{"id":13539,"date":"2015-09-22T13:23:06","date_gmt":"2015-09-22T13:23:06","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=13539"},"modified":"2015-09-22T13:23:06","modified_gmt":"2015-09-22T13:23:06","slug":"muuse-biixi-oo-ka-hadlay-haamaha-shidaalkadhawaaqa-xasan-sheekh-maxamuudiyo-is-gacan-saarkii-labada-guddoomiye","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/09\/22\/muuse-biixi-oo-ka-hadlay-haamaha-shidaalkadhawaaqa-xasan-sheekh-maxamuudiyo-is-gacan-saarkii-labada-guddoomiye\/","title":{"rendered":"Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Haamaha Shidaalka,Dhawaaqa Xasan Sheekh Maxamuud,Iyo Is Gacan Saarkii Labada Guddoomiye ."},"content":{"rendered":"<p>Hargeisa(AN):-Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo xukuumada Somaliland ayaa maanta shir jaraa\u2019id siwada jira ugu qabtay Madaxtooyada Somaliland.<\/p>\n<p>Shirkaasi jaraa\u2019id ayay ka hadleen Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi ISmaaciil (Saylici) iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Buuxu Cabdi.<\/p>\n<p>Waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa khudbadii uu shirkaasi kajeediyay gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo dhamaystiran, waxaanay ahayd sidan<\/p>\n<p>Bismilahi Raxmaani Raxiim<\/p>\n<p>Taariikh:22.09.2015<\/p>\n<p>Assalaama Calaykum Waraxmatulahi Wabarakaatu:<\/p>\n<p>Ugu horeyn waxa aanu u mahad naqanayna dhamaan warbaahinta maanta halkan noogu timid.<\/p>\n<p>Waxa aanu aqoon sanahay in warbaahintu xil culus u hayaan qaranka.<\/p>\n<p>Jawaabta Somaliya<\/p>\n<p>Inteenii maqashay maalmahan madaxwaynaha soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud waxa uu ka yidhi muqdisho &#8211;Shirkan fadaraalka ah mabda\u2019iyan Somaliland way ku jirtaa, waxaan eegaynaa farsamooyinkii<\/p>\n<p>ay uga qayb gali lahaayeen&#8211;.\u00a0 Ninbaa laga hayaa arin uu ka yaabay:ninka yidhi waxbaan gani aniga gol iyo cayn jooga ee yidhi badii garcad yaan gudub u waydaarin\u00a0 godka lagu cadaabyoow, muxuu go\u2019uhu been sheegay.\u00a0 Weedhaasi waa mid gaf iyo meel ka dhac ku ah qaranimada somaliland, waa gardaro badheedha, waa mid sii kala fogaynasa shacbi Somaliland iyo Somalia.\u00a0\u00a0\u00a0 Somaliland magan ugama aha qaranimadeeda, Illaahay mooyaane cid kale , dantu waxay ku jirta xasanoow\u00a0 in aynu noqono laba qaran oo daris ah oo is ixtiraama.<\/p>\n<p>Arrinta Golaha Wakiilada<\/p>\n<p>Gacan ka hadalkii dhex maray shir gudoonka golaha wakiilada Somaliland, sharaf dhac iyo foolxumo ayuu ku ahaa qaran ka Somaliland, iyada oo labada odayba canaanta wada leeyihin, hadana somalidu waxay tidhaahdaa, ( hadii qooni timaado qardabo hadhay), sidaa darteed gudoomiyaha (Cirro) hadii uu ku gafay ku xigeen kiisu inuu gacan qaadaa milgihiisa may ahayn, laf jabka ugu wayna waxa uu ahaa markii laga daawaday warbaahinta gudoomiyiihii oo feedh ku garaacaya ku xigeenkiisa.\u00a0 Muuqaal kaasi waxay su\u2019aal galinaysaa, adkaysiga iyo taxamulka uu qofku u yeelan karo culayska siyaasadeed.<\/p>\n<p>Waxaa dareen keeda leh, iyada oo haldoorkii xisbiga Wadani si qayaxan ay ugu taageereen gacan-kahadalkii gudoomiyahooda, waxay taasi tilmaamaysaa in xisbiga wadani isu raacsan yihiin gafka gacan ka hadalka gudoomiyohooda waana arrin khalad ku ah curfiga siyaasadeed ee Somaliland, xisbiga wadani waxaynu waydiinaynaa xilalka qaranka miyaan lagu iman doorasho.\u00a0\u00a0\u00a0 Madaxwaynaha, ku xigeenka, xildhibaanada iyo shir gudoon kooduba miyaanu distoorku qeexayn inay ku imanayaan doorasho mise kursiga wadani ku fadhiistaa waa lama taabtaan.<\/p>\n<p>Arrinta Haamaha Shidaalka<\/p>\n<p>Arintaa la xidhiidha haamaha shidaalka ee la hadal hayo, habka maamulka ee xukuumadu u qorshaysay kama uu soo gudbin golaha xukuumadda.\u00a0\u00a0 Ma aragno heshiis xukuumadu cid la gashay oo ay u soo gudbisay Golaha wakiilada ,arintaas wali waxa gacanta ku haysa oo ka baaraan degaysa xukuumada, sidaas darteed dadka arintaas faalaynaya hasugaan marka heshiiskaasi kasoo dhamaado xaga xukuumada, cidii talo haysaana waxa ay u gudbin kartaa xukuumada, waxaynu nahay dad talo wadaag leh oo is dhegaysanaya. Sawaxanka siyaasadeed ee mucaaridku hor boodayaa talo soo jeedin\u00a0 maaha ee waa goolaaftan siyaasadeed. Si kastaba arrinkani waa arrin maamul oo masuuliyadeed.<\/p>\n<p>Shirka Xisbiga Kulmiye<\/p>\n<p>Waxaynu ognahay in dadka xiiseeya arimaha siyaasadu baryahan dambe oo dhan ka faaloonayeen shirkii golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye.\u00a0 Xisbi ahaan taa waanu ku farax sanahay waayo, waxa aanu u aragnaa in ummadda Somaliland dhamanteed danaynayaan geedi socodka xisbiga.\u00a0 Taasi waxay muujinaysaa\u00a0 ummada inteeda badan rajada mustaqbalkeeda ka dhex eegayaan xisbiga kulmiye.<\/p>\n<p>Dhinaca kale hadal haynta xisbiga kulmiye waxay muujinaysa in shacbigu ka marag kacaayo, wax qabadka horumarineed ee xukuumada kulmiye fulisay shantii sano ee ay xilka haysay.\u00a0 Xisbiga Kulmiye isagoo dareemaya kalsoonida shacbigu u muujiyay, isagoo ka falceliniya dareemada dadku ka naawilayaan\u00a0 mustaqbal dhaw iyo ka fogba. wuxuu si hagar la\u2019aan ah fikir iyo fulinba ku dadaalayaa:<\/p>\n<p>\u00fc\u00a0 in uu ka midho dhaliyo hiigsiga iyo himilada shacbiga somaliand ee ah,<\/p>\n<p>\u00fc\u00a0 in somalialand hesho aqoonsi buuxa\u00a0 kana mid noqoto golayaasha caalamiga ah ee dawladuhu ku wada arinsadaan UN, AU. IWM.<\/p>\n<p>\u00fc\u00a0\u00a0 In Somaliland noqoto dal dimuqraadiya, dal dhaqalihiisu kobco oo ka horumara dhinaca aqoonta, caafimaadka iyo arimaha bulshada.<\/p>\n<p>\u00fc\u00a0\u00a0\u00a0 In somalalinad noqoto dal uu hogaamiyo sharicigu, dimuqraadi ah, madaxdu ku timaado doorasho muwaadinintuna u siman yihiin xuquuqda dhinac wac walba.<\/p>\n<p>Xisbiga kulmiye hogaankiisa, gudigiisa fulinta, golihiisa dhexe iyo taageerayaashiisuba waxay si aada uga baaraan dagaan shirarkooda iyagoo ku lafa guraya arimaha kor ku xusan, kadibna go\u2019aamiyaan waqtiga ku haboon ee shirku qabsoomayo.\u00a0\u00a0 Waxa ilaahay mahadiiya in maanta xisbiga kulmiye isla qaatay mudayntii qabsoomida shirkii golaha dhexe.\u00a0\u00a0 Xisbiga kulmiye waxa uu dheer yahay xisbiyada kale, waa xisbi leh musdambeed arimuhu markay adakaadaan talo iyo tilmaamba ugu noqdo,\u00a0 Aasaasihiii xisbiga oo hadda ah madax waynaha dalka\u00a0 tilmaam tiisa iyo taladiisa ayuu kulmiye in badan kaga badbaadaa dhibaatooyinka soo wajaha.<\/p>\n<p>Hadaba, markii aanu xisbi ahaan isla eegnay waqtiga ugu haboon ee shirku qabsoomi karo, waxaanu isla garanay in shirka golaha dhexe ee xisbigu qabsoomo 10 ka November 2015.\u00a0 Sidaa darteed dhamaan golaha dhexe ee xisbiga waxaa laga codsanaynaa in ay u diyaar garoobaan shirka.<br \/>\nArabsiyonews.com Office Gabiley somaliland<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeisa(AN):-Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo xukuumada Somaliland ayaa maanta shir jaraa\u2019id siwada jira ugu qabtay Madaxtooyada Somaliland. Shirkaasi jaraa\u2019id ayay ka hadleen Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi ISmaaciil (Saylici) iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Buuxu Cabdi. Waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa khudbadii uu shirkaasi kajeediyay gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo dhamaystiran, waxaanay ahayd sidan Bismilahi [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":13540,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_publicize_message":"","jetpack_publicize_feature_enabled":true,"jetpack_social_post_already_shared":true,"jetpack_social_options":{"image_generator_settings":{"template":"highway","default_image_id":0,"font":"","enabled":false},"version":2},"jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-13539","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_publicize_connections":[],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-3wn","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13539","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=13539"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13539\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=13539"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=13539"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=13539"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}