n<div><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/09\/Bilicdii-gabdhaha-arabsiyo1968.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-13708\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/09\/Bilicdii-gabdhaha-arabsiyo1968.jpg?resize=696%2C522\" alt=\"Bilicdii gabdhaha arabsiyo1968\" width=\"696\" height=\"522\" \/><\/a><\/div>\n<div><\/div>\n<div>Barayaasha Dugsiyada Camuud iyo Sheekh xilligaas ku jirey waxaa lagu carbin jirey ama loo dhigayey \u00a0 \u00a0sida aay waxbarasho tayo -fiican uugu gudbilahaayeen ardayada \u00a0weloo aay ridada macalimiintu aay aad u yaraad balse waxa aay ahaayeen kuwo tayadooda aqooneed ee waagaas \u00a0aad u saraayso oo haaybad sharaf badan huwana dadkooda u dhexlahaa mushahar fiicana qaadan jirey (earning with decent wages). Barayaashaa waxa loo deegaamiyey in aay anshax iyo akhlaaqda fiican aay kaga dayato ardaydooda, taas oo dhaqanka fiicani uu ka mid ahaa haaybadaha uu dadka kaga dhex muuqdo macalinku, \u00a0Marka laga hadlaayo labada waaxood ee tababarida macalimiinta ee ku yaaley \u00a0labadaas macad ee camuud iyo sheekh waxa aay ahaayeen barayaasha ka soo baxa labadaas dugsi kuwo \u00a0tayada aqoontoodu saraayso oo si fudud u maareeya mushkuladaha wax dhigid ee aay maalin kastaba \u00a0aay goobaha waxbarashada kala kulmi jireen, waxaanay ahaayeen kuwo lagu soo carbiyey xalinta turun-turo ee caqabad ku noqonaysa habsami u socodka shaqadooda waayo waxaa duruustooda ka mid ahaa la gu soo carbiyey sida aaynu hore u soo sheegnay habaka ardayda loo carbiyo iyo deegaaminta guud ee baayada waxbarasho hababkaas aay isticmaali jireena waxaa ka mid ahaa sida:- 1-Psycholoy \u00a0 \u00a02-Pedology \u00a0 3- \u00a0 Class Management 4- Coherent \u00a05- Teacher,s persausive \u00a06- Teacher,s Preparatory \u00a07- Teaching Practice Mothed intaas dhan oo aan soo sheegay waa waajibaadkii macalimiintaas lagu soo carbiyey oo loo yaqaan \u00a0(Pedagogy ama Educational \u00a0Courses)<\/div>\n<div><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/09\/ardeydii-arabsiyo-primary-1968.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-13707\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/09\/ardeydii-arabsiyo-primary-1968.jpg?resize=696%2C928\" alt=\"ardeydii arabsiyo primary 1968\" width=\"696\" height=\"928\" \/><\/a><\/div>\n<div>.<\/div>\n<div>Waxa aaynu hore u soo sheegnay qaybtii \u00a0qormadan ka horaaysey in aay hormoodkii lagu yagleelayey in \u00a0Ilayska iftiin ee lagu budhigaayey aas-aaskii ama seeskii taclimiin ee \u00a0udubaha loogu dhidbaayey Dugsiyadii uugu horeeyay Deegaanka Arabsiyo aay hogaanka u hayeen Odayaashii mudakarka ahaa ee magaaladu oo aay hogaaminayeen Cali Hanfi Coofle ( cali Yare).Ibraahim Nadiif ,Axmed Gure, Sheekh Cumar Liibaan (Abu Foqora) dhamaantood Odayaashaasi waay inaga hooseeyaane faataxada haloo mara in uu ilaahaay jannadiisa fardoowsa ka waraabiyo aamiin., ayaa waxa aay maalin ka mida maalmaha barakaaysan ee aay muslimiintu shaqooyinka fasax ka yihiin oo maalin \u00a0jimca ah aay Oadayaashaa mudakarki ahi iyo \u00a0indheer-garadkii magaaladu aay miidii-sii uugu badnaayd ku jirto aay shir ku qabsadeen makhaayada \u00a0dooxa uugu xigta oo \u00a0uu Chief Caaqil Caynaan Axmed lahaa markii dambana uu Xassan Xaaji Yuusuf Rooble uu ka iibshey Chief Caaqil Caynaan Axmed.<\/div>\n<div><\/div>\n<div>Makhaayadaa uu lahaa Cheif Caaqil Caaynaan Axmed oo ku taala xaga magaalada galbeedka looga soo galo \u00a0ee u dhow dooxa qaaybiya laba da qayboo ee arabsiyo ayaa uu shirkaasi maalintaa jimcaha ahaayd gelinkeedii dambe markii laga soo baxay salaadii casar aay Odayaashii magaaladu oo aay weheliyaan waxgaradkeedii aay shirkaas ku qabsadeen,. Sannadkan 1958 kii waa sanad barwaaqo badnaa roobkuna u badnaa oo weliba magaalada dhexdeeda waxaa sunsumaya iliilado biyo badan xunbona aanay ku jirin oo xareed saafiya ah, Geedahana waxaa isqabsadey \u00a0ubaxyo caaynba caayna iyo caleen wada cagaaran .<\/div>\n<div><\/div>\n<div>Cadceeda casarnimo oo diirisay dharabkii geedaha saarnaa oo biyahii tifiq tiqi lahaana ku dhagsiisey falaadhahegii ayaa halkaas uu ka samaaysmey midab dahabiya oo muujinaaya shacnigii quruxeed ee uu ilaahaay ku manaaystey magaallada Arabsiyo oo ah dhul-beereed ku caana Bustaanada. Jawga galabtani waxa uu ahaa mid aad u qurrux badan Makhaayadani waxa aay ka mid ahaayd makhaayadihii aay magaalada Arabsiyo aay waagaas lahaayd kuwii uugu qiimo badnaa , waxaanay Odayaasha waxgaradka Arabsiyo u ahaayd goobta uugu mahiimsan ee aay shirarka ku qabsadaan marka arimaha khuseeya Deegaanka Arabsiyo la gorfaaynaayo, \u00a0waxa kale oo aay goobtani ahaayd \u00a0goob wararka lagu kala qaato laguna dhagaaysto wararka adeecadaha wixii dunida marba ku soo kordha ama gudaba ha noqotee.<\/div>\n<div><\/div>\n<div>Makhaayadan uu lahaa Cheif Caaqil Caynaan waxaa xilligaa loo yaqaaney (Civic Centre) taas oo aay micnaheedu ahaayd goobtii wararka lagu kala qaadan jirey. Inamada loo yaqaanay qaxwiyijiinta oo ahaa shaqaalaha makhaayada waxa aay galabtan ku jireen hawl culus waayo dalabka shaaha casaryaha oo xilligaas aad u socdaey dalabka qaarkii dadka macaamiisha u ahaa weliba khaasatan kuwa miyiga ka soo dhaadhacaa marka aay fijaan shaaha dalbadaan ee aay rabaan in loo soo lamado waxa aay \u00a0istimaalayii hal far oo kor loo taago aamusnaanina la socoto \u00a0markaas waxaa inanka qaxwajiga ah ku qasab ahaayd in uu si taxadir leh uu la socdo faraha aay macaamiishu kor u taagayaan.<\/div>\n<div><\/div>\n<div>Xilligaas oo raadhywgu aad u yaraa magaalada Arabsiyo waxaaba ka jirey laba radhyow oo keliya oo magaalada laga dhagaysto, labadaa raadhyowna waxaa bixiyey ingiriiska oo mid waxaa la dhiibey Mayor-kii magaalada Ibraahim Nadiif \u00a0, mid na waxaa la dhigay Makhaayadii Caaqil Caynaan oo u ahaayd magaalada (Civic Centre) keeda ama Baraha-Bulshadu aay ku kulmi jireen halkaas oo aay ku dhagaaysan jireen cadeecadaha raadhow hargeysa iyo BBc da.<\/div>\n<div><\/div>\n<div>Makhaayadan Chief Caaqil \u00a0Caynaan oo ahaayd Baraha-bulshada kala duwani \u00a0 iyo waxgaradka magaaladu aay ku kulmi-jireen inta badan waxaa lagaga hali jirey wixii dheef iyo dhiilo ah ee ku soo kordha Deegaankaas balaadhaan ee aay ku fadhidey magaalada Arabsiyo , inta badana waxaa lagaga arinsan jirey xogoha caafimeed ee deegaanka hanoqoto mid (Hygine, ) ama Xanaanada xoolaha (vetenary), \u00a0mid talaalka caruuta ama \u00a0dhib loo keeno deegaanka iyo dabeecada uu ilaahaay inagu uumay sida waxa afka qalaad loo yaqaan \u00a0(Enviromental Vulnerablity like Desforestation, Desertification,Landslide, Greenhouse Gasses Emmissions) iyo qaar kaloo badan.<\/div>\n<div><\/div>\n<div>Anigoo aan ka baxayn madwuuceenii lagu yagleelay ilaayskii waxbarasho ee laga yagleelay magaalada Arabsiyo gu,gii 1958 iyo shirkii jimcaha casarkiisii ka dhacay gudaha goobatn makhaayada oo aan kor idiinku soo sheegay in aay waxgaradka magaalada Arabsiyo u ahaayd Baraha aay bulshadu kaga ariminsato kolba wixii dheef iyo dhiilo ah ee ku soo kordha ayaan anoo mooduucaa halkaas ka sii wadi doono aan inyar dib idiinku celin doonaa sannadkii 1969 kii \u00a0ayaa waxaa Deegaanka Arabsiyo soo food-saartey dhib xagga dooxa ah oo beerihii iyo guryo badan qaaday taas oo magaalada looga baqayba in uu dooxu ku soo durko dabadeedna uu qaadaba, arintaasi waxa aay noqotey arin werwer weyn ku noqotey waxgaradkii iyo Odayaashii hogaanka umada u ahaa;<\/div>\n<div><\/div>\n<div>Markii aay dhiiladaas Dooxa Arabsiyo \u00a0dhex maraa uu masiibo qaran ku noqdey \u00a0umadii deegaankaas ku noolaayd \u00a0sanadkuna uu markaa yahay bilihii uugu horeeyey \u00a01969 kii oo aanu miletarigii xooga dalku aanu talada la wareegin \u00a0 ayaa maalin maalmaha ka mida aay wax garadkii magaaladu oo ka koobnaa haldoorkii deegaanku aay iskugu yimaadeen si aay arinkaa aafada ku noqdey uuga arinsan lahaayeen iyo sida uugu fudud ee aay gurmad deg dega uuga gali lahaayeen arinkaa.<\/div>\n<div><\/div>\n<div>Waxagaradkii magaalada oo aay hormood u ahaayeen Odayaashii magaalada ayaa waxa aay shir deg dega oo albaabadu u xidhan yihiin ku qabteen makhaayadii Baraha Waxgaradka u ahaayd ama \u00a0la odhan jirey ( Arabsiyo Civic Centre) . Goobtaas waxaa ka dhacday dood aad \u00a0u xeeladaaysan cilmina ku duugan yahay iyadoo aad looga hadlaayo cilmiga looyaqaan hab-deegaameedka uu i Ilaahay \u00a0u dhigay labada nolooleed ee isku dheeli tiran ( Eco-Sytem) , waxgaradka goobtaa isugu yimid waxaa ku jirey niman khuburo ku ah baahadaha aduunka waxana ka soo galay dagaalkii labaad ee aduunka sida alle yarxame Mujaahid Gabax Liibaan.<\/div>\n<div><\/div>\n<div>Doodaa goobtii barkulanka u ahaayd waxgaradkii Arabsiyo ku dhex martey sannadkaa 1969 horaantiisii waxa aay doodaasi oo duhurkii bilaamatey \u00a0laydhna xilligaa muujirine markii migdigii dumayna tiriig-yadii waaweynaa \u00a0 \u00a0laysku shitay aay soo dabayaaqoowdey doodaasi dheeraayd kow iyo tobankii habeenimo, waxaana ka soo baxay qodobo wax ku oola oo aan hoos idiinku iclaamin doono , qodobadaas \u00a0oo dhamaanteed qeexayey sidee gurmadka arnkaa aafada noqdey looga hortagi lahaa intaanu masiibo qaran noqon.<\/div>\n<div>Shirkaasi Arabsiyo Civic Centre ka dhacay waxaa nasiib wanaag u hiley District Commissioner kii Degmada gabiley oo markaas Arabsiyo aay hoos imanaysey Muddane Maxamed Cabdi oo reer Cadmeed Cadan waxku soo bartay ahaa kana soo jeeday cid ahaan District \u00a0 Laascaanood.\u00a0 Maxame Cabdi oo ahaa Dc-ga Degmada waxa uu doodiisa uu ku soo gunaanadey in uu isagu ka caawinaayo nin uu yaqaano oo Injineer ku caan baxay sida loo xidho siliga farshaxanka loo sameeyo ee gabyanada lagu xidho, waxa kale oo uu Maxamed Cabdi Dc gii kaloo uu ku baaqay in xaga daawlada uu shidaalka baabuurta iyo laba iska rogu ku caawin doono.<\/div>\n<div><\/div>\n<div>Geesta kale Odayaashii iyo waxgaradkii Arabsiyo oo uu ku jiro Gabiley District Commissioner kii waxa aay soo saareen qodobadan.:- 1- waa in dhamaan meheradaha magaalada oo dhan laxidhaa maalinkasta inta aay haawsha gabyan xidhidu socoto saddex saac aay kana mid noqdaa bayacmustarka iyo maheradaha magaaladu maalgalinta iskaa wax u qabsada. 2- in la hakiyaa baabuurta magaalada in aay safaro dhaadheer u baxaan sida jabuuti oo kale inta uu socdo mashruuca iskaa wax u qabsadu waayo baabuurta xamuulka waxaa looga \u00a0baahan yahay in aay marna dadka soo daabulaan,<\/div>\n<div>marna dhagaxa gabyanka lagu xidhaayo aay soo daabulaan, 3- waa in shicibka miyi iyo magaaloba uu qofkastaaba u huraa xoogiisa laba saacadood \u00a0in uu ku bixiyo sidii hawshaasi u dhamaystiran lahayd hada waa muddada aay hawsha iskaa wax u qabsadu socoto sanadna ha noqotee. 4- shacabka miyi iyo magaalaba waa in aay maalkooda u horaan sida loo quudin lahaa dadka iskaada wax u qabsada ku shaqaayna ya muddada aay hawsha gabyan xidhidu \u00a0socoto. qodobada oo badnaa aanan intaas ku soo koo bikaraayn ayaan idiiki dhaafayaa magacyadii \u00a0Oadayaashii iyo waxgaradkii Arabsiyo ee haawshaas suurto geliyey.<\/div>\n<div><\/div>\n<div>1- Cali Hanfi Coofle ( Cali Yare)<\/div>\n<div>(Ibraahim Ndiif markaas uu geeriyooday waxaa badelay)<\/div>\n<div>2- Xawaadle Cilmi<\/div>\n<div>3- Gabax Liibaan<\/div>\n<div>3- Cumar Liibaan<\/div>\n<div>4-Cabdilaahi Batuun<\/div>\n<div>5-Cabaas<\/div>\n<div>6-Cabdillaahi Batuun<\/div>\n<div>7-Maxamed Daahir \u00a0Libaan ( Ina Gacanloow)<\/div>\n<div>8-( Gabiley District Commissioner \u00a0Maxamed Cabdi)<\/div>\n<div>Qore<\/div>\n<div>Khadar Jaambiir Egeh<\/div>\n<div>Qormooyinka Dambe La Soco<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Budhigii Wabarasho Ee Lagu Yagleelay Dugsiyadii \u00a0Uu gu Horeeyay Ee Lagu \u00a0Billabay \u00a0 \u00a0Magaalada Arabsiyo Kuwaas oo lagu barto Aqoonta Maadiga ah Sida:- \u00a0 1-Sceince ka \u00a0 2-Geography-ga \u00a03- Math ka 4-History 5- Socail Science \u00a06-Arabic 7- English 8 -Gyms. Qormadii Labaad. Ma fududa marka hore \u00a0in si dhib yar loo helo oo loo bilaabo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":13707,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[5,3,10],"tags":[],"class_list":["post-13706","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-aragtidda-dadweynaha","category-arimaha-bulshada","category-featured"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-3z4","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13706","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=13706"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13706\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=13706"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=13706"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=13706"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}