{"id":13463,"date":"2015-09-20T15:04:38","date_gmt":"2015-09-20T15:04:38","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=13463"},"modified":"2015-09-20T15:04:38","modified_gmt":"2015-09-20T15:04:38","slug":"madaxwayne-siilaanyo-oo-furay-mashruuca-biyo-balaadhinta-caasimada-hargaysa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/09\/20\/madaxwayne-siilaanyo-oo-furay-mashruuca-biyo-balaadhinta-caasimada-hargaysa\/","title":{"rendered":"Madaxwayne Siilaanyo oo furay Mashruuca Biyo Balaadhinta Caasimada Hargaysa"},"content":{"rendered":"<p class=\"ecxMsoNormal\">Hargaysa(AN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa kormeer ku tagay\u00a0 Deegaanka Biyaha Shiinaha oo ay ka socoto balaadhinta iyo biyo gelinta Caasimada hargeysa, waxaana\u00a0 Madaxweynaha booqashadiisan ku wehelinaayey\u00a0 qaar kamida Golaha Wasiirada, Mudanayaasha Guurtida iyo\u00a0 Wakiilada, Maayirka Caasimada Hargeysa , Maareeyaha\u00a0 Wakaalada Biyaha, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha, \u00a0masuuliyiin ka socotay Hay\u2019addaha UN-ka, gaar kamida Sakaariisha kala duwan ee Laamaha Amaanka.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Madaxweynaha ayaa ugu horayn booqday kaamka\u00a0 ay\u00a0 yaalaan qalabka loogu talo galay biyo gelinta waxaana halkaasi\u00a0 warbixin kooban ku siiyey Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa kana war bixiyey\u00a0 agabka balaadhan ee loogu talo galay biyo gelinta Caasimada hargeysa\u00a0 iyo qaabka ay hawshu socoto, sidoo kalena waxaa uu madaxweynuhu socdaalkiisa ku tegay halka ay ka socoto qodista iyo gelinta dhuumaha xanbaara biyaha oo uu soo indha indheeyey, Madaxweynuhu waxaa sidoo kale warbixin kooban ku siiyey\u00a0 Maareyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa iyo sarkaal ka socday Hay\u201daddaha UN-ka oo isna sharaxaad ka bixiyey qaabka ay u socoto hawsha biyo balaadhintu,<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">\n<p class=\"ecxMsoNormal\">\u201cMadaxweynaha oo kormeerka ka dib ka qaybgalay xaflad balaadhan oo lagu daahfuray mashruuca biyo baladhinta Caasimada oo lagu qabtay Hotel Mansor hargeysa ayaa waxa ka mid ahaa Khudbadiisa\u201d<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\" align=\"center\">\n<p class=\"ecxMsoNormal\">\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Assalaamu Calaykum Wa raxmatulaahi Wa barakaatu,<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Mudanayaal iyo Marwooyin, Salaan qiimo badan ka dib, waxaan si gaara ugu mahadnaqayaa dadkii iyo Dawladihii gacanta ka geystay mashruucan, oo ay ugu horrayso <b>Midowga Yurub (EU), Germany, World Bank iyo Dawladaha ku bahoobay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee UK, Denmark, Norway iyo the Netherlands.<\/b><\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Dawladdaydu, waxay isku hawshay sidii Dalkani u heli lahaa biyo, Dalka guud ahaan, gaar ahaanna Caasimadda oo in muddo ahba uu ka socday mashruuca biyo balaadhinta ee aynu manta joogno. Waxaa ku baxaya mashruuca biyaha ee Hargeysa xaddi lacageed oo gaadhaysa Konton Milyan oo Dollar-ka Maraykanka ($50,000,000).<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Waxaa kaloo jira mashruuca Xumba-weyne oo isagana ay maalgelisay Dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabtu, kaasoo isna hawshiisii gacanta lagu hayo, waxaan rajaynayaa marka mashaariicdani dhammaato, in dhibaatadii ka taagnayd biyaha Caasimadda Hargeysa laga bogsan doono.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Walaalayaal, biyuhu waa noloshii, waxaanay leedahay muhiimad iyo mudnaan, anagoo taa tixgelinayna, waxaanu isku daynay, tallaabo kasta oo dhibtan lagaga bixi karo, iyo cid kasta oo naga caawin karta in aanu la kaashanno, waxaana Illaahay mahadii noo suurtagalay hawsha ballaadhan ee aad indhihiina ku aragtaan wakhti dhawna laga cabi doono Haddii Illaahay ka dhigo.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">\u00a0Arabsiyonews.com<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Hargaysa Desk<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa kormeer ku tagay\u00a0 Deegaanka Biyaha Shiinaha oo ay ka socoto balaadhinta iyo biyo gelinta Caasimada hargeysa, waxaana\u00a0 Madaxweynaha booqashadiisan ku wehelinaayey\u00a0 qaar kamida Golaha Wasiirada, Mudanayaasha Guurtida iyo\u00a0 Wakiilada, Maayirka Caasimada Hargeysa , Maareeyaha\u00a0 Wakaalada Biyaha, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha, \u00a0masuuliyiin ka socotay Hay\u2019addaha UN-ka, gaar [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":13464,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-13463","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-3v9","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13463","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=13463"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/13463\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=13463"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=13463"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=13463"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}