{"id":13564,"date":"2015-09-22T17:43:51","date_gmt":"2015-09-22T17:43:51","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=13564"},"modified":"2015-09-22T17:43:51","modified_gmt":"2015-09-22T17:43:51","slug":"daawogasarkii-caddaa-waxa-fadhiya-tima-gardhaaleye-haddii-aarku-gabbo-waa-inay-gooshu-talisaayeabwaan-kujare","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/09\/22\/daawogasarkii-caddaa-waxa-fadhiya-tima-gardhaaleye-haddii-aarku-gabbo-waa-inay-gooshu-talisaayeabwaan-kujare\/","title":{"rendered":"Daawo\u201cGasarkii Caddaa Waxa Fadhiya Tima Gardhaaley\u2019e Haddii Aarku Gabbo Waa Inay Gooshu Talisaaye\u201dAbwaan Kujare"},"content":{"rendered":"<p>\u201cGasarkii Caddaa Waxa Fadhiya Tima Gardhaaley\u2019e Haddii Aarku Gabbo Waa Inay Gooshu Talisaaye\u201d<\/p>\n<p>Gabaygan oo ka hadlaya xaaladaha iyo duruufaha is bedelada nolosha Aadamaha, waxa tiriyay Abwaan Cismaan Ku Jare oo ah suugaanyahan Alleh ku manaystay hibona u siiyay xikmad baddan, mana aha gabaygii u horeeyay ee uu tiriyo Abwaanka, b\u00e0lse gabaygan Wuxuu rag ay saaxiibo dhow yihiin ugu hoga-tusaalaynayaa is bedelka dunida ka dhacay iyo inay u dulqaatan waxyaabaha ay kala kulmaan guryohooda, wuxuuna ku bilaabay sidan:-<\/p>\n<p>Gefka dhacay Hadhuudhoow hadaad gubbasho Ooyayso ragba godobta waa kula qabaa garaw la\u2019aaneed\u2019e,<br \/>\nCidladaad gandoodiyo tashigu kuuma aha gaare,<\/p>\n<p>Nimanbay gu,yaal iyo gu,yaal gibishu saarayde, siday subax girgire ugu rogtay ee looga gubay shaadhka. Nuuxii garaaryaha lahaa gaabi socodkiiye,<\/p>\n<p>Gadh-lul weeye ina Caamirkii goobabayn jiraye, Wuxuu ganafka taagoba haday keenno geliyeene, geediga halkii loo raruu daba gashleeyaaye.<\/p>\n<p>Inkastuu garleeyahay haddii gobo\u2019da loo sheego Saleebaan ma goolaaftamoo tarabalkii gooye.<br \/>\nIyadoo gabood lagu faluu dan uga guuraaye.<\/p>\n<p>Deeqii guryaa baddan lahaa looma gaardiyo\u2019e, Cir godladay gud-gude soo curtuu gaaf wareegyahaye, dumarkuu l\u00e0 gooshaashi jiray go,gol ma siiyaane.<\/p>\n<p>Ma guureeyo Maxamuud intuu Haafkii gaacsado\u2019e, ina Bicirif Geydhkiyo haddaa Gaadhka loo diraye.<br \/>\nK<br \/>\ninkastuu rag lama gaasiree haatan godadleeyay, indhawayd garaadkii ma arag gabanadiisiiye, gobolkii Togdheer maalintuu guursaduu nacaye.<\/p>\n<p>Dhaaxaan is giijaye markii gacanta lay taagay Aniguba gedaad igu tiqiin waa ka gaabsadaye, waxay gabadhu soo jeedisaan baddi u guuxaaye.<\/p>\n<p>Siday dumarka gaaladu u tidhi guudka sare gaadha ee garanka iyo loogu xidhay goonnadiyo shaadhka , gidigood waxay doonayaan inay gudoonshaane.<\/p>\n<p>Guryihii raggoo joogabay geedka tegayaane , Baarl\u00e0ma\u00e0nka iyo Guurtidii waa kuwaa galaye.<br \/>\nGasarkii caddaa waxa fadhiya Tima gardhaaley\u2019e, taladaanay goyn iga walaan cidi ku guurayne.<\/p>\n<p>Inkastoo guyaal iyo guyaal gibishu saaraato garababeelka awrkii noqdaa ma\u2019aha gaadiide, haddii aarku gabbo waa inay Gooshu Talisaaye.<br \/>\nDhamaad gabaygan waxa tiriyayay Abwaanka hal-abuurka xikmaawiga ah ee Cismaan Ku Jare.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>\u201cGasarkii Caddaa Waxa Fadhiya Tima Gardhaaley\u2019e Haddii Aarku Gabbo Waa Inay Gooshu Talisaaye\u201d Gabaygan oo ka hadlaya xaaladaha iyo duruufaha is bedelada nolosha Aadamaha, waxa tiriyay Abwaan Cismaan Ku Jare oo ah suugaanyahan Alleh ku manaystay hibona u siiyay xikmad baddan, mana aha gabaygii u horeeyay ee uu tiriyo Abwaanka, b\u00e0lse gabaygan Wuxuu rag ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":13572,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"video","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[3,10,6,2],"tags":[],"class_list":["post-13564","post","type-post","status-publish","format-video","has-post-thumbnail","category-arimaha-bulshada","category-featured","category-suugaan","category-wararka","post_format-post-format-video"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-3wM","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13564","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=13564"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13564\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=13564"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=13564"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=13564"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}